KULMIYE OO DACWAD KA DHAN AH WASIIRKA WARFAAFINTA U GUDBIYAY XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA
Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa shalay xeer ilaalinta u gudbiyay dacwad ka dhan ah wasiirka warfaafinta Somaliland iyo masuuliyiinta kale oo ka tirsan isla wasaaraddaas.
Xisbisga KULMIYE qoraal dacwad ah oo uu shalay ku socodsiiyay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud waxaa ay ku muujiyeen in Wasiirka warfaafinta iyo agaasimaha Idaacadda Hargeysa u haystaan war ka baxay Radio Hargeysa oo sheegayay masuuliyiin madaxda dawaladda iyo xisbigaas ka mid ah loo geystay meel ka dhacyo la doonayo bay yidhaahdeen in lagu waxyeeleeyo xisbiga iyo qaranka Somaliland. Waxaa kale, oo ay dacwaddan ku muujiyeen in xisbiga UDUB iyo xukuumaddiisu marar kala duwan dhaleecayn u geysteen madax ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo dawladda, Islamarkaana aan xeer ilaalintu waxba ka qaban dacwad hore oo ay arrintan oo kale ka gudbiyeen.
Dacwaddan xisbiga KULMIYE oo nuqul ka mid ah uu helay wargeyska Geeska Afrika, waxaa ku saxeexan xoghayaha guud ee Xisbigaas, Kayse Xasan Cige, waxaana qoraalkeeda lagu yidhi sidan' "Mudane xeer ilaaliye, waxaan halkan kuugu soo gudbinaynaa dacwad ku lid ah mas'uul sare oo ka mid ah xisbiga UDUB, ahna wasiirka wasaaradda warfaafinta Axmed Xaaji Daahir iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaas.
Taariikhdu markii ay ahayd, 05l05/2010, waxa Radio Hargeysa laga sii daayay, (Shaaciyay) war lagu dhaleecaynayo xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE, iyada oo lagu eedeynaayo mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xisbiga iyo kuwo taageerayaal u ah xisbiga inay ka tirsan-yihiin ururka argagixisadda ah ee loo yaqaano Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
Mas'uuliyiintaas lagu tilmaamayo inay ka tirsan-yihiin ururkaas Al-shabaab, waa kuwo xilal qaran oo sare dalka ka ka haya, amase ka soo qabtay. Waxayna kala yihiin.
1- Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada.
2- Maxamed Xaashi Cilmi
3- Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Mas'uuliyiintaas eeda loo jeediyay ka sokow, waxa lagu wiiqayaa sharafta iyo sumcadda xisbiga KULMIYE leeyahay, iyadoo xisbigu yahay, mid taageero balaadhan ka haysta shacbiga Somaliland.
Dhaleecaynta iyo eedaasi maaha, mid ku eeg masuuliyiinta iyo xisbiga KULMIYE oo qudha, balse, waa mid lagu wiiqayo gobanimadda iyo jiritaanka Somaliland, si caalamku ugu soo jeesto oo qarankan hagar-daamo loogu geysto, waana danbi qaranka ka dhan ah.
Mudane xeer ilaaliye, maaha markii ugu horeysay ee xisbiga UDUB adeegsado dacaayado iyo warar been ah oo loola jeedo in xisbigan iyo qarankaba dhibaato loogu geysto, waxaad xasuusataa dacwaddii hore aanu idiinku soo gudbinay ee ka dhanka ahayd Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), oo ah xubin sare oo ka tirsan xisbiga UDUB una qaabilsan ololaha doorashadda, kaasoo aanu ku soo dacweynay isla arrintan oo kale, hase ahaatee, aan dacwaddiisii waxba laga qaban.
Sidaas awgeed, waxaab ku dacweynaynaa mas'uuliyiintaas foosha xun ku kacay.
1- Qodobka 185 ee xeerka ciqaabta oo odhanaya, "Wara loo gudbiyo shisheeye, iyadoo loola dan leeyahay, si loogu dhibaateeyo qaranka Somaliland.
2- Qodobka 215, xubintiisa koowaad xarafkiisa (G) ee xeerka ciqaabta oo odhanaya sidan; "warar dacaayad ah oo lagu wiiqayo ama lagu baabi'inayo hay'ad siyaasadeed oo sharci ah"
3- Qodobka 328 xeerka ciqaabta oo isaguna odhanaya, "fidin warar been ah oo loola jeedo in nabadgelyada iyo nidaamka lagu wiiqo."
Sidaas owgeed, waxaanu codsanaynaa in arrintaasi si dhakhso ah loo baadho, ciddii ay ku caddaatana maxkamad la soo taago"
Source: www.Geeska.net
No comments:
Post a Comment