Maxkamada Sare Ee Mareykanka Oo Ogolaatay Sharciyada In Dacwad Lagu Soo Oogi Karo Cali Samatar
Maxkamada Sare Ee Mareykanka Oo Ogolaatay Sharciyada In Dacwad Lagu Soo Oogi Karo Cali Samatar
Washington June 2, 2010 (W/wararka) – Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa go'aamisay in dacwad lagu soo oogi karo ra'iisal-wasaarihii/Wasiirkii Gaashaandhiga hore ee Somalia, Maxamed Cali Samatar. Maxkamada ayaa xukuntay in Cali Samatar lagu soo oogi karo dacwad iyadoo lagu eedaynayo inuu dusha ka ilaalinayey jidhdil iyo dilal aan sharci ahayn oo dhacay Somalia xilligii uu xilka hayey, gaar ahaan goboladii woqooyiga
Xukunkan oo soo baxay shalay ayaa Maxkamadda Sare ku sheegtay in Cali Samatar dacwad lagu soo oogi karo, iyadoo intaasi ku dartay in aanu xaq u lahayn inuu helo gabbaad diblomaasinnimo.
Samatar waxa uu hadda ku nool yahay dalkan Maraykanka, waxana uu hore u soo ahaan jiray madaxweyne ku xigeenka kowaad, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya sannadihii Siddeetameeyada iyo bilowgii Sagaashameeyada.
Dacwaddan waxa ku soo oogay dad Soomaali ah oo cuskanaya Xeerka Ilaalinta Dhiibbanaha la Jidhdilay oo ah xeer ka dhisan dalka Mareykanka kaasoo soo baxay sannadkii 1991.
Dacwada oo ka socotay gobolka Virginia xaruntiisa Richmond , waxa ku soo oogay afar nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Xaakinka Maxkamadda ayaa wuxuu dhegaystay warbixinta labada qareen ee dhinaca Cali Samatar iyo dacwad oogayaasha, waxaana uu muddo daqiiqado ah galay gudaha maxkamadda isagoo talo wadaag la yeeshay juuriga maxkamadda oo gebi ahaanba isku raacay in kiiska lagu soo oogay Cali Samatar uu ku cadaaday.
Xaakinka ayaa usoo baxay Maxkamadda waxanu ku dhawaaqay in gebi ahaanba dacwadahii lagu soo oogay Cali Samatar ee ahaa amar bixinta xasuuqii ka dhacay Hargeysa bishii April sannadkii 1988-kii ee lagu xasuuqay dad tiradoodu gaadhayso 50,000 qof oo ay ka mid yahiin qoysaska dacwad oogayaashu lagu helay.
Arrintan ayaa waxay guul u tahay qoysaska kumanaan qof oo uu gacan ku dhiigle Cali Samatar qoysaskoodii xasuuqay, waxay si gaar ah guul ugu tahay afarta dacwad oogayaal oo dhalashadoodu ka soo jeedo Somaliland.
Go'aanka maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa dhanka kale la filayaa inuu saameeyo siyaasiyiin badan oo haatan ku nool dalka Mareykanka, kuwaas oo walaac ka qaba in iyagana maxkamad lagu soo taagi doono dambiyadii ay ka galeen dalkooda.Bishii March 5-teedii markii maxkamadda la soo taagay Cali Samatar ayaa Gen. Max'ed Nuur Galaal oo isna ka mid ah saraakiishii ciidamadii Siyaad Barre oo isna la soo shaqeeyey Dawladdii Milatariga ayaa iska fogeeyey inuu wax dambi ah galey wuxuna ku gaabsadey in xilligii dagaaladu ka socdeen Somaliland, uu ahaa nin shicib ah oo xubin ka ahaa Baarlamaanka. wuxuna Generaal Galaal si weyn u taageeray Maxkamad la soo taago Gen. Max'ed Cali Samatar,isagoo sheegey in uu maqley amaro uu bixiyey Cali Samatar oo lagu xasuuqay dad aan dembi laheyn oo u dhashay Somaliland.
No comments:
Post a Comment