18 September, 2010

“Ma Jiro Weerar La Weeraray Guriga Wasiirka Xananada Xoolaha” Sarkaal Ciidanka Boliska

Hargeysa (Somaliland.Org) Waxa caawa fiidniimadii markay saacadu ahayd 7dii fiidnimo qarax laga maqlayay guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Md Axmed Xaashi Oday. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa marki ay tageen goobta qaraxa laga maqlayay waxay sheegeen in qaraxaasi ka dhashay 'Boiler' kii guriga ku xidhnaa oo qarxay, iyada oo wakhtiga qaraxaasi dhacay aanay guriga cidi ku sugnayn oo uu cidla ahaa.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa wakhtigan safar ugu maqan dalka Kenya, safarkaas oo ay ku weheliyan afar Wasiir oo xukuumada ka tirsan.

Dhinaca kale saxaafadda qaar taabacda xukuumaddi dhacday ee UDUB sida qarannews iyo waaheen ayaa soo qoray in guriga wasiirka la wareeray iyada oo ay sheegeen in guriga wasiirka la weerary oo u dhow guriga Madaxweynaha, ujeedadu ahayd in la weerarayo Madaxweynaha.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo guriga wasiirka ku sugnaa cawa fiidki aya sheegay in saxaafad iyo shakhsiyaad faafinaya warar been abuur ah jiraan, taaso ay rabaan inay ku waxyeeleyan qaranimada Somaliland. Isla markaana sheegay in la hubsado warka inta aanay faafin.

Xig:Somaliland.Org Hargeysa

 

No comments: