Maxaa kala qabsaday Jaaliyadda Washington iyo Weftiga Somaliland ee socdaalka ku jooga USA?
Kulanka weftiga iyo jaaliyadda oo markii hore xogwaran ahaa, waxa uu markii dambe isu bedelay madal su'aalo ay qaarkood jawaabtu ku adkaatay lagu waydiiyay weftiga Xukuumadda iyo Baarlamaanka ka socda oo lix xubnood ka kooban.
Su'aalaha jaaliyaddu la dhaceen weftiga, waxa ka mid ahaa kuwo Wasiirada qaarkood isku tuurtuureen oo la xidhiidha dhaliilaha Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. "Wasiir, waxa jira in la iibiyay dhulka Hindiyaan-line-ka iyo Sariibadaha Hargeysa. Waxaanu maqalay lacagta lagu iibiyay Madaxtooyadaa la geeyaa, Rayaale-na guryo kama soo iibiyo Boorama, markaa arriintaasi siday ku dhacday," su'aashaa waxa Wasiirka Daakhiliga Cabdullaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo weftiga ka mid ah waydiisay haweenay ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee Washington. "Waxaan u malaynayaa, Wasiirka Hawlaha guud baad I moodaye, anigu Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaan ahay. Waxay ahayd inaad hawsha Wasaaradda Daakhiliga I waydiiso, taasna Wasiirka Arrimaha dibadda ayaan iskaga wareejiyay," sidaana waxa ku jawaabay Cabdillaahi Ismaaciil Cali.
Su'aashaas iyo jawaabta ka dambaysay oo qosol badan ka dhalisay madasha, waxa jawaabteeda ku baxay Wasiirka Khaarajiga Cabdullaahi Maxamed Ducaale. "Horta, waxa is waydiini ceeb ma leh. Waxa weeye, qaranka hawlihisa waxa gacanta ku haya Fulin iyo Sharci-dejin, Fulintuna waa Xukuumadda. Arrintaa Hargeysana waanu ku maqlaynay hadal-haynteeda, Jaraa'id Illaahay barakeeyay, fiican oo soo baxaana way qorayeen. Laakiin, arrintaa waxba kama jiraan, walaal waxba kama jiraan, maamulka iyo hawsha qaranka ragii hayay baa haya, taasna Wasaarad baa inoo qaabilsan, dawladdihii Hoose ayaa jira. Waxa aynu hayno oo dhan waynu garanaynaa, Miisaaniyadda dawladda oo dhani waa 50 Milyan oo doolar, maba gaadho. Markaa waxa lagu shaqaynayaa waa waxaas. Haa, dhul wuu jiraa dawladdu leedahay oo ay xaq u leedahay oo loo baahday in la galo oo dhulkaa aad sheegaysaa ka mid ah, waxa la siiyay ee laga gadayna waxa weeyaan dad reer Somaliland ah, hadaad maanta Hargeysa dhexmartana ishu waxay qabanaysaa waxa ka soo socda, Madaxtooyaduna khasnadii dawladda maaha, Bangi baa jira, Wasaarad Maaliyadeed baa jirta – nidaamkeedii iyo shuruucdii bay leedahay. Markaa arrintaa iyada ah, haba yaraatee wax ka jiraa ma jiraan," ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Maxamed Ducaale.
Hase yeeshee, mar kale waxa su'aasha ku celisay haweenaydaas oo waydiisay; "Lacagtaa maxaad ku bedeshaan, ilayn wadooyin ma dhistaan Biyaha wadanka uma samaysaane?". Laakiin, mar kale Cabdilaahi-yare muxuu yidhi; "Su'aashaa labaadna waa ka jawaabaynaa, horta waxaad moodaa inaad ka hadlayso dal ay ku furan tahay lacag horumarineed, dhisan oo la qorayo Jeegag oo wadooyinkii sidaa lagu samaynayo," ayuu yidhi. Wasiirku wuu sii waday, si uu uga raad-gedona, waxa uu soo dhexgeliyay arrimaha guud, qadiyadda iyo shaqsiyaad ajaanib ah oo uu xusay inay ictiraaf-raadinta Somaliland u dhaqdhaqaaqaan. Waxa uu sheegay in dadkaas uu ka mid yahay aqoonyahan Koonfur Afrika u dhashay oo lagu magacaabo Iqbal Jhazbay oo dhawaan soo bandhigay buug uu kaga hadlayo Somaliland. "Walaal, weliba markaad adareeskaaga na siiso buugaana waan kuu soo diri doonaa," ayuu yidhi Wasiirku. "Dadkaasi waa Malaa'igaha Illaahay inoo soo diray," ayuu raaciyay.
Waxa kale oo weftiga la waydiiyay awooda ay isticmaalayaan wasiirada Xukuumadda ka tirsan ee diiday yeedhmada golaha la soo doortay ee Wakiillada iyo talaabada sharci ee goluhu markaa ka dib qaadi karo.
Mar kale, waxa jawaabta su'aashaa codbaahiyaha u shitay Wasiir Cabdillaahi Maxamed Ducaale, wuxuuna si guud-mar ah uga sheekeeyay awoodaha Distoorku u kala xadiday goleyaasha qaranka. "Haa, waa runtaa oo anagu haddaanu Wasiiro nahay nalama soo dooran ee Madaxweynahaa awoodihiisa Distooriga ah nagu magacaaba," ayuu yidhi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in su'aashaasi la xidhiidho diidmo Wasiirka Xanaanada Xooluhu dhegaha kaga furaystay ilaa todobada yeedhmo oo uga tegay golaha Wakiillada, taas bedelkeedana waxa uu ku faanay inuu isagu guddi-hoosaadyada Baarlamaanka mararka qaarkood u tago, marka uu doonana u yeedho oo ay guddigu la kulmaan, si ay isu waydaarsadaan talooyin iyo xog ku saabsan hawsha Khaarajiga ee uu hayo.
Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxa uu sheegay in aanu xog ka haynin sababta iyo hawsha Wasiirka Xanaanada Xooluhu kaga galgashay yeedhmooyinkaa badan ee golaha, isla markaana uu la xidhiidhay socdaal uu dibadda ugu baxay oo uu maalmihii muranka dalabkaasi taagnaa uu Hargeysa kaga baxay. "Inkastoo socdaalkii noo dhamaaday, haddana su'aashaasi khilaaf bay na dhex dhigaysaa," sidaana waxa ku kaftamay guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah weftigaas, isla markaana jawaabta uga dambeeyay Wasiirka.
Waxa uu si kooban uga waramay geedi-socodka dalabkaa uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha Idiris Ibraahim Cabdi diiday ee golaha iyo awooda Distoorka iyo shuruucdu siiyeen golaha Wakiillada iyo guddi-hoosaadyadiisa. Waxa uu sheegay in Wasiirku jebiyay qodob ka mid ah Distoorka, kana mid ah kuwa tilmaamay awooda golaha. "Qodobkaas baa lagu qaadi doonaa, Maxkamad baana loo gudbin doonaa hadduu iman waayo," ayuu raaciyay.
Laakiin, markii Baashe hadalka ka baxay, waxa markale ku soo noqday Cabdullaahi Maxamed Ducaale, wuxuuna ka daba tuuray; "Taasina dawladba uma baahnoo, Wasiirkiiba wuu maqan yahay…"
Su'aashaas jawaabteedu waxay gashay wareeg, waxaana erayo kale ku kaabay Wasiirka Qorshaynta iyo xidhiidhka hay'addaha Caalamiga ah ee Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) oo ka mid ah weftigaas. "Waa su'aal wanaagsan, laakiin waxa keliya ee aan intaa ku darayaa (jawaabta), waxaan u malaynaa waa 25 Wasaaradood, markaa haddii arrintaasi dhacday intayada kalena waa loo yeedhaaye bal meesha ku dara oo khaladku inuu yahay mid caam ah yaan meesha lagala tegin," ayuu yidhi Cali Sanyare oo muujiyay in aanay Wasiiradu diidmada noocaas ah, isla markaana heshiis ku ahayn Xukuumaddu.
Su'aalaha kale ee weftiga la waydiiyay waxa ka mid ahaa, mid la xidhiidha sida dhalinyarada Somaliland looga horjoogsan karo inay arrimo dhaqaale ugu biiraan Budhcad-badeeda iyo kooxaha qaska ka wada Soomaaliya ee jaahwareeriya dhalinyarada.
Jawaabta su'aashaa waxa codbaahiyaha u qaatay Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim Maxamed, wuxuuna ka waramay duruufta dalka, saamaynta Budhcad-badeeda iyo kooxaha dagaalka ka wada Soomaaliya ee isku daya inay arrimo dhaqaale ku jiitaan da'yarta.
Waxa uu sheegay in iyadoo arrimahaasi jiraan, haddana aanay saamayn taban ku yeelan Somaliland, isla markaana si wanaagsan u socdaan wacyigelin la xidhiidha sidii looga hortegi lahaa arrimahaas. "Budhcad-badeedu weli umay soo talaabin dhinaceena (in dhalinyaradu ku biiraan), laakiin way caddahay inaan sidaa lagu hayn karin haddii ay sii badato Budhcad-badeedu, inagana ina saamayn karto," ayuu yidhi Wasiirku. Waxa uu sheegay inay haatan wadaan istaraatijiyad dhalinyarada degaamada Xeebaha iyo dhulka u jilicsan in kooxaha qas wadayaashu ka soo gudbaan loogu abuurayo mashaariic da'yar lagaga jeediyo inay ku lug yeeshaan arrimahaas, barnaamijyo horumarineedna loogu sameeyo.
Xigasho: Wargeyska Ogaal
No comments:
Post a Comment