11 June, 2010

Masuuliyiin ka tirsan UCID oo xabsiga loogu taxaabay amar uu bixiyay Wasiirka Hawlaha guud

Masuuliyiin ka tirsan UCID oo xabsiga loogu taxaabay amar uu bixiyay Wasiirka Hawlaha guud

Xadhiga masuuliyiinta ka tirsan xisbiga UCID ee Gobolka Daadh-madheedh, ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Siciid Sulub Maxamed oo ay is-af-dhaafeen Gudoomiye ololaha doorshada ee UCID ee Gobolkaas iyo badhasaabka Gobolka Daad-madheedh Maxamed Cabdi Libaan.

Gudoomiye Kayse Jaamac oo khadka telefoonka ugu waramay xafiiska warbaahinta ee UCID, ayaa tafaasiil ka bixiyey sababta dhabta ah ee ka dambaysay xadhigooda, waxaana uu yidhi "Iyada oo xisbiga UCID maanta u lahaa ololaha doorashada, ayaanu saaka ka baxnay Oodweyne, waxaanu tegnay Tuulo la yidhaahdo Geel-didiska, annaga oo dhawr Tuulo oo kale soo marnay. Waxa aanu halkaas kula kulanay Wasiirka hawlaha Guud, dabadeed-na isaga oo khudbadaynaya oo dadkii la hadlaya ayaanu is agtaagnay manaan la hadlin. Ka dib aniga oo aan la hadlin, ayaa qoladii aniga ila socotay iyo niman kale wada hadleen oo way isku buuqeen, anna iyagii ayaan soo kaxeeyey, halkaa markii ay maraysay ayaa dhagaxa, shiidka iyo dagaalka-ba naloo taabtay, iyada oo gaadhigii aanu wadanayna la jejedbiyey oo aanaan u jawaabin, ayaa waxa dhacday inaanu hadana magaaladii u khudbadaynay. Markii aanu magaaladii u waran-nay way ka baxeen oo way ka yaaceen, dadkii shicibka ahaana way la yaabeen."

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi "Annaga oo waxyeeladaas qabna ayaanu soo noqonay, dhawr Tuulo oo kale ayaanu soo marnay. Markii aanu dhinaca Oodweyne u soo kacnay ee aanu magaalada ku soo dhawaanay, ayaa dhexda na loo dhigay laba xaajiyadood oo Boolis ah, markii aay ciidanka Boolisku na joojiyeen waxa aanu ku nidhi 'waanu idin raacaynaa ee ina mariya,' markii aanu magaalada soo gaadhaynay ayaa saldhigii booliska toos na loogu xareeyey. Waxaana amarkaas soo saaray in nala xidho Wasiirka Hawlaha Guud iyo Badhasaabka Oodweyne, kuwaas oo ilayn mid-na xil mahayee awood dhacday isticmaalaya, ayaa intii aanan magaalada soo gaadhin ay Booliska la soo hadleen, oo ay ku yidhaahdeen 'Cuqaalna waa la laayay, dad-na waa la laayay, dagaal-na way sameeyeen Nimankaas UCID.' Hasayeeshee UCID wax dhaqan u ah maaha dagaalku, laakiin waa xukun ay nimankaas faashiista ahí sameeyeen ayaa nalagu xidhay. Markii aanu saldhiga nimi waxa na lagu yidhi 'waad xidhan tihiin.' Maanaan la dagaalamin askartii oo waxa aanu ku nidhi 'inagu isma hayno iskuna dhici mayno.'Waxaana aanu u sheegnay 'ciddii dembi noo haysataa ha yimaadaan, oo xubnahayagaas iyo gaadhigayaguna halkaas ha joogaan."

Gudoomiye Kayse waxa uu sheegay xubnaha la shaqaynay ee la xidhay inay ka mid yihiin, Axmed Cali Hiraabo oo ah Agaasima UCID ee Oodweyne, Oday Shaakir Cabdi Cawaale, Wacdi Jaamac Cali Kaar, Oday Muxumed Faarax Hugur iyo gaadhigii ay ku shaqaynayeen.

Waxa uu sheegay Kayse Jaamac Kaahin in dhaawaca soo gaadhay uu u badan dhagxaan lagu weeraray, isaga oo tilmaamay in gaadhigii ay wateen-na waxyeeloo kala duwan la soo gaadhsiiyey, isla markaana waxa uu sheegay inaanay ilaa hadda jirin wax waan-waan ah la xidhiidha xadhiga xubnahaas.

Waxa kale oo uu xusay in xisbiga UCID Gobolka Daad-madheedh uu ka haysto taageero aad iyo aad u ballaadhan, isla markaana dadweynaha kala duwan ee ku nool Golbolku ay diyaar u yihiin inay codkooda siinayayaan xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID.

Geesta kale, Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Gobolka Daad-madheedh Aadan Cabdilaahi Qodax, oo isaga laftiisu la soo xidhiidhay xafiiska waraabinta UCID, ayaa si weyn u cambaareeyey falkaas xadhiga ah ee lagula kacamay Gudoo miyaha ololaha doorashada xisbiga UCID u qaabilsan Oodweyne Kayse Jaamac Kaahin iyo xunaha la shaqaynayay.

Waxaana uu sheegay in isaga laftiisa xalay rabshadeeyey demada Khaatumo oo uu is lahaa maanta ka bilaw ololaha doorashada, isaga oo tibaaxay inuu xalay saqdii dhexe inuu ka soo guureeyey ilaa u kacay dhinaca Oodweyne.

UCID Media Office


No comments: