BAAQ, DIGNIIN, TALO SOO JEEDIN IYO CANBAARAYN.
Waxa la wada ogsoonyahay in La soo noqoshadii Jamuuriyadda Somaliland ay ku timid; dagaal iyo halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray,sideed iyo tobankii bishii May ee sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo sagaashankiina, dadweynaha Somaliland oo ay hormood ka yihiin; madaxdii siyaasadda, aqoonyahan, culimaa’u diin, madax dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshadu, ay go’aansadeen inay la soo noqdaan dawladnimadoodii ay lixdankii kula kufeen koonfurta Somaliya.
Qaranka Somaliland waa mid ku dhisan shuruucda distooriga ah, kaasi oo noole iyo ma noolaba siinaya amma waajibinaya xaqa uu ku leeyahay Jamuuriyadda Somaliland iyo ka isaga lagu leeyahayba.
Bal hadaba intaanaan gelin nuxurka qoraalkan, waxaanu marka hore halkan ku soo bandhigaynaa, qodobo distoori ah, kuwaasi oo saldhig u noqon doona baaqan, digniintan iyo tusaalayntan.
Qodobka 9aad. ( Nidaamka siyaasadeed )
1- Nidaamka siyaasadeed ee jamuuriyadda Somaliland waxaa saldhig u ah; nabad, talo wadaag,dimuqraadiyad iyo hanaanka xisbiyada badan.
Qodobka 22aad. ( Xuquuqda siyaasadeed, dhaqaale,bulsho iyo xaqa doorashada ).
1- Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerka.
2- Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayaa, wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto.
Qodobka 23aad. ( Xorriyadda dhaq-dhaqaaqa iyo is abaabulka ).
3- Muwaadiniintu waxay xor u yihiin inay isku habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqmeed, bulsheed, xirfadeed amma kuwo shaqaale si waafaqsan xeerka.
Qodibka 24aad ( Xaqa nolosha, nabadgelyeyta jidhka, xurmaynta magic samida iyo denbiyada laga galo xuquuqda aadamiga ).
1- Nafta aadamuhu waa deeq Illaahay, waa qaali, qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa, waxaanu ku waayi karaa kali ah, marka maxkamad horteed uu kaga cadaado danbiga xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2- Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad geliyo jidhkiisa, ciqaabta jidhka iyo waxyeelo kasta oo loogaysaa way reebantahay.
3- Qofkastaa wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcaddiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4- Danbiyada laga galo xuquuqda qofka sida; xasuuqa, dil maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ahi malaha mudo dhaaf.
QODOBKA 32AAD ( XORRIYADDA BANNAANBAXA, RA'YI - DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE )
1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.
Dhamaanba qodobadan distooriga ah waxaanu u soo qaadanay, inaanu ku dabaqno amma marag uga dhigno, iska hor imaadyada maalimihii u danbeeyey ka dhacay Burco iyo ceeri gaabo, xukuumad, xisbi iyo shacabna la ogaado cid waliba waxay xaq u leedahay iyo waxaa loogu leeyahay.
BAAQ.
A )Dhamaan shacabka
B )Dhamaan shacabka
C )Dhamaan shacabka Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa, inay Inay danta gaar ahaaneed, beel ahaaneed, gobol ahaaneed ka horumariyaan danta guud, taasi oon la’aanteed fag, beel iyo goboltoona jiray haddii la waayo.
D ) Dhamaan shacabka
Haddii aanu nahay qurba joogga Somaliland, dadka wadamada aanu joogno u dhashay,waxa ugu badan ee ay na weydiiyaan waa; goorta aanu nimid, waxa na keenay iyo wakhtiga aanu noqonayno, taasi oo ku xusuusinaysa inaad tahay qof shisheeye ah.
DIGNIIN_
A )Waxaanu xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda udub uga digaynaa inay ku tuntaan, xaqa iyo karaamada uu distoorku siiyay muwaadiniinta
B ) Waxaanu xukuumadda
C ) Waxaanu xukuumadda
D ) Waxaanu xukuumadda Somaliland ku boorinaynaa inay u diyaar garawdo doorasho xor iyo xalaal ah, iskana ilaaliso iska horkeenka shacabka walaalaha ah.
E ) Waxaanu xukuumadda
Waxaynu ogsoonahay, in hore xukuumadu u abaabushay buuq iyo dhibaato ka dhan ah socdaakii gudoomiyaha xisbiga Ucid ku tagay Ceerigaabo, iyadoo maantana sidii si la mid ah buuq dhimasho iyo dhaawac keenay, ka abuuray isla magaaladaa ceerigaabo, oo uu joogay gudoomiyaha gudida ololaha gobolada bariga
TALO SOO JEEDIN___
A )Waxaanu xisbiyada mucaaradka ah u soo jeedinaynaa, inay mudnaanta koowaad siiyaan dalka iyo dadka, iyagoo ka taxadiraaya wixii keeni kara dhimasho iyo dhaawac amma nabadgelyo xumo.
B )Waxaanu Culimada, aqoonyahanka iyo madaxdhaqameedka Somaliland u soo jeedinayaa, inay wacyi galiyaan shacabkooda, kana wacyi geliyaan dilka iyo aargoosiga, laaluushka iyo khiyaamada, dhaca iyo tuugada iyo wax kasta oo nabadgalyada lidi ku ah.
D ) Waxaanu Komishanka Qaranka u soo jeedinaynaa, inay dalka ka hirgeliyaan doorasho xor iyo xalaal ah, iyagoo ka dheeraanaya wax kasta oo muran dhalin kara.
CANBAARAY_
Haddii aanu nahay golaha qurba joogga Somaliland, waxaanu canbaaraynaynaa, warkii amma barnaamijkii todobaadkan dhamaadkiisii ka baxay radio Hargaysa, barnaamijkaasoo lidi ku ahaa, jiritaanka iyo qaranimada dalka jamuuriyadda Somalilanad.
Waxa uu ahaa barnaamij lagu aflagaadaynaayo, lagu wanjalaayo, beesha caalamkana lagu tusayo inay Somaliland tahay, goob ay ka taliyaan amma hoy u ah argagixisa caalamiga ah, taasi oo markhaati ay u tahay, marka gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee golaha wakiilada, lagu sheego inuu ka tirsanyahay ururka Al-Qaaciida.
Waxa uu ahaa barnaamij, madaxdii qaranka iyo siyaasiyiintii ugu miisaanka weynayd Somaliland, lagaga been abuuraayo, iyadoo aan loo aabo yeelay eedayntaa qudh gooyada ah.
Golaha qurba joogga Somaliland wuxuu ku daba jiraa, sidii loo heli lahaa barnaamijkaa oo xukuumadda Somaliland ku sheegtay inuu ka soo baxay dalka Maraykanka, isagoo goluhu arintaa gudi soo baadha u saaray.
FG: Qorraalada ka soo baxa golaha qurba joogga
Haddii aad u dhalatay jamuuriyadda Somaliland, doonaysana inaad ka mid noqoto golaha qurba joogga Somaliland, waxaad noo soo dirtaa e-mailkaaga si aanu kuugu soo dirno shuruudaha golaha lagu soo geli karo.
No comments:
Post a Comment