13 June, 2010

Soo bandhiga fadeexadaha hadheeyay ee gudoomiyihii komishanka doorashooyinka ee degmada Borama ee sababay in maamuusta ka xayuubin lagu sameeyo

Saylicipress- iscasilaadan lagu sameeyay gudoomiyihii komishanka doorashooyinka ee degamada boorama xasan nuur maxamuud ayaa soo ifbaxday kadib markii ay ku cadaadeen mudanahan inuu ka dambeeyay musuqmaasuq baahay oo komishanka degmada boorama ah oo la xidhiidhay wax is daba marin iyo UDUB u adeegid mudadii uu xilka gaaban hayay. 

Fadeexadaha ugu waawayn ee soo shaac baxay ee sababay in ninkan xilka laga qaado ayaa waxa ay yihiin isaga shaqsiyan ka soo jeeda beesha madaxwayne rayaale isla markaana  maalmihii ay socdeen diiwaangalintii labaad ku kacay in kaadhadh gaadhay 10000 toban kun oo qof uu galiyo gacanta wasiirka macdanta iyo biyaha cismaan sh. Cabdi iyo badhasaabka gobolka awdal maxamuud ciro oo iyagu maalmahaas waday isku day qaawan oo ay goobaha diiwaangalintu ka socotay eek u dhereran xadka itoobiya kaga urursanayeen kaadhadhka hadhaaga ah.
 
Waxa kale oo ay fadeexadahani salka ku hayaan isaga oo gudoomiyahan la casilay isku dayay inuu hakad galiyo habsami u socodka goobaha shaqada ee diiwaangalintu ka socotay ee degaanada kale ee boorama isaga oo fulinaya amar ka soo baxay madaxda gobolka oo markaana la damacsanaa in dad badan oo kaarar ka qaadan lahaa degaano la is leeyahay waxa ku awood badan xisbi waynaha kulmiye la curyaamiyo isla markaana lagu shubo kaararkaasi gacanta musuqmaasuqa udub ee codka dadka ka quustay.
 
Waxa kale oo iyana jirta in la si aan ku talo gal ahayn ay u soo if baxday shirar hoose oo gudoomiyahan maamuus ka xayuubinta lagus ameeyay iyo masuuliyiinta udub  u dhex maray oo loogu shiray in goobaha dhinaca xadka ku yaala ee degmada boorama lagu shubto sanaadiiqda codbixinta ee lageeyo kaarar jeebka lagu qaatay ee lacagta la siistay.
 
Waxa kaleoo iyaduna jirta inuu soo ifbaxay muran is qabqabsi badan oo u dhexeeyay gudoomiyahan la casilay iyo gudoomiyi ku xigeenkiisii lala casilay muranadaas ayaa waxay ku salaynaayeen qaybsiga lacagaha la lunsaday iyo laaluushka kale ee laga qaatay maamulka niyadjabsan ee udub, murankan ayaa waxa kale oo la isku raacay inuu ka xidhiidh la leeyahay xilgudasho laaanta labadan masuul ee ay isku tuurtuureen xilkii loo magacaabay.   
 
Fadexadahan oo ah kuwo lagaga sheekaysanayo meelo badan oo boorama ah ayaa waxey sababeen in axsaabta musaaridku ay dacwad gaarsiiyaan komishanka isla markaana xilka laga qaado.   
  
 
Saylicipress


View article...

No comments: