KULMIYE BARNAAMIJ UU DALKA DIB UGU DHISAYO AYUU LEEYAHAY. Inta aan laga hadal Maamul wanaagga iyo Dhismaha Dawladdaba, badbaadinta nolsha muwaadinka ayaa xisbiga kulmiye kaga wada weyn. Kambeynka Doorasho iyo Magacyada axsaabta , calammada hawada haadaya intuba maaha wax xisbiga kulmiye ka jeedin kara himilada qaranka ee hortaalla. Waxa horteenaa yaalla biriijkii 2aad ee Hargeisa oo qabyo ah. Taasi macneheedu waxa weeye in jeex dhan oo Dadweynaha caasimaddu aanay Guryahoodii tegi Karin haddi uu Daad soo rogmadu, adeegga gaadiidka dadweynuhuna aanu u shaqeyneyn dhawr degmo oo Caasimadda ah. Dhinaca kale haddii aad eegto, Jidka Berbera / Hargeysa , waxa jira saddex Doox oo waaweyn oo biyaha roobka badda ku dara, gaadiidkii dadweynaha iyo Dad badanna qaba, waana mushkilad dalka kala goysa marka ay soo rogmaan. Kulmiye haddii uu xilka dalka qabto, isha ka lalin mayo arrimahan ee badbaadad Muwaadinka iyo hantidiisu waa Mudanaanta koowaad. Madaxweynaha Dalku waxa uu in badan ku dhawaaqey in uu darajeyn doonop Ciidanka , ilaa maanta hawshaasu waa qabyo sida tan biriishka Hargeisa, waxa dhab ah in kulmiye aanu shaqeynba Karin haddii aan hay'adaha Fulinta awoodaha Dawladda aan darajooyin , astaamo qaran iyo wax kasta oo ciidan lahaan jirey aan loo sameyn. Arrintani waxay salka ku haysaa inaan caddalada ummaddu u harraadsan tahay aan la heli Karin haddii aan shuruuc xakameysa oo habeysa aan la helin Ciidammada qaranka sida. Booliiska oo ay saldhigyada ka bilaabato caddaaladdu, nabadsugidda oo haddii aan xileeda aanay u gudan sida uu yahay waddanku dhibaato ku sugnaanayo, Asluubta oo haddii aan si xirfad leh aanay u gudan xilkooda, mujrimiin badani dib ugu oo noqnayaan mujtamaca iyaga oo aan dawoobin. Dawladnimadu haddaba way ka balladhan tahay afar sacabbiye oo qaad iyo qado ka fahamsan . Waxa ay nu ognahay in biyaha roobka ay dhawr Doox si toos ah ugu shubaan badda, inaga oo leh injineerro, haysanna sibidh, dhagax iyo xddidba oo aynu qabsanm weyney biyaha Roobka, Miyaaney nuqsaan qaranka ku ahayn in aynu biyo dhaamis kaalmo ah weydiisanno, halka aynu biyihii Alle inoo shubey, sidey u shamaaxinayeen ay badda isaga darmeen? UDUB waxay cajiib ku dhigtey hadalaka ay la soo shaqo tagtey, waagan cusub hal –ku-dheggiisu, waa qabo oo camalka Natiijadiisu ha hadasho ee Mas'uulow adigu oofi wacadkii aad ummada u qaadey. Eeg circa kama imaneyso miisaniyaddeedu ee awalba dalkey ka soo bixi jirtey!! Mideynta lacagta Dalka ka socota, wax badan oo ay ka tari doonto dhismaha Dalka ayaa muuqan doona. Dardar gelinta Dhaqaalaha dhexe ee qaranka oo Gobollada oo dhan ka soo xerooda isna horumar adeegyo dehdeg ah oo Bulshada loo qabto ayaa ka dhalanaya. Waa in markii ugu horreysay la helaa, barnaamijyo tababarro farsamo oo loo fidiyo da'yarta si loogu dioyaarsho, inay mustaqbalka dhaw, wajibkooda wddaniga ah gutaan. Barnaamijka wax-qabadka siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye , waxa uu sida fiinta uga qayliisiiyey wasiirrada Riyaale, oo Wassiirka Maaliyaddu, Xuseen Cali Ducaale hormood ka yahay. Guddiga Anshax Marinta ee Guddiga Doorashooyinka qaranka , waxaan hordhigaya ereyada uu ku Hadley Wasiirka maaliyaddu" Waxa u taalla Dawladda inay ka horjoogsato kulmiye sidii aanu ugu soo bixi lahayn doorashada oo aany ummaddu gacanta ugu geli lahayn" waxaan rajeynayaa in ay file u furan . weedhn ka soo yeedhey Wasiirkan oo tibaaxaya wax aan Dawlad mooyee cid kale ku kici Karin!! Midna ha ogaadaan wasiirrada riyaale, Doorashadu waa rabitaan Dadweyne oo aan la beddeli Karin, dibna loogu celin Karin muqdigii wax qabad la'aanta!! Waxa hdalkaygan rumeyn doona bulshada Somaliland oo dhwr iyo labaatan cisho kadib, fr waaweyn UDUB ugu qori doona looxa xusuusta, AMA AFEEF HORE LAHAW, AMA ADKYSI DAMBE LAHOW. Dr.Ccali Cabdi Muhumed.
|
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
03 June, 2010
KULMIYE BARNAAMIJ DIBU-DHISKA DALKA AH BUU LEYAHAY.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment