| Waa isku mid haddana kala kaan, oo kolba dhinaca aad ka eegto. Waxa se hubaal ah in shacbigu guulaystay. Waxa muuqata dhaqdhaqaaq aan hore looga arag Dawladda Hoose oo weligeed UDUB ahayd welina ah, waxa bilaabmay qurxintii iyo bilic soo celintii magaalada Hargeysa. Waxa is-taagay shaxaadkii looga bartay askarta. Yaa wax siiya, bal adba garo. Waxay noqdeen duul ka xishooda kaaraamo jabkii ka haystay gacan aadmi ooy hoos dhigtaan, iyagoo habeen iyo dharaar u heegan hawl qaran. Waxa ugu hawl badan askarta taraafiga oo jidad qaab daran, iyo darawalo aan wadis aqoon, iyo shacbi xad dhaaf ah kala hagaaya, ayna u raacdo xoolo aan cidi wadin, gaadhi dameer daalan, iyo ey baabuurta hoos hadhsada. Intaas ha ahaato iidaankii maqaalka, ee aan gudo galo dhacdooyin muujiyey sida guusha loo hantay, oon weli u qudhqudhsamin reer UDUB. Waxa weli Madax/xigeenka Aamed Yaasiin iyo Xoghgayaha Guud si fog u baal marayaan waxa dhashay guusha Kulmiye, iyagoo meel kaga dhacaaya garaadka dadweynaha kala doortay 5 sano oo la mid ah 8 deedii ay soo mareen, wax-qabad la'aan, been joogta ah, laaluush, xatooyo iyo cay daramalka ay u garaacdo warbaahintii qaranku. Bal dhegayso dananka iyo kalsooniada ka soo baxaysa dhalintii cagta afka laga saaray…waa Radyow Hargeysa oo dardaaran iyo dhaliilo xukuumadda cusub looga digaayo ku adimeysay, waa TVgii qaranka oo ka hoos baxay qoyskii cunaha hayey..Maxaad ka filaysaa tartanka waxqabadka ay hormoodka ka yihiin Mayaor Jiciir iyo Ina Xoor Xoor. Maxa hore u diidanaa inay hawshan fuliyaan, maxay ujeedadoodu tahay? Ha ka tegin Taliye Saqadhi.. Waxa muuqata in labada oday yihiin kuwa keliya een garan in awoodda dadweynahu leeyahay, garaadkoodana qabaan, dad karaamo u dhashay oon badankooda baahida haysa ayna hoos u dhigeen sharaftooda, waa kuwa diiday inay codkooda eebshaan, waa kuwa KU CIIL BAXAY CODKOODA IYAGOO GAAJOONAAYA OO HARAADAN. Waxaan ahaa kormeer Kulmiye ah iyo magaalada Hargeysa. Waxaan 7.30 ee subax u lugeeyey Dugsiga Gaandi oo dhowr talaabo u jira gurigaan deganay, xiligaas maan haysan warqadda Kormeerka oon sugaayey. Waxaan se xidhnaa koofiyadda U CODEE KULMIYE…waxaan galay dayrkii dugsiga oo laba saf oo midna dumar yahay midna rag si miyir ah loo taagan yahay. Waxay garaaceen sacabka iyagoo leh ..KUNNA YUU NA SIINE KULMIYAANU NAHAY.. waan la yaabay ciilka iyo cadhada haysa ee ayna qarin karayn dareenkooda.. Waan dhextegay oon idhi guulaysta..Waxa horjooga afar askari oo iyana sacabka iyo weedhaba la wadaagaaya…Wiil dhalinyaro ah ayaa kor u yidhi..Afartaa oday ee cumaamadaha sita ayaa naga UDUB ah Waxaan idhi waa u xor codkooda ee iska daaya cayda iyo qof-tilmaamka…Adeer waa runtaa ee ilaa shalayto ayey kolba na lahaayeen naga iibiya codkiina. Kolkaan bilaabay Kormeerkii oon ku wareegaynay baabuur uu weday walaalkay Cali nalana socday Baashe Cabdi, Guddoomiyaha Ololaha Kulmiye ee Galbeedku oo gaadhigiisii siiyey koox kale oo kormeer ah, ayaanu ka bilownay Kheyriyadda oo ah meel dad buux dhaafshay, safafku 8 iyo wax ka badan ay yihiin ay is-dhexgaleen . Waxa laga cabanayaa in siday safka u hayaan kolkay gudhaha galaan la odhanaayo dib u noqda oo safka kale ayaa xarafka magacaagu ka bilaabmaa yahay. Haddana cadho ma jirto, ee samir aan qiyaas lahayn iyo go'aan adag ayey miyir dib ugu laabtaan… Weligiinba na celceliyaa walee KULMIYE ayey guushu raacaysaa…islaan 70 jir ah ayaa is haysan kari weyday ayaa ku tiraabtay. Safkii oo lagu jiro ayuu nin xidhan kaadh ay ku taal magaca Komishanku soo dhexgalay dadkii isagoo ku amray si qaldan inay safafka kala bedelaan oo buuq dhashay..deedna koox dumar ah ayaa garatay…Waa tuug UDUB ah ee ha rumeysanina…waxa xigtay isagoo kabta loo naco..mabuu joogsan ee degdeg ayuu dhinaca suuqa u cararay.. Waa dareen labada oday ka qarsoon. Waxaanu gaalaa bixinay KIlinka, Biyo Dhacay, Sheekh madar, iyo meelo kale oo ka tirsan Gacanlibaax, 26ka Juun, Koodbuur iyo Axmed Dhegax… Waa dhacdo kale iyo agagaarka masjidka Xawaadle.. Waxaa naloo sheegay in dadku diideen biyo iyo sharaab ay qaybinayeen reer UDUB…Ha cabina waa fal ee… Iyana waa dareen wax ku qaadasho leh.. Ku darso oo heesaha mobileka soo dhacaaba waxuu qaadayaa… Halyeeyadii…iyo KULMIYOW caynanaka hay…Waxa kaalinta labaad ah ..DILAAL NOO DHUUNTAYOW DHAADHAC…isgaadhsiinta KULMIYE waa heer sare ka xoog badan oo ka xooli badan ta CIAda..Waa Osmaan Saxardiid oo sacaad saacad nooga soo warama Oodweyne iyo Burco Galbeed,,,,Waa Cabdilaahi Gidhigidhi oon khadkeygaba ka bixin oo ka soo waramaaya Burco bari, waa Cali Isse oo soo kooba wararka Bari, ha ahaato Ceelafweyn, Garadag, Ceerigaabo, Laascanood, Caynaba iyo Buuhoodle… Waa war farxad leh oo dhammaan sheegaaya in Guushu tahay KULMIYE…maan garan xiligaas waxa reer UDUB maqlayeen…kolayba warbaahintooda oo ku salaysnayd been iyo riyo iyo faal wey garan weyday dareenkii dadweynaha. Waxa ayaan darro ah in guushaas lagu sheego mid ka dhalatay is-kaashiga cadowga Somaliland gudo iyo debedba, sida Xoghayaha UDUB sheegay. Waxa iyana gef ah in shaki la galiyo codka dadaweynaha u guntaday danta guud, diiday in codkooda ay siistaan qadhiidh, oo la yidhaahdo waa la farsameeyey, sida uu qabo Madax/xigeenku. Waxa cad in hadalkaasi yahay mid lid ku ah danta qaranka, loona nisbeen karo mid cadownimo ah, oon ka naxayn magaca iyo maamuuska uu leeyahay qaranka Soomaliland ee ammaanta iyo sharafta ka helay doorashada sida weyn adduunku ugu qiimeeyey. Aqlabiyadda xoogga badan ee codka siisay KULMIYE, waa mid shacbigu ay ku muujiyeen inay bislaadeen, gaadheen heer ay garteen inay iyagu awoodda leeyihiin, hoggaanka ay doortaana ay badeli karaan. Waa u digniin hoggaanka cusub, waxaana waajib noqotay in la joogteeyo la-xisaabtan cid kasta oo xil haysa. Waana mid hoggaanka cusubi ku xisaabtamaayo, awoodeed, kartideed iyo aqoonteedna leh. Waana sida uu ku bilaabay la-tashiga ballaadhan ee bulshada uu u fidiyey, si uu u helo fikir iyo hab uu ku soo xulo rag iyo dumar uu ku aamino fulinta barnaamajkii uu ummadda u soo bandhigay, shacbiguna ugu codeeyey. Waxa iyana ah talaabo horukac ah in la dhisay Guddiga Ilaalinta iyo Dabogalka Hantida qaranka, ood moodo in meelaha qaar laga sheegaayo in lagu dhacay hanti gaadiid iyo qalab kale leh, iyo guryo la magac guuriyey. Intaba waxay tahay in Madaxweyne Riyaale inta u hadhsan ka hawl galo, haddii kale iyadoo dabagal lagu samayn doono, waxay noqon doontaa mid magac xumo ku noqon karta, taariikhdana u gali doonto, laguna xusuusan doono. Waa guusha KULMIYE oo loo rogo guusha dadweynaha, taasna waxa lagu gaadhayaa in la hanto himmiladooda oo la hormariyo kolba danta guud ta ugu culus. Waxoo dhanna waxa horseed ka ah xukuumadda cusub ee la sugaayo. Waana waajib in xilka loo dhiibo rag iyo dumar lagu xulo aqoon, karti iyo daacadnimo, iyo waxii kale een danta guud looga maarmeyn. Waa tan shacbigu ku codeeyey, waana tan barnaamajka xisbigu ku dhisan yahay, hoggaankuna aaminsan yahay. Waa muraayad laga akhrisan karo fulinta iyo ka-midho-dhalinta barnaamajkii guusha lagu dhaliyey. Allaa mahad leh, guushana aan ka midho dhalino, Allana aan talo saarano. Ahmed Arwo MSc. Finance and Accounting Hargeysa 409 6421 |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
24 July, 2010
Ma Kulmiye ayaa Guulaystay Mise UDUB Ayaa Guuldaraysatay? Ahmed Arwo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment