Qoraaladayda oo aan had iyo jeer ku tilmaamo aragtidayda iyo dareenkayga, kana milicsataan, si aan dadka ugu baraarujiyo xaqiiqada dhabta ah iyo xaaladda Shacabkayga Somaliland ku sugan yahay, anigoo xusa dhacdooyin iyo tallaabooyin siyaasadeed oo si khaldan loo qaaday, sababna u noqotay dhibaatooyinka maanta taagan.
Nolosha waxaa ku lamaansan dhibaatooyin badan oo siyaabo kala duwan nolasha ula xidhiidha, taariikhda aadanaha waxaa ka buuxa dhacdooyin xanuun leh iyo xaaalado argagax badan oo soo taxnaa intii ay nololi jirtay, haddii uu Qaran ama shacabi talo iyo wada tashina leeyihiin, si ay uga gudbaan marxalada ay ku jiraan amaba daboolaan nusqaanta, karti-yarida iyo kala qaybsanaanta, wax badan bay dadku qaban kari lahaayeen. Nasiib darro, mÄ… aanay yeelin sidaas shacab kayga Somaliland, maadaama uusan jirin biseyl siyaasadeed uu shacabku lahaayeen, waxay noqdeen (Durba waxay ilowdaa umuli dihashadeediiye), uuna la qabo Baaarlamaanka ay soo doorteen markii danbena, waxa xusid mudan in la is weydiiyo, Xaggey wax ka billaabeen baarlamaanku? Maxayse u qabteen shacabkii soo doortay? Yaase u maqan shacabka oo ay sugayaan? run ahaantii waxa ka faaideysatay maamulka Riyaale iyo kooxdiisa bilaa damiirka ah oo door ka ciyaaray dhibaatada, burburinta, jaha-wareerka dadka iyo dalkaba aafeeyay.
Baarlamaanku waxaa uu la jaanqaadayay nidaamka iyo xaalada dalka ka jira.
Maahmaah baa tidhaahda (cidna nooma maqna ceelna nooma qodna) ayuu dareenkii shacabku noqday, baarlamaanka Somaliland dhibaatooyinka dhexdiisa soo maray, waxa ka mid ah isqabqabsi, in loo isticmaalo dano shakhsiyadeed, kala qob qob qeybaha kala duwan ee golaha baarlamaanka, hirdan kala jiidasho badan leh, iyo mansabka ay taagan yihiin oo ka lunsan, ma aysana yeelan majare ay ka wada mideysan yihiin.
Iyada oo aay jirto awood la'aan farabadan oo haysata Barlamaanka Somaliland oo aayna marnaba xor u ahayn in aay danahooda ayaga oo qudhi qabsadaan oo dowladu faraha kula jirto ama u diiday awoododi golle ahaan in aay isticmalaan, hadana waxaan indhaha laga qarsan karayn in ayna Barlamanka somaliland samaynin waajibkii sarnaa in ay gutaan, iyagoo u sheegin shacabkii soo doortay waxa aay ka shaqayn kari layihiin, mana jiro Xildhibaan keliya oo sheegay in uuna xor u shaqayn karayn, iskana casilay xilka shacabka reer somaliland u hayay.
Waxaa xaqiiqo ah in Maamulka Riyaale ee maanta jooga uu ka gaabiyey ama uu ku guul daraystay in uu wax ka qabto kobcinta xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba. Maamulka Riyaale, wuxuu bilaabay hab dhaqan xun oo aysan shacabka somaliland u dulqaadan jirin, jeclaysana jirin, wuxuu awooda saaray caga juglaynta iyo cabudhinta shacabka somaliland oo uu ka duudsiyay xornimadii muwaadin xaqa u lahaa, waxay nuna ognahay sida xukuumada maanta joogta ay ugu takrifashay xaquuqdii muwaadiniinta ee ay u xidhxidhay shacabka bulshada ee kala duwan, sida saxaafada, cuqaasha, ganacsatada iyo iwm.
Waxaa iyana muhiim ah inuu shacabku baraarugaan ogaadaana in Riyaale aanu doonayn, gooni isutaaga Somaliland mugdina gelinayo, mar hadii uu diiday in loo dabaaldego 18 may.
Isku soo wada duubo, shacabka Somaliland dal iyo dibeddaba gaar ahaan kuwa ku nool gudaha dalka waxay rajo weyn ka dhigtaan oo ay wax badan sugayaan in ay doorasho dhacdo, waxayse ogaadeen oo maanta taagan (NIN WALAALKIIS DOORSADAY ILAAH DARAJO SIIN WAA..), shacabka Somaliland waxa soo maray waqti ay wax ku kala garan karaan, qiimeyna karaan qofka ay dooranayaan iyagoo u eegaya shaqsiyada qofka, aqoontiisa, waxgaradnimadiisa, alla ka cabsigiisa iyo weliba waayaaragnimadiisaba.
BY: MARYAN MAXAMUUD ALI (MARYAN AW-GUURE)

No comments:
Post a Comment