26 April, 2010

UDUB ISKUMA HELEYSO XIL AY DOONTO & HANTIDII UMMADDA OO AY XALAASHATO!


 
Dawladdanu wax badan ayey cirka eegeysey marka wax laga weydiiyo Hantida Ummadda iyo Siyaasado garanwaaya; oo badnaa. Wax badan; ayey Boolis ku saliddey Muwaadiniin axraar ah oo ay hadimooyin, Dhaawacyo iyo xataa dhimasho u geysteen, Wax badan ayey xuquuq sharci ah wood xafiis uga horjoogsatey , Muwaadiniin muteysatey, wax badan ayey Siyaasado ku lid ah midnimada dhuleed ee waddaniga ah ka gaabisey in ay holliso, ama ay daawo hoose kala yeelatey dadyow dano ka horjeeda leh. Maanta oo ay keffadii xisaabta Saaran tahay, Waadhkii Dadweynahana ay taallo iyada oo quud-darreyneysa in weliba xilka loo cusbooneysiiyo!!
 
Dawladnimadu waa ay ka qaalisan tahay wax dan shakhsi ah lagu saleeyo. Siyaasiga loox gaabka ah, ayaa mooda in muddada yar ee uu meesha joogo adduunku ku ekaanayo oo aan waxba hanbeysan!! Yaakhii shanta sano ee Mas'uul xukuumadeed xilka hayo, waxa ka dambeeya shan casho oo ka matajiya wixii uu qalin daraaleeyey!! UDUB waxan leeyahay, ku tagri-fashaye, tiriya xilka, lacagtii ummadda ee Maxjarka laga dhacay, meel ku sheeg UDUBEY!!Tii hantida guud ee ay xaraashtey, maxay noogu beddeshey halkeynuse ugu hagaageynaa ee ka raad raacaynaa? Shuruucdeeda iyo Booliskeeduse ma shicibka Daacadda ah ayey ku yoomaan , khaa'imiinta qaranka ee sida xorta ah hantidii ummadda ula dhoofayana, awood uma laha miyaa? Iyada oo Hoyga Nidaam xumada iyo Musuqa ah, waxay xilka ku dooneysaa, ma Bulshada ayaaney seedi u dhanaaneyn ayey leedahay?!! Goleyaasha Sharci Dejinta ee sidii Miskiin u baryootameya , awooddii shicibka iyaga oo xambaarsan, yaa khasaarah!! Adeer waddanka idinka ayaa la degaya'e ama xilkiinna guta ama Ummadda ku soo celiya ayaanu leenahay!! Sidan aad u dhaqmeysaan qarannimo maaha ee waa dano xisbi iyo beelo, oo aan la'idiin dooran lana idiin igamanin , waana sababta laydiinka maroorsadey awoodihii Dastooriga ahaa ee aad lahaydeen!!
 
Waar Miisaaniyadaha ay ansixiyaan mid keliya oo lifaaq, qorshe qarameed muddeysan oo lagu sababeeyo wadata ma jiro. Miisaaniyaduhu Xisaab -xidho ma wataan, yacnii wax ka soo hadhey Miisaaniyaddii sannadkii hore ama deyn loo raacay dawladda laysma weydiiyo, ta cusuibna kolba waa sida uu u dhigo korneylkii loo xilsaarey si uu ramaqa uga jaro!!  Natiijadii waa tan niqaabka ka xidhatey Golihii Xildhibaannada Miisaaniyaddii ee lagu soo hagaajin la'yahay, iyadaabva iska yaxyaxsan, inta aanay hortegin Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Xildhibaannada illeyn waa been la soo dhoobdhoobayey, afar bilood oo ay muddo dhaaftaye!!
 
Madaxda Dalka ee Saddexdan Doox ee Gaadiid iyo Dadba dhammeeyey ee Dariiqa dheer eeHargeysa / Berbera ku yaal Kaabado yar yar oo Gaadiidka iyo Dadkuba ku nabad-galaan waqtiyada daadka u sameyn kari waayey, kooda keliyana aanu ku merganeynba labada m,ilyan ee Doolar inta aanay dadkana spare part ahaan u iibin, in laga qabto weeye. UDUB jaziiraddii Sacaada-Diin haddii la soo qaado wey saseysaa , Masnacii laas-qorey ee kalluunka haddii la soo qaaqdo wey saseysaa, Miisaaniyadda haddii la soo qaado wey saseysaa, Xaflad kulmiye haddii la sheegeona wey kaba dhigeysaa!! Kafaa in Dhulku wada huruud iyo akhdar noqdo mar kasta oo Kulmiye Munaasabad yeesho , maamulkuna khaldami waayo, sidii ay biyaha iyo saliiddaba isugu dareen Xafladihii hotel kaah, Mar ay Boolis hubeysan geeyaan iyo mar ay waraabe qoorta laga gooyey oo jeeniyada taar lagaga xidhey ay jidka hudheelka Madaxda kulmiye u dhigaanba!!
 
Waalwaalatyey ee xerada inay gasho oo ay iska xasisho ayaa la gudboon. Xilku qofka aan aqoonta u lahayn waa u gallad, markase uu ka dhammado ka hor ma garto, gufaacada uu leeyahay. Waqtigii hadalka madhani wuu dhammaadey ee ummaddii Xilka u dhiibatey si sharafle ha u xisaabiyaan, been dambe mid qaadaneysa uma ekaa'e. Mas'uul kastaana waa in uu kuwan wax ku qaato ida ay indhaha dadka uga dhaceen!!.
 
Dr. Cali Cabdi
 


No comments: