05 September, 2010

Dallada Ururada Dhallinyaradda Somalialnd Ee SONYO oo Maanta Si Mug leh uga qaybqaadatey Ollolaha Nadaafada Heer- Qaran

Dallada Ururada Dhallinyaradda Somalialnd Ee SONYO oo Maanta Si Mug leh uga qaybqaadatey Ollolaha Nadaafada Heer- Qaran

Shaqaalaha Xarunta SONYO ayaa dhamaantoodba ku waa-bariistey gurista qashinka magaaladda Hargeysa, gaar ahaan Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Xaafada Bada-cas

Dalladda Dhalinyaradda SONYO (Somaliland National Youth Umbrella Organization) oo ay ku bahoobeen in ka badan 50-urur dhallinyaro oo ka aasaasan guud ahaan gobolada dalka ayaa maanta si weyn uga qaybqaadatey Ollolaha Qaran ee Nadaafada oo uu ku dhawaaqay dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed M, Siilaanyo.

Shaqaalaha Xarunta dhexe ee Hargeysa ee Dallada SONYO oo tiradoodu dhan tahay 20 qof in ka badan ayaa dhammaantood waxa ay ku dareereen gobo uu qashin buux dhaafiyayey, iyagoo sidoo kalena shaqaalaha Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqankana kala qayb-galay hawl-gal ay ku nadiifinayeen kamboolka wasaaradaasi ka dhisan tahay.

Shaqaalaha SONYO waxay qashin badan sidoo kale ka ururiyeen xaafada Bada-Cas, Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa halkaas oo xafiiska SONYO uu ku yaalo. Sidoo kale, gawaadhida dallada SONYO ayaa ka qaybqaadatey abaabulka iyo guubaabada muwaadiniinta loogu yeedhayo inay ka qayb-galaan ollolaha nadaafadda, una soo baxaan qashin-gurka.
Shaqaalaha SONYO oo uu horkacayo Agaasimaha Fulinta Siciid Maxamed Ahmed ayaa ku labisanaa shaadhadh cad cad oo ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo dhiiri-galinaya nadaafada, isla markaana iftiiminaya in nadaafadu tahay qayb ka mid ah iimaanka islaamiga ah.
Sidoo Kalle Waxaa Shaqaalaha SONYO Ayaa Ololae nadaafeed oo lagu guraayo khashinka Ka Sameeyey Xarunta wasaarada Dhallinyarada Dhaqanka iyo Ciyaarah oo ay ka ururiyeen qasinka.
Ugu dambeyntii Waxay dallada SONYO hambalyo u dirtey dhammaan shacbiweynaha iyo gaar ahaan ururada dhallinyarada ee ka qaybgalay hawl-galka nadaafada ee ka socda dhamaan gobolada dalka… Mar wax laga weydiiyey Agaasimaha Dallada Ururada Dhallinyarada Somaliland Ee Sonyo Siciid Maxamed Axmed sida ay u arkaan maalintan qaran, ayaa waxaa uu xusay in maalintan loo baahnaa, oo ay aad u dhiiri-galinayaan, dalladuna ay hormood u noqon doonto hawlaha noocan oo kale ah isagoo sidoo kalena madaxweynaha ku hambalyeeyey goįanka uu maalintan ugu asteeyey nadiifinta dalka.

Axmed maxamed Shaqalle
Hargeysa Somaliland

No comments: