12 May, 2010

Golaha Wakiilada oo wada-jir u ansixiyay Miisaaniyadda sanadka, Xeerka Miisaaniyadda iyo xeerar kale

Golaha Wakiilada oo wada-jir u ansixiyay Miisaaniyadda sanadka, Xeerka Miisaaniyadda iyo xeerar kale

Fadhigii lagu ansixinayay Miisaaniyada oo uu shir-gudoominayey Gudoomiyahay Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), isla markaana ay madasha Golaha ka soo xaadireen inta badan mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, Ayuu golaha ku wargeliyey in fadhigaa lagu ansixin doono Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2010-ka, Xeerka xakamaynta iyo maamulida Miisaaniyada Qaranka, Xeerka doorashooyinka oo kaabis iyo wax-bedel lagu sameeyey iyo Xeerka Ururadda aan dawliga ahayn.

Intaas ka dib-na waxay mudanayaashu gudo galeen cod u qaadista odoroska miisaaniyada iyo saddexdan xeer, waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday miisaaniyada Somaliland sannadkan 36 mudane 2 mudane-na way diideen halka ay ka aamuseen 6 mudane gudoomiyuhu-na muu codeyn.

Warbixinta Miisaaniyada ee ay soo diyaariyeen Guddida Dhaqaalaha ee Wakiiladu waxa ka maqan miisaaniyada deeqaha dibadeed ee hay'adaha caalamiga ahi ay si toos ah u siiyaan Wasaarada Maaliyada iyo Hay'addaha Dawlada, Misaaniyadda sannadkan 2010 waxay dhan tahay 363,808,584,812 SLSH. Miisaaniyadda sannadkan 2010 sidii kuwii hore wasaaradda Maaliyadu may soo bandhigin siyaasadda xukuumadda ee sannad maaliyadeedka.

Sida ku cad jaantuska Miisaaniyada sannadkan, korodhka ugu badan waxa helay ciidmada qaranka kaddib markii la kordhiyey tiradii, raashinkii, saadkii iyo hawlgalkoodii (1,09%). Dhinaca wasaaradaha waxa sannadka helay korodhsiimo miisaaniyadeed wasaaradaha kala ah:Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta (2,62%), wasaaradda arrimaha gudaha (1,152%), wasaaradda waxbarashada (1,139%), wasaaradda maaliyadda ( 1,103%), wasaaradda Caafimaadka (1,215%), Somaliland National TV (1,80%) iyo Golaha Wakiilada oo helay korodhsiimo dhan (1.197%).

ciidamada illaalada madaxtooyhada oo markii ugu horraysay loo sameeyey madax gaar ah isla markaana loo qoondeeyay ka badan tii ay hore u qaadan jiraan. Waxa sidoo kale hoos u dhac ku yimid wasaaraddii arrimaha debedda ( 0,78%) oo iyada loo wareejiyey laanta socdaalka.

Sidoo kale miisaaniyadda Qaranka kama muuqato lacagihii ka soo xerooday dhoofkii xoolaha ee furmay sannadkii 2009 iyo hantidii Qaranka ee la iibshay sidii dhulkii xaafadda indianline-ka.

Warbixinta Miisaaniyada ee ay soo saareen Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda Iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada ayaa waxay qornayd sidan :

Hordhac:

Odoroska miisaaniyadda 2010 waxaa loo soo gudbiyey Guddida Dhaqaalaha 26/4/2010 si Guddidu warbixin faahfaahsan uga diyaariso, ka dibna ugu gudbiso Golaha Wakiilada si ay uga doodaan, loona ansixiyo sida ku cad qodobada Dastuurka 53 iyo 55.

Haddaba Guddida dhaqaalahu si ay u hesho macluumaadka dhabta ah ee dakhliga dalka iyo si uu u xaqiijiyo xogaha dhabta ah ee ku jira, wuxuu go'aansaday doorkan inay kulanno is dabajoog ah la yeeshaan wasaaradda Maaliayadda iyo Commisionka oo keliya si dhinaca miisaaniyadda wax uga weydiiyaa Wasaaradda iyo xaqiijinta doorashooyinka wax ka weydiiyaan Kommisionka, iyadoo safaradii ilaha dhaqaalaha uga maarmay waqti yaraan awgeed.

Haddaba waxay Guddida Dhaqaalahu la kulantay:

  1. Wasaaradda Maaliyadda.
  2. Guddida Doorashooyinka Qaranka.

1. Wasaaradda Maaliyadda

Waxa Guddida dhaqaalaha u suurta gashay inay dood dheer iyo falanqayn la yeeshaan madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hogaaminayey Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cali Ducaale. Waxay warbixin naga siiyeen hawlaha dhinacooda iyo qaabka miisaaniyaddu sannadkan u dhigan tahay. Maxaa ku soo korfhay iyo Maxaa ka baxay. Waxaan kaloo ka doodnay kharashka doorashooyinka loo qoondeeyey sannadkan sida doorashada Madaxtooyada iyo keydka haddii doorashooyinka Golaha degaanka iyo baarlamaanka (guurtida iyo wakiiladu) dhacaan sannadkan dabayaaqadiisa.

Haddaba Waxa kulankan nooga soo baxay:

  1. Guddida Dhaqaalaha iyo madaxda wasaaraddu waxay isla qaateen miisaaniyadda Guddida Doorashooyinka Qaranka oo haddii la dhugto madax-xigaha 1.2.31 ee ay ku qoran tahay kharashaka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada ay sax ku tahay in kharshkaas qayb ka mid ah oo ah 7,486,347,460 loo qoondeeyey Doorashada Madaxtooyada. Halka inta hadhay oo ah 7,021,590,040 loo qoondeeyey ku tala gala galka doorashooyinka soo socda ee Golayaasha Deegaanka Dawladda Hoose iyo doorashooyinka baarlamaanka (Guurtida iyo wakiilada)
  2. In Miisaaniyadda sannadkan 2010 sidii ay ku ballan qaadeen sannadkii hore 2009 ay ku dareen misaaniyadaha hay´adaha dawladda ee madaxbannaan sida dekedda, wershadda Korontada iyo Wakaaladda biyaha. Inkastoo ay weli ka maqan yihiin hay´ado kale oo lagu tiriyo inay madaxbannaan yihiin sida Madbacadda Qaranka, Hayada Wadooyinka (SRA) Iyo Baanka Dhexe.
  3. Sida ay Wasaarada Maaliyadu tibaaxday waxaa ka maqan miisaaniyada deeqaha dibadeed ee hayaddaha caalamiga ahi ay si toos ah u siiyaan Wasaarada iyo Hay'addaha Dawlada.

2. Xog- Waraysigii Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo Guddida Dhaqaala

Waxaa Jiray kulan dhex maray Guddida Dhaqaalaha iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka oo uu hoggaaminayey Guddomiyaha Guddida Doorashooyinka mudane Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Xameri).

Kulankan waxa lagu gorfeeyey lacagaha loo qoondeeyey doorashooyinka oo xataa ku jirtay miisaaniyaddi 2009 iyo tansannadkan 2010 iyo waxa haatan ka soo gaadhay illaa hadda.

Waxaan ka wada hadalnay hawlaha doorashooyinka u qorshaysan iyo illaa hadda halka ay marayaan iyo waxa ka soo gaadhay miisaaniyadda loo qorsheeyey.

Waxa kaloo aan kawada hadalnay sida ku cad qoraalka miisaaniyadda in kharashka ku cad madax-xigaha 1.2.31 ay tahay oo keliya lacagtii ay kula heshiiyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo keydka dorashooyinka soo socda. Isla markaana ay qorsheeyeen oo keliya imminka doorashooyinka Madaxtooyada ee dhacaysa bilaha soo socda.

Haddaba Waxa kulankan nooga soo baxay:

  1. Waxa Guddida Doorashooyinku noo caddeeyeen in ay u qorshaysan tahay oo keliya imminka Doorashooyinka madaxtooyada ayna kharashkeedii ku jirtu Miisaaniyadda sannadka ee 2010. Sidaas darteed uma qorshaysna wax doorashooyin ah oo ku waajahan Golayaasha Degaanka iyo baarlamaanka (wakiilada iyo Guurtida).
  2. Waxa Guddidu noo caddeeyeen inay ka warhayaan dib u dhaca doorashooyinka Degaanka iyo doorashooyinka soo fool leh sida kuwa baarlamaanka.

