30 August, 2010

Dhurdihii siyaasadda ayaa laga fadhiyi la'yahay beryahan, Sheekadan argagixisada ciddii leh ha lala doonto, dalkan meel kuma lehe!!


 Dhurdaha bahalka la yidhahdo, oo cayayaan yaryar ahi kuma qaninnio laakiin raaxada ayuu kuu diidaa isaga oo dhegahaaga iyo indhaha iyo sanka aan ka fogaan oo ku meereyesta. Sidoo kale beyahan somaliland dhurdihii siyaasadda ayaa laga fadhiyi la' yahay. Waxa aynu soo doorannay hoggaan cusub oo isaguna Dalka u Dhisay Dawlad kooban oo tayo leh, waqti run ahaan lagu dhalliilona aan haddi aynu caqli hadleyno.
 
Waxa labaatankii sannadood ee inna dhaafey soo jirey oo la soo qabatimay in Dig dig iyo Afminshaarnimo , wax lagu kala macaasho.Dawladdan maantuna, waxa ay mar keliya gam ka siisay wax la caadeystey oo la soo qabatimay muudadii Dalku mugdiga ku jirey. Sad bursi beeleed oo soo jireen ahaa, Nin jecleysi Mas'uul , hawl-fududeyn odey dhaqan, lagu abaabulo kuwo magacyo beelo ama bulsho ku hadla laguna deedafeeyo siyaasado Dawladeed ama mas'uuliin mamul.
 
Waxa aan la yaabey, sheekada Argigixisada ee rag moodaya in ay macno sameynaayaan, Ummadda somalilandse, cadaawad tii ugu xumeyd ku soo qaadey, in aanay gallad kala tgeyn naftooda daciifka ah ha u sheegaan. Dr. Maxamed Cabd Gabbose, Injineer Maxamed Xaashi Cilmi ,Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo sheekh khaliil Midna in aanu ahayn waxa ay doonayaan in ay ku dhjiyaan Ma qabaneyso haba yaraatee. Mudane Maxamed Hasghi oo ka mid ah asaasayaashii Ururkii Halganka ee SNM wax ka badan 12 sano ayuu joogey Addis oo Mas'uuliinta itoobiya wey taqaan. Dr. Gabboose waa aqoon yahan oo aqoonta ayaa lagu eryanayaa. Saddexdii xasadku eryanayey ayuu ku jiraa. Nin Cilmi leh oo Dadku intifaacsanayaan cilmigiisa, Nin maal leh oo sir iyo caadba Alleh dartii ula baxaya, Nin qaadi ah oo sidii uu Alleh amrey, insaf u sameynaya.
 
Waxaan leeyahay, waxyaabo ragonimo laga deyoo badan, kuwan waqtigu kaga lumey heekada argagixisada ee ay ku rinjiyeynayaan xubno, golaha wasarada ku jira, adeer ma qabaneyso'e ciddii lahayd la doonta!! Somaliland haddii ay wax hamuum ah u qabto kuwan, kamay xidhaten xuduuddeeda, manay xidhxidheen Argagixiso. Taliskii Nabadsugidda ee Lagag adkaadey Doorashada iyo qirinqiirkii uu ka tegey ayaa waxan ku hadaaqaya uu nolol dheeraanta ka dhiganayey ee wax nuxur ah oo ku jiraa ma jiro. Dawladdani wey soconeysaa oo hano-qadeysaa waayo, rabitaanka dadka ayey ku timid. Ninku isugu sheekeya in uu been la soo dhoob-dhoobey faafinteeda ku ridi karona ,habeen muu jiin.
 
Argagixiso haddii ay naf leedahay koonfur bay wax gelin lahayd.Somaliland waxay u taagan tahay in ay dalkeeda iyo ummadaha adduunkaba kala tacaasho xag-jirnimada. Waxase Taariikh soo jireen ah, in mar kasta oo dalkan9i guul ka gaadho xaalad jirta markaas, ay jiraan habro saar leh oo uu ku kaco haddey maqlaanba somaliland Guukleysatey, Waxan aanu maqleynaana waa tii uune ma idin la tahay in aan dhiilku daadan illeyn hore ayaa loo yidhio, karis xun iyana wax ku la' oo gaxaadhatada ayaa ka gubata'e.
 
Sheekada raqiiska ah ee xishoodka daran ha ka waantowdo Bulhadu oo aan rajeynayo in loo fhmo sida ay danta guud ku jirto.
 
Dr.Cali Cabdi Muxumed. 


No comments: