05 September, 2010

Itoobiya Oo Markii Ugu Horreysay Si Cad Uga Hadashay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Xukuumadda Cusub Ee SL

Itoobiya Oo Markii Ugu Horreysay Si Cad Uga Hadashay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Xukuumadda Cusub Ee SL

Hargiesa (Qaran news)-Safiirka dalka Itoobiya u fadhiye Somaliland General Besfe Taday, ayaa sheegay in xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo wada shaqaynta labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu Safiirku  caddeeyey in xidhiidhka laba dawadan ee Itoobiya iyo Somaliland  uu ahaa mid soo jireen ah marba marka kadanbaysana uu sii xoogaysanaayey, isla markaana waxa uu ku dooday inuu u joogo Xafiiskiisa Hargeya sidii caadiga ahayd iyo hawl-maalmeedkiisa shaqoi.

"Waxa  ay tahay fursad qaaliya in labada wadan ay sii xoojiyaan xidhiidhka wadashaqayneed iyo ta diblomaasiyeedba," Sidaa ayuu yidhi Safiirka Hargeysa u fadhiya dawladda Itoobiya. Waxa kale oo uu Safriirku tilmaamay in uu la kulmay Madaxweynaha cusub ee ladoortay Mudane Siilaanyo ayna  kawada hadalnay danaha siyaasadeed, dibloomaasiyadeed iyo amniga labad dal ay kawada shaqaynkaraan.

Safiirku waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay  in ay jiraan dad cadow ah oo ay leeyihiin Somaliland iyo Itoobiya oo faafiyey hadallo aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaaya in Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ay ka guurayso, kana baxayso  dalka Somaliland. "Waxa jira hadallo been abuur ah oo beryahan qulqulaayey dalka, iyada oo ay leeyihiin Safaaraddii Itoobiya ayaa dalka Somaliland ka baxaysa. Waxaan leeyahay arrintaasi waa mid aan waxba kajirin oo ay sameeyeen Cadowga neceb xidhiidhka fiican ee aannu la leenahay Dalkan Somaliland.

Waxaanan qirayaa in shaqadii socoto oo Xafiiskayagii Hargeysa uu sidii caadiga  ahayd  u gudanaayo shaqadiisii sidaad arkaysaan idinkuba. Waxaanan si milgo leh u sheegayaa in xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee aannu la lahayn Somaliland uu maanta ka sii fiican yahay sidii hore, waajibna ay tahay in aannu sii xoojiNno wadashaqayntaas, meelna aaNnu ugu soo wada jeedi doonno cidkasta oo isku dayda inay carcaqaladayso nabadda iyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan  ee Itoobiya iyo Somaliland." Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya dawladda Itoobiya General Besfe Taday, mar uu shalay u warramayey TV-ga Afka dawladda ku hadla ee Somaliland.

Ambassador Besfe Taday, waxa uu shaaca ka qaaday in  Xuukumada cusub ee Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay maanta isla soo jaangooyeen Xidhiidh wadashaqayneed oo kasii tayo badan xidhiidhkii hore ay ula lahaayeen Xukuumaddii Daahir Rayaale. Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Safiirka ayaa meesha ka saarayo warar beryahanba laysla dhexmarayey oo sheegaya in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya sii xumaanayo, ka hor hadalkan Safiirka, waxa arrintan ka hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo ku-xigeenkiisa, kuwaasoo sidoo kale beeniyey wararkaas.

Source Hargeisastar

No comments: