19 April, 2010

Masuul ka Tirsanaa UDUB oo Sheegay inuu Xisbiga iska Casilay

Masuul ka Tirsanaa UDUB oo Sheegay inuu Xisbiga iska Casilay

Burco (Jam)- Mustafe Maxamuud Cali oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga UDUB, ayaa sheegay inuu iska casilay xubninadii xisbigaas oo uu sheegay inuu qarka u saran yahay burbur siyaasadeed, isla markaana u xuubsiibtay xulafaysi kooxeed dhexdiisa ku hirdamaya.

Masuulkani waxa uu sheegay in xisbiga UDUB uu talada ka qaato cidda aan nasteex u ahayn, isaga oo xusay in uu qoraalo badan u gudbiyay, balse aannu ka helin jawaab waafiya, sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay ku dhawaaqi doonaan urur cusub oo siyaasadeed oo uu magaciisa ku sheegay ururka rajo soo celinta Geeska Afika URAGES.

Haddaba, qoraalkan oo uu xafiiska Burco ee Jamhuuriya soo gaadhsiiyay Mustafe Maxamuud Cali oo ka tirsana golaha dhexe ee xisbiga UDUB, waxa uu u dhigna sidan:

"Anigoo ah Mustafe Maxamuud Cali kana mid ahaa Golaha Dhexe ee UDUB, waan ka baxay, iskana casilay golaha dhexe ee xisbiga UDUB, kadib markii uu burbur siyaasadeed ku dhacay, isla markaana u kala burburay unugyo iyo kooxo sida UDUB-ASAD, ILAYS-UDUB, KULMIYE-UDUB, Isbeddeldoon UDUB, wasiirro UDUB iyo garabo kale, taasoo dhalisay rajo la'aanta Xisbiga gudo iyo dibadba, kadib markii aan qoraallo badan u gudbiyay Guddoomiyaha, waxa iga muuqatay in cida jarka ka tuuraysaa uun uu maqlo, cidda u nasteexa ahna aanu jecelaysan. Arrintaasina keentay in aanu muddo dheer dhawro, balse ka sii darto, dhalisayna in aanu ka baxno aisbiga waxaanuna ku dhawaaqi doonaa urur cusub oo la yidhaa Ururka Rajo soo Celinta Geeska Soomaliland URAGES," ayuu yidhi Mr. Mustafe Maxamuud.



Jamhuuriya Online

No comments: