| GUDDI HOOSAADKA SOMALILAND FORUM EE DOORASHOOYINKA BAARLAMAANKA IYO DOWLADAHA HOOSE |
WAR-SAXAAFADEED
Summad: SFPLEC/100510/01 Taariikh: 10/05/2010
SOMALILAND FORUM OO KU BAAQAY WADA TASHI DEG DEG AH OO LAGA YEESHO DOORASHOOYINKA GOLAYAASHA BAARLAMANKA IYO DEGMOOYINKA
Ururka Somaliland Forum wuxu ku guubaabinyaa dhamaan xisbiyadda, ururada bulshada iyo dadweynahaba in haddatan la bilaabo wada tashi lagu gaadho doorashooyin xor or xalaala ah oo loo qabta golayaasha degmooyinka, Guurtida iyo Wakiilada. Iyadoo uu doorashadii dib-u-dhacay ee Madaxtooyadu inagu soo fool leedahay dhawaan, Ururku wuxu soo jeedineyaya in aynaan ilaawin doorashooyinkii kale ee iyana dib-u-dhacay iyo tan Wakiilada oo waqti dheeri ka hadhin mudadii xilkooda.
Ururka ay ku bahoobeen qurbajooga reer Somaliland ee Somaliland Forum isagoo ka duulayo khalkhalkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhimihii Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada, waxa uu bilaabay wada tashi ku saabsan doorashooyinka soo socda si looga taxadiro dhibaatooyinka ka dhalan kara dib- u-dhac kale oo aan la wada garowsan.
Waxaxaynu wada ogsoonahay in:
- Golayaasha degmooyinka xilligoodii shanta sanno ahaa dhamaaday bishii January, 2008;
- Golaha Guurtidana xilligoodii hore uu ku eka 2003kii, kordhsiimooyinkoodiina ay hadda ku egyihiin 15ka October ee sannadkan 2010;
- Golaha Wakiiladana xilligoodii shanta sano ahaa uu ka dhamanaayo 31ka October, 2010.
Ururka Somaliland Forum waxa uu aaminsan yahay in ummad ahaan ay waajib inagu tahay in aynu ka wada tashano doorashooyinka, taasi oo aanu u aragno in ay fududeyn doonto qabsoomidkooda. Shacbi weynaha reer Somaliland-na guud ahaan, ururada wadaniga ah iyo kuwa qurbajooguba waxaanu ku guubaabinaynaa in ay wadatashigan ka wada qayb qaataan si loo helo tallooyin wax ku oola oo xal waara inoo noqda, oo Baarlamaanka iyo Xukuumaduna ay hirgeliyaan wax kasto hadda inaga dhiman.
Si aynu wada tashigaas u bilowno hadda, bal wixii tallo ah aad noo soo jeedin kartaan fadlan nala eega su'aalahan hoos ku qoran oo intiina e-mail heli karta nagala soo xidhiidha consultation@somalilandforum.org. Waxa aanu aanu rajeyneynaa in tani ay inoo bilaabidoonto wadahal baahsan oo ka dhaca wadanka.
Allaah Mahad Leh
Guddi Hoosaadka Somaliland Forum Ee Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo Golayaasha Degmooyinka
10 May 2010
Qoraalkan waxaad ka akhrisan kartaa mareegta Forumka ee boggan:
http://somalilandforum.org/slforum/?page_id=298
Ka Wada Tashiga Doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka iyo Dowladaha Hoose
Sharciyada Muddo dhicidda xafiiska
1. Waxa dhamaanteen ina wada mashquuliyay sidii aynu u hirgelin lahayn doorashada madaxtooyada oo in badan dib u dhacday taas oo aan hadda qabno in ay dhowaan dhicidoonaan. Iyadoo ay sidaa tahay, hadana waxaynu iska ilownay doorashooyinka kale ee iyaguna muhiimadda gaarka ah leh ee iyaguna dib u dhacu ku yimid:
a) Shantii sannadood ee la doortay golayaasha deegaanka waxay dhaceen bishii January ee sanadkii 2008. Mar ayuu Golaha Guurtidu muddo kordhin u sameeyay taas oo iyana ku ekayd July 2008. Xisbiyada qaranka ayaa mar dambe ku heshiiyay in doorashada madaxtooyadu ka soo horayso tan golayaasha deegaanka taasina waxay ka dhigaysaa golayaasha deegaanka ee hadda jiraa inay xilka hayeen laga soo bilaabo bishii January ee sanadkii 2003.
b) Muddadii lixda sannadood ahayd ee ee Golaha Guurtidu uu xilka hayay waxa uu dhamaaday badhtamihii 2003. Muddo kordhintii saddexaad ee lagu muransanaa ee mudada xilka Golaha Guurtida ee sanadkii 2006 waxa uu xilka u kordhiyay afar sanadood oo kele, kaas oo ku eg bisha October 2010.
c) Shantii sanadood ee la doortay Golaha Wakiilada waxa ay iyana ku eg yihiin 31 ka October 2010. Golahan hada jira weli muddo kordhin muu helin.
Sharciyada Aan La dhamaystirin
2. Dhamaan muddooyinkaas xilalka aynu kor ku soo sheegnay ee dhowaan dhamaanayaa waxa dul saaran arrimo cakiran oo ku saabsan xeerarka doorashooyinka golayaashaas oo aan weli la isla meel dhigin.
3. Xeerki Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degmooyinka ee 2002-kii waa mid mug weyn oo dabooli kara doorashooyinka dowladaha hoose mar labaad laakiin wuxuu u baahan yahay in wax laga bedelo dibna loogu noqdo si uu ula jaanqaado xilligan imika ah, oo tusaale ahaan waa:
a) In la waafajiyaa Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo waxyaalihii cusbaa ee lagu soo daray Xeerkii Doorashada Wakiilada ee 2005-kii.
b) Qodobka 7 (d) ee Xeerkii Gobollada iyo Degmooyinka ee 2002-kii oo cadeeyay in dhamaan degmooyinka darajada "D" aanay yeelanaynin golayaal la soo doortay iyada oo xuduudahoodu aanu markaas caddayn ayaa qodobkaas laga saaray Xeerka ka dib markii dib u eegis lagu sameeyay sanadkii 2007. Mar haddii ilaa hadda aan weli xuduudihii loo kala caddayn degmooyinkaas, waxa loo baahan yahay in Xeerka mar labaad lagu cadeeyo in dhamaan degmooyinka "D" aanay ka qayb qaadan doonin doorashooyinka degmooyinka ee soo socda. Dikriitooyinkii Madaxweynuhu 2008-kii ku sameeyey 16 degmo iyo 6 gobol oo cusub wey cadeeyeen in kuwan cusubi aaney wax sameyn ah ku lahaandoonin doorashooyinkan degmooyinka iyo Wakiilada ee so socda.
c) Ururo, dad badan iyo mid ka mid ah saddexda xisbi qaran ayaa ku doodaya in ururo siyaasadeed cusubi ay ku tartamaan doorashada golayaasha degmooyinka ee soo socda. Arrintaasi oo u baahan in wax laga bedelo Xeerakii Ururrada Siyaasadda/Xibiyada ee 2000-kii waa in si dhakhso aha meel laysla wado dhigo.
4. Ilaa hadda ma jiro xeer lagu qaban karo doorashada ama xulista xubnaha Golaha Guurtida. Waxa jiray laba mashruuc-sharci (2003 iyo 2006) oo soo jeediyay in xubnaha golaha loo soo doorto si dadban. Mid kale oo ay Golaha Wakiiladu ansixiyeen 2006kii oo dhigayay in si toos ah loo soo doorto xubnaha Golaha Guurtida waxa si aqlabiyad weyn ah u laalay Golaha Guurtida.
5. Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee 2005-kii oo si dhakhso ah loo dhaqan galiyey ka dib go'aankii Maxkamadda Sare waa lagu qabankaraa doorashada soo socota hadii arrimihii la isku qabtay sannadkii 2005kii, oo ay ka mid ahaayeen qaybsiga kuraasta gobollada, aan dib loo furfuran.
Oodo Dhacameed Siday u Kala Sareeyaan baa loo Guraa
6. Waxaynu mar kale ku fashilanay inaynu wax ka qabano wakhtigii ku habooneed arrimahan khuseeya doorashooyinka iyo Dastuurka. Haddii aynaan imika bilaabin wax ka qabashadooda oo aynan si deg deg ah u xallin sideynu arrimahan u kalo lafoguri laheyn, waxa ina hor imanaya xaalado cakiran oo dastuuri ah iyo muran aan laga fursanayn oo ku saabsan wixii laga yeeli laha kordhinta mudada xilka golayaashaas.
7. In kastoo ay caqabadahaasi jiraan, waxa aynu hubnaa, sidii aynu horeba u soo muujinay, in aynu had iyo jeer daneyndoono ilaalinta nabadgelyadeena iyo xasillonideena guud oo arrimahaasna ku xallin doono isu tanaasul iyo isfaham.
8. Inagoo hadda, si la fahmi karo, ku wada mashquulsan doorashada Madaxweynaha, Somaliland Forum ahaan waxa aanu rumaysan nahay in wakhti dambe aanu inaga lumin. Haddaba waa inaynu imika bilownaa dood qoto dheer oo ku saabsan sidii iyo goortii aynu qaban lahayn doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu soo doorto golayaasha baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) iyo kuwa degmooyinka.
Aragtidaada
9. Waxaanu u baahanahay aragtidaada ka hor intaanaan soo saarin warbixin rasmiya oo aanu ku baaqayno waxqabad iyo dood qoto dheer oo ay arimahan ka yeeshaan cid kasta oo ay khusayaan. La tashigan gaabani waxa uu gaar ku yahay dadka reer Somaliland ee ku nool qurbaha iyo kuwa dalka joogaba iyo xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada ee awoodda u leh inay ku soo jawaabaan Email ahaan. Waxaanu rajaynaynaa in warbixinta iyo talo soo jeedinta aanu soo saari doonaa in ay inaga caawin doonto inaynu Somaliland ka bilowno dood tan kasii qoto dheer oo intan ka balaadhan iyo wax qabad.
10. Hadii aad rabto inaad ka soo jawaabto dhambaalkan, fadlan noogu soo dir email ka ah: consultation@somalilandforum.org adigoo aara'daaad doodaada ku salaynaya qodobbada aanu ku xusnay xaashidan ku lifaaqan iyo wax allaale wixii kale ee arrimahan la xidhiidha ee aad rabto inaad soo jeediso.
Guddi Hoosaadka Somaliland Forum Ee Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo Golayaasha Degmooyinka
10 May 2010
SU'AALAHA :
1. GOLAHA GUURTIDA
1. Sidee bay kula tahay in loo soo doorto Golaha Guurtida? Ma si toos ah mise si dadban?
2. Hadii aad leedahay si dadban, side baa lagu soo xulanayaa?
3. Xubnaha 82-ka ah ee Golaha waxay ku salaysan yahiin qaybsigii beelaha ee 1997-kii. Ma kula tahay in taas dib loogu noqdo? Hadii aad sidaa qabto, sidee iyo goorma ayay kula tahay in la qabto xulashadan?
4. Maxay kula tahay muddo kordhin dambe oo Golaha loo sameeyo hadii is bedelada aynu soo sheegnay lagu samayn kari waayo inta ka horeysa October 2010-ka ?
5. Maxay tahay aragtida aad ka qabto kaalinta mustaqbalka ee Golaha Guurtidu ?
6. Maxaad intaa ku dari lahayd?
2. DOORASHOOYINKA DEGMOOYINKA
1. Goorma ayay kula tahay in la qabto doorashada aadka dib ugu dhacday ee golayaasha degmooyinka ?
2. Ma kula tahay inaynu sii wadno ku dhaqanka xaddidaada Dastuurka ee 3 saddexda Xisbi ? HAA ama MAYA ?
3. Ma kula tahay in ururro siyaasadeed oo cusub loo ogolaado inay ka qayb galaan doorashooyinka degmooyinka ee soo socda ?
4. Hadii aad taas qabto (oo aad haa ku jawaabtay su'aashan sare ee 3aad) maxay tahay wax ka bedelka aynu u baahanahay inaynu ku samayno xeerarka inagoo weli ku dhaqmayna xadidaada Dastuurka ee 3da xisbi?
5. Maxay tahay wax ka bedelka lagama maarmaanka ah ee ay tahay in lagu sameeyo Xeerka Doorashada Golayaasha Degmooyinka?
6. Maxaad intaa ku dari lahayd?
3. DOORASHADA GOLAHA WAKIILLADA
1. Ma kula tahay in mase u malaynaysaa muddada xilka ee Golaha Wakiilada ee hada jira in la kordhiyo si aynu fursad ugu helno inaynu wax ka qabano doorashooyinka kele ee habsaamay ? HAA ama MAYA
2. Maxay tahay wax ka bedelka ah in lagu sameeyo Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada inta aanay dhicin doorashadoodu ?
3. Side bay kula tahay inaynu wax uga qabano cabashooyinka hadda jira ee ku saabsan qaybsiga tirada kuraasta gobollada?
4. Maxaad intaa ku dari lahayd?
4. SAADKA DUMARKA IYO BEELAHA LA HAYBSOOCO
1. Side bay kula tahay inaynu wax uga qabano cabashooyinka jira ee ku saabsan saadka xubinimadda golayaasha ee haweenka iyo beelaha la haybsooco ?
5. DASTUURKA IYO DOORASHOOYINKA
1. Ma jirtaa qoddobo dastuurka ka mid ah si muhiim ah ugu saabsan doorashooyinkan oo ay tahay in hadda wax laga qabto? Hadii ay jirto, fadlan noo sheeg, sharraxaadna ka bixi sida is beddeladaasi loo hirgalinkaro.
DHAMAAD
No comments:
Post a Comment