Fikirka iyo Astaamaha Miisaaniyadda sannadka 2010 (Budget Policy Analysis):

Misaaniyadda sannadkan 2010 oo dhan 363,808,584,812 SLSH, marka lagu daro miisaaniyadda u gaarka ah doorashooyinka iyo Miisaaniyadda u gaarka ah dekedda Berbera oo dhan 28,167,118,628 SLSH, iyo miisaaniyadda Wakaaladda Biyaha oo dhan 17,535,408,348 SLSH, iyo miisaaniyadda Xoogga Korontada oo dhan 7,846,946,132 SLSH. Miisaaniyaddu waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash isleeg.

1. Dawladda Dhexe 310,259,111,704 SLSH

2. Dekedda Berbera 28,167,118,628 SLSH.

3. Wakaaladda Xoogga Korontada 7,846,946,132 SLSH

4. Wakaaladda Biyaha 17,535,408,348 SLSH

Isugeyn: 363,808,584,812 SLSH

Miisaaniyadda dhexe waxay ka badan tahay tii hore sidatan:

Miisaaniyadda 2009 Miisaaniyadda 2010Farqiga
265,190,104,732310,259,111,704 SLSH 145,169,006,972 (15%)

Miisaaniyadda sannadkan 2010 sidii kuwii hore wasaaraddu may soo bandhigin siyaasadda xukuumadda ee sannad maaliyadeedkan. Waxa ku cad lacagaha loo qoondeeyey wasaaradaha iyo hay'adaha dalka iyo lacagta loo qoondeeyey doorashooyinka iyo keydka doorashooyinka soo socda.

Waa sannadkii sedddexaad (2008,2009 iyo 2010) ee miisaaniyadda loo sameeyo jaantus muujinaya qaybaha kharashka ee miisaaniyadda sannadkan 2010. Haddaba waxa ku cad Jaatuskan in lacagta ugu badan ee miisaaniyaddan 2010 loo qoondeeyey dhinaca nabadgelyada 51.64% sidii kuwii sanadihii hore. Sidaas darteed, waxa la odhan karaa waa miisaanayadd nabadgelyo oo malaha siyaasad kale oo laga duulaayo.

Waana sidatan:

S/NOQaybaha

(Sectors)

Qoondayn

(Amount allocated)

Saamiga

(% Share)

1.Adeegga Bulshada

(Social Service Sector)

36,999,540,780(11.92%)
2.Dhaqaalaha iyo Wax soo saarka

(Economy and Productivity)

31,775,617,881 (10.24%)
3.Nabadgelyada iyo Caddaaladda

(Security and Judiciary)

167,889,238,929 (54,12%)
4.Maamulka iyo Siyaasadda

(Administration and Political Leadership)

65,622,118,962(21.15%)
5.Horumarinta iyo Mashaariicda

(Development and Projects)

7,972,595,152(2.57%)
Isugeyn (Total) 310,259,111,704100%

Nabadgelyada Qaranka:

Waxa keliya ee laga garan karaa jaantuska sare haddii aad loo dhugto miisaaniyadda 2010 in lacagta ugu badan loo qoondeeyey dhinaca nabadgelyada, taas oo dhan 54.12%

Waxayna kala yihiin ciidamada qaranka, ciidamada boliiska, iyo ciidamada illaalada xeebaha iyo wasaaradaha gaashaandhigga iyo hay´adaha caddaaladda. Waxaana miisaaniyadda sannadkan ku soo kordhay:

  1. Korodhka Tirada ciidamada
  2. Korodhka Raashimada ciidamada
  3. Korodhka Raashinka maxaabiista.
  4. Korodhka kharashka Saadka iyo hawlsocodssinta cidamada.

Sidaas darteed, waxa isugeynta kharashayada addeegga nabadgelyadu iyo Caddaaladda noqotay 167,889,238,929 SLSH, una dhiganta 54,12%.

Isbeddelka saamiga korodhka ama hoos u dhaca miisaaniaydda Qaranka:

Magaca Wasaaradda ama Hay´adda Miisaniyadda 2009Miisaaniyadda 2010Faraqa
Ciidanka Qaranka80,275,711,63687,580,662,1087,304,950,472
Guddida Doorashooyinka Qaranka 8,598,461,80016,224,441,7937,625,979,993
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta 875,356,9753,336,099,2002,460,742,225
Wasaaradda arrimaha Gudaha 11,873,946,66613,678,460,1591,804,513,493
Wasaradda Waxbarashada12,849,460,173 14,633,732,1401,784,271,967
Wasaaradda Maaliyadda16,456,799,428 18,153,248,5201,696,449,092
Wasaaradda Caafimaadka & Shaqada7,231,589,760 8,783,810,9601,552,221,200
Somaliland National TV1,645,384,3682,962,071,336 1,316,686,998
Golaha Wakiilada5,474,752,1006,555,058,600 1,080,306,500
Wasaaradda Madaxtooyada16,280,804,28013,195,562,882(-3,085,241,398)
Wasaaradda Arrimada debedda5,837,295,0404,597,004,640(-1,240,290,400)

Sida ku cad jaantuska sare sannadkan korodhka ugu badani waxa helay ciidmada qaranka ka dib markii la kordhiyey tiradii, raashinkii, saadkii iyo hawlgalkoodii (1,09%). Dhinaca wasaaradaha waxa sannadka helay korodhsiimo miisaaniyadeed wasaaradaha kala ah:

Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta (2,62%), wasaaradda arrimaha gudaha (1,152%), wasaaradda waxbarashada (1,139%), wasaaradda maaliyadda ( 1,103%), wasaaradda Caafimaadka (1,215%), Somaliland National TV (1,80%) iyo Golaha Wakiilada oo helay korodhsiimo dhan (1.197%).

Dhinaca hoos u dhaca miisaaniyadda waxa intii ugu badnayd laga jaray wasaaradda madaxtooyada (0,810%), loona qoondeeyey ciidamada illaalada madaxtooyhada oo markii ugu horraysay loo sameeyey madax gaar ah. Waxa sidoo kale hoos u dhac ku yimi wasaaraddii arrimaha debedda ( 0,78%) oo iyada loo wareejiyey laanta socdaalka oo markii ugu horraysay loo sameeyey madax gaar ah.

Wasaaradaha ama Hay´adaha markii ugu horraysay lagu soo daray miisaaniyadda Qaranka ee loo sameeyey madaxyo cusub:

  1. Ciidanka Illaalada Madaxtooyda oo loo qoondeeyey 4,324,324,812 SLSH
  2. Laanta socdaalka oo loo qoondeeyey 3,053,688,408 SLSH
  3. Guddida xuquuqal Insaanka Qaranka oo loo qoondeeyey 235,240,000 SLSH
  4. Guddida dib u habaynta shuruucda oo loo qoondeeyey 306,784,800 SLSH

Milicsiga Miisaaniyadda 2010:

Ka dib markii Guddidu dhaqaaluhu dood dheer ka yeeshay istaraatijadda lagu duulayo miisaaniyadan sannadkan 2008. Haddaba Milicsi dheer ka dib waxa u caddaatay Guddida Dhaqaalaha in loo baahan yahay in miisaaniayadda sannadkan lagu muujiyo arrimahan soo socota:

1. Lacagta loo qoondeeyey doorashada Madaxweynaha, G/Deegaanka iyo Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada):

Sida ku Cad miisaaniyada qaranka ee 2010 Boga 2aad Waxa wasaarada maaliyadu soo gudbisaydoorashada madawaynaha iyo Golaha Wakiiladda oo ay u qoondeeyeen Lacag dhan16,224,441,793/= SLSH Hase yeeshee Wasaaradda maaliyaddu waxay dib-u-saxday in kharashkaas loogu talo galay Doorashada Madaxwaynaha Iyo Kayd U Yaala DoorashooyinkaQaranka ee soo socda ee kala ah doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) ee ku dhici doona wakhtiga Guddida Doorashooyinku u Xadidaan.

Ka dib markii ay Guddida Dhaqaaluhu xog-waraysi la yeelatay Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaanay sheegeen in ay dalbadeen oo kaliya:-

  1. Bandhiga Kaadhadhka Diwaangelinta
  2. Doorashada Madaxwaynaha oo kaliya.

Waxaanay u qoreen warqad xambaarsan nuxurka qodobada sare wasaaradda Maaliyada.taasoo keentay sixitaanka wasaaradu ku samaysay Miisaaniyada doorashooyinka qaranka.

Kharashka Doorashooyinku waxa uu u kala qaybsan yahay 16,224,441,793 /= SLH oo ahMiisaaniyada 2010 iyo Kayd dhan 8,598,461,800/= SLH oo Miisaaniyadii 2009

2. Lacagihii ka soo xerooday dhoofka Xoolaha iyo Hantidii Qaranka ee la iibshay:

Marka aad u dhugato miisaaniyadda Qaranka kama muuqata lacagihii ka soo xerooday dhoofkii xoolaha ee furmay sannadkii 2009 iyo hantidii Qaranka ee la iibshay sidii dhulkii xaafadda indianline-ka. Lacagahaas oo la garanayn meel ay ku dhaceen iyo cidda ka mas'uulka qaabka loo maray iibinta hantidaas.

3. Hay'adaha aan la sharciyeyn ee ku jira Misaaniyadda Qaranka:

Sida ku cad miisaaniyadda waxa jirta hay'adda Guddida dib u habaynta shuruucda ee dhawaanta ku soo baxday degreeto Madaxweyne, laakiinse aan lagu ansixin Golaha Wakiilada ayaa sannadkan loo qoondeeyey miisaaniyad u gaar ah. Taas oo aan waafaqsanayan sanayn shuruucda iyo dastuurka dalka.

4. Dib u dhaca xisaab xidhkii 2008 iyo 2007:

Guddida Dhaqaaluhu waxay ka werwersan yihiin dib u dhaca ku yimaadda mar walba xisaab xidhka uuna mas'uuliyadda koowaad leeyahay hanta dhawraha guud oo ka dhego adaygay u yeedhitaankii Guddida Dhaqaalaha. Tani waxay caqabad weyn ku noqotay in la helo dakhligii dhabta ahaa ee soo galay wasaaradda maaliyadda sanadihii 2007, 2008 iyo 2009 oo noqon kari lahaa aasaas lagu duulo marka la darsayo miisaaniyad sannadeedka. .

Gebogebo:

Ka dib dood dheer iyo falanqayn Guddida Dhaqaaluhu waxay isla garteen ugu dambayntii in nuxurka miisaaniyadda 2010 aan wax ka beddel lagu samayn. Isla markaana aan wax ka beddel lagu samayn wadarta guud ee miisaaniyadda sannadkan 2010 oo dhan 363,808,584,812/= SLSH

Waxaannu culayska ugu weyn saarnay doorashooyinka Madaxtooyada oo ah caqabad weyn oo hortaallay Qaranka Somaliland muddo labo sanadood ah iyo badh. Isla markaana khalkhal weyn gelisay nabadgelyada iyo hannaan socdka diimuqraadiyadda curdinka ah ee ka hana qaadday Somaliland.

Soo Jeedinta Guddida Dhaqaalaha:

Waxa Guddida Dhaqaaluhu u soo jeedinayaan Golaha Waynaha qodobkan soo socda:

  1. Iyadoo Lagu Jiro Xili Doorasho Waxay Soo Jeedinta Guddida In Goluhu Go'aan Deg Deg Ah Ka Gaadho Waxa Laga Yeelayo Miisaaniyada Qaranaka 2010

ALLA MAHAD LEH.

Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda Iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada:

1 Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi Guddoomiye

2 Maxamed Cali Carraale (Duur) Xoghaye

3 Saleebaan Cawad Cali Xubin

4 Cali Obsiiye Diiriye (Gebilay) Xubin

5 Naasir Xaaji Cali Shire Xubin

6 Maxamed Cusmaan Maxamed (Bulqaas Xubin

7 Maxamed Jaamac Cali Xubin

8 Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) Xubin

9 Ahmed Ibraahim Dahir (A/Weyne) Xubin

Mustafe Maxamed X. Dahir Xoghaynta Guddida

No comments: