05 September, 2010

Booliska Burco Oo Xabsiga U Taxaabay Niman Badan Oo Lagu Tuhunsan-yahay...

Booliska Burco Oo Xabsiga U Taxaabay Niman Badan Oo Lagu Tuhunsan-yahay Inay Gacan-saar La Leeyihiin Kooxda Al-Shabaab iyo Badhasaabta Togdheer Oo Ka Hadlay

Burco(Togaherer.com):- Ciidamada Booliska ee Magaalada Burco, ayaa gacanta ku dhigay koox dhalinyaro u badan oo looga shakiyey inay gacan-saar la leeyihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama koonfurta dalka Soomaaliya. Isla markaana, Badhasaabka Gobolka Togdheer, ayaa Shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Burco ee xarunta Gobolkaas, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka nimankaas loo qabtay iyo caddaymaha lagu hayo.

Guddomiyaha Gobolka Togddheeer Md. Yaasiin Muxumed Cabdi, waxa uu u horreyn sheegay inay hawlgallo habeennadii u dambeeyey ay Ciidamada nabadgalyadu ka wadeen gudaha Burco ay ku heleen laba Jawaan laga buuxiyey waxyaabaha qarxa, ka dibna ay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigeen 8 qof oo lagu xidhiidhiyey Al-Shabaab. Badhsaabka gobolka oo saxafaddu wax ka waydiisay Goorta ay caddayn doonan danbiga nimankan iyo in la marin doono jidka saxda ah maxkamad la hor keeni dono iyo inkale waxa uu ku jawaabay Guddomiyuhu "hawshoodi waxa hadda gacanta ku haya CID da, haddii danbi lagu helona maxkamadda ayaa la hor geyn doona oo wixii sharciya ayaa la marin doonaa" ayu yidhi badhasabku

Kooxahan laga qabtay Gudaha magaalada Burco ayaa isugu jira kuwo somaliland u dhashay iyo kuwo konfur ka yimi waxaana qab qabshadooda si weyn looga dareemay Gebi ahaanba magaalada Burco, iyadoo sida badhasaabku shirkiisa jaraaid ku caddeyey raggaasi lagu tuhmay inay gobolka iyo dalka ka wadeen kharbudaad dhinaca amniga ah. Badhasaabka Goblka ayaa kulan ballaadhan la yeeshay NGO yada Local ka ah ee ka hawlgala Gobolka, isagoo sheegay inay kaga wada hadleen ka qayb qaadashada maalinta ololaha nadaafadda Somaliland oo madaxweynuhu ku dhawaaqay shalay, taas oo maalinta Berri ah, laag fulin dono dalkoo dhan shaqaaladaha iyo xafiisyada dawladduna ay fasax noqon doonan isla markaasna ay tahay maalin Holiday ah. Sidoo kale waxuu sheegay in Guddiga Hogaaminaysa hawsha ololaha loogu qaadayo nadaafadda uu Guddomiye u yahay Duqa Degmada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhegolaab.

Guddomiyaha Gobolku wuxuu raashin mucaawanooyin ah oo wasaaradda Diinta iyo awqaaftu ay soo gaadhsiisay maamulka Gobolka ku wareejiyey Cisbitaalka Guud iyo Cisbitalka dadka waalan ee Maandhaye iyo weliba jeelka weyn ee Burco, waxaana lagu wareejiyey laba gaadhi oo xamuul ah 3daasimeelood, iyadoo ay kala ahaayeen 1740 Kiish oo isugu jira Bariis,Daqiiq iyo Sonkor, 154 kartoon oo caano ah, 138 kartoon oo saliid ah, iyo 600 kartoon oo basto ah, waxa uu Guddomiyhu ku wareejiyey.

Badhasaabka Gobolka Togdheer, waxa uu baaq u diray Warbaahinta iyo dhammanba shacabka Gobolka iyo kuwa Somaliland, isla markaasna ku baraarujiyey inay feejignaadan feejigona u yeeshaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, waaxanu ku ammaanay dadaalka ay marwalba shacabku ugu jiraan ilaalinta amnigooda, isagoo sheegay in wada shaqayntu wa xbadan oo faaido ah leedahay in sidaas mar walba loo wada shaqeeyaana ay aad u wanaagsantahay si loo wada badbaado waxna lo wada qabsado.

Maaha markii ugu horreysay ee hawlgallo ay sidan oo kale Boolisku uga sameeyeen Burco ku soo qabteen ddad lagu tuhmay inay Al-Shabaab xidhiidh la leeyihiin, hase ahaatee, hawlgalkan Boolisku ku qabqabteen hubka iyo dadka laga shakiyey ayey habeennadanba wadeen, isla markaana, si aan hore loo arag u sameeyeen baadhitaan, aqal-aqal ah, gaadhi-gaadhi, iyaga oo habeenkii saacadaha dambana bandoo ku soo rogayey dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee magaalada Burco.

Togaherer.com

Hargeysa/Somaliland.

No comments: