Hargeysa (Jam)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shalay soo saaray wareegto amraysa qorshe warbaahinta dawladdu maamusho ku waajibinaya inay waqti isle¡¦eg saddexda xisbi qaran baahintooda caadiga ah muddada uu socdo ololaha doorashada Madaxtooyada ee Khamiista maanta dalka ka bilaabmaya.
Sidaana waxa lagu caddeeyey wareegto qoraal ah uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo shalay loo qaybiyey dhammaan hay¡¦adaha warbaahinta qaranka ee xukuumaddu maamusho iyo telefishannada iyo idaacadaha gaarka loo leeyahay, kaasoo lagu soo bandhigay jadwal lagu muujiyey saacado isku mid ah oo si siman loogu qoondeeyey baahinta wararka iyo barnaamijyada saddexda xisbi ee UCID, UDUB iyo KULMIYE muddada uu socdo ololaha axsaabta oo ah muddada 21ka maalmood ee ka horreeya maalinta loo qoondeeyey qabsoomidda doorashada Madaxrtooyada oo ku beegan 26ka bishan June.
Wareegtadaas oo si gaar ah toos loogu socodsiiyey dhammaan hay¡¦adaha warbaahinta dawladdu gacanta ku hayso ¡V Radio Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo wargeyska Maandeeq ¡V kuwaas oo hore kooto ugu xidhnaa baahinta barnaamijyada iyo wararka xisbiga talada haya ee UDUB. Sidoo kalena idaacadda iyo telefishannada gaarka loo leeyahay ee Radio Horyaal, HCTV iyo Space Channel TV, ayaa iyagana lagu amray inay waqti siman uga qoondeeyeen baahintooda saddexda xisbi qaran.
Qoraalkaas oo xambaarsan jadwallo lagu kala caddeeyey xisbi kasta waqtiga looga qoondeeyey baahinta ololeyaasha axsaabta, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidan:
¡§Guddiga Doorashooyinka Qaranku iyagoo ka duulaya qodobka 17aad, farqaddiisa koowaad ee heshiiskii Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee Doorashada Madaxtooyada ee ay saddexda xisbi qaran ku kala saxeexdeen 10 April 2010, Hotel Maansoor, waxay soo saareen wareegtadan ku saabsan sidii waqti isle¡¦eg loogu qoondayn lahaa saddexda xisbi qaran warbaahinta ay dawladdu maamusho ee Radio Hargeysa, Telefishanka Qaranka, wargeyska Maandeeq iyo wargeyska Horn Tribune.
Waxa kaloo Guddiga Doorashooyinka Qaranku iyagoo tixraacaya heshiiskii Hab-dhaqanka Saxaafadda xilliga doorashada ee ay saxaafadda qaranka iyo kuwa gaarka loo leeyahay ku kala saxeexdeen 25 April 2010, Hotel Ambassador oo saddexda xisbi qaranna goob-joog ka ahaayeen; soo jeedinayaan in dhammaan warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladdu maamushaaba si caddaalad iyo dhexdhexaadnimo ku jirto u dhawraan heshiiskaas, una fuliyaan dhammaan qodobadda ku qeexan heshiisaas.
Guddiga Doorashooyinka Qaranku wuxuu ku wargelinayaa in xilliga baahinta barnaamijyada ay reebban tahay shaqsi weerarka, qabyaaladda, kicinta, xaalad-abuurka iyo dhammaan wixii kale ee ay reebeen labadaa heshiis, waxaanay xisbiyadu xor u noqon doonaan wixii ay ku baahin doonaan muddadaas 15ka daqiiqo ah.
Guddiga Doorashooyinka Qaranku wuxuu ku wargelinayaa in saddexda xisbi qaran mid kastaba loo qoondeeyey in laga siin doono:
1-Radio Hargeysa: 15 daqiiqo oo gelinka dambe ah, laguna celin doono habeenkii isla barnaamijkaas (eeg lifaaqa);
2- TV-ga Qaranka: 9:00 ilaa 10:00, isagoo waqti isle¡¦eg u qoondayn doona saddexda xisbi qaran midkiiba (eeg lifaaqa);
3- Radio Horyaal: 10 daqiiqadood xisbi kasta maalinta uu kaambaynka leeyahay;
4- HCTV iyo Somaliland Space Challen TV, waa inay iyaguna siin karaan waqti isle¡¦eg saddexda xisbi qaran.
Waxa kaloo Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku wargelinayaan dhammaan xisbiyada qaranka iyo saxaafadda kala duwan in xilliga ololaha doorashooyinku bilaabmo ilaa doorashadu ka dhacayso ay Guddiga Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee Doorashada Madaxtooyada iyo Guddiga Hab-dhaqanka Saxaafaddu ay u qaabilsanaan doonaan dabagalka iyo ilaalinta dhammaan wixii warbaahin ah ee ku saabsan dooshooyinka iyo hab-dhaqanka saddexda xisbi qaran xilliga doorashooyinka.¡¨
Shaxda Komishanka Doorashooyinku ku soo bandhigeen waqtiga xisbi kasta looga qoondeeyey hay¡¦adaha warbaahinta dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyah
No comments:
Post a Comment