20 September, 2010

Kastammada Cashuuraha Ee Kalabaydh Iyo Wajaale Oo Dakhliga Ay Qabtaan Kor U Kacay posted by: Webmaster

Kastammada Cashuuraha Ee Kalabaydh Iyo Wajaale Oo Dakhliga Ay Qabtaan Kor U Kacay
posted by: Webmaster

Kastamada Wasaarada Maaliyada ee cashuuraha qaadka Kallabeydh iyo Tog-Wajaale ayaa markii u horaysay,dakhligoodu kor uaga kacey intii hore tobanlaabkeed dakhliga kasoo xerooda cashuuraha jaadka oo u dhiganta boqlkiiba afaratan.

Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah howlwadeenada iyo masuuliyiinta kahowlagala Kastamada Kalabeydh iyo Tog-Wajaale ee cashuuraha qaadka ,oo ka cudurdaartey in la xuso magacyadooda ayaa sheegay in uu kor ukacay dakhliga cashuuraha ee soo gala kastamadaasi toban laab marka loo eego intoo kasoo xeroon jirtey awal hore xiligii Xukuumadii hore taas, oo maalin walba ay jirto kor-ukac tirada guud ee dakhliga ah, taas u dhiganta boqolkiiba afartan. Waxa kale oo ay xuseen, in ay kor ukacani yahey kii ugu badnaa ee noociisa ah oo dakhliga cashuuruhu kor ukaco xadi intaa leeg waxaanay, sheegeen in guud ahaanba si isku mid ah loo cashuuro ,wixii badeecooyin qaad ah ee soo mara Kasatamadan. Sidoo kale qaar kamid ah Shaqaalaha Baanka Gabiley, ayaa iyaguna sheegay kor ukaca dakhliga kastamka Kalabeydh iyo Tog-Wajaale ee Wasaarada Maaliayadu ku cashuurto qaadadka ka yimaada dalka Itoobiya "Waxaanu kayaabnay fara badnaanta dakhliga Wasaarada Maaliyada uga soo xerooda xiligan Kastamka qaadka Kallabeydh iyo Tog-Wajaale, oo kabadan toban jeer intii aanu ka xerayn jirnay awal hore, waxaana Kalabeydh oo kale dakhligeedu hada gaadhaa laba boqol oo milyan iyo dheeraad"Sidaa waxa yidhi mid kamid ah Shaqaalaha Baanka Gabilay oo ka cudurdaatay in magaciisa la xuso.
Guud ahaanba shaqaalaha iyo masuuliyiinta Kasatmka Kallabeydh ayaa, siwayn uga foojigan in ay wax madmadow ahi kyimaado ,howsha cashuuraha Wasaarada Maaliyada gaar ahaan, cashuuraha qaadka oo inta badan lagu jeegareeyo Kastamka Abaarso, oo ay sii maraan laguna baadho qaadadka lagu cashuuro Kastamka Kallabeydh iyo khudaarta ka timaada dhinaca Itoobiya , oo inta badan lagu cashuuro Katamka Wasaarada Maaliyadu ku leedahey Tog-Wajaale oo kuyaala kadinka xuduuda labada dal.

Cabdiraxmaan Nuux (Hiiraan).
Hargaysastar

No comments: