23 April, 2010

MAAREEYAHA DEKEDU MIYUU MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOO DHAWEYNAYAA MISE WUU ISASII KABARAACINAYAA

MAAREEYAHA DEKEDU MIYUU MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOO DHAWEYNAYAA MISE WUU ISASII KABARAACINAYAA 

Qof kasta oo reer Somaliland wuxuu ka dheregsan yahay in madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland mudane axmed yuusuf yaasiin uu haleelay xanuun aad u adag kaasoo ay illaahay uga baryeen inuu ka kiciyo lagana aqbalay ducadoodii, marka laga reebo koox yar oo ka tirsan xisbiga talada haya ee udub oo iyaga damac ka hayey kursigiisa uu ku fadhiyo lana dareemayey kooxaysigooda iyo nuxnuxdooda ah wuu dhimanaya siday iyagu noolaanayaan. kooxdan oo la og yahay ragii gadhwadeenka u ahaa oo weliba u badan raga xilalka sare ka haya dawlada iyo xisbiga talada haya ee udub taasoo ay cadaynayso sidii dayaca iyo darxumada lahayd ee cisbitaalka cidlada ah loo dhigay madaxweyne ku xigeenkii dalka isagoo koomo  ku jira ee aanu u haysan cid wehel u ah  marka laga reebo nin ka tirsan qurba jooga  sland kaasoo ay isku qoys yihiin lana yidhaahdo ina wadaad yare  oo isagu  isu xilqaamay ka war hayntiisa 

 

Anigoo aan ahayn dadka wax qora hadana waxaa igu kelifay maqaalkan markaan arkay qoraal ka soo baxay xafiiska maareeyaha dekeda berbera kaasoo uu ugu caga juglaynayo shaqaalaha dekeda iyo dadka ganacsada ah ee macaamilka dekeda la leh kuna amrayo inay si qasab ah u soo dhaweeyaan madaxweyne ku xigeenka oo la filayo inuu berito oo jimce ah ka soo dego madaarka berbera dadka qoraalkaasi ku socdo iyo in kale oo badaniba waxay si xor ah ugu diyaar yihiin inay soo dhaweeyaan madaxweyne ku xigeenka bukaanka ka soo kacay, wuxuse qoraalkani muujinayaa dad si jujuub ah loo keenay madaarka inay yihiin taasina ay wax u dhimayso kalsoonidii shacabka iyo madaxweyne ku xigeenka  Sabatajna ay ku tahay isaga laftiisa  la soo dhaweynayo waxaana aanu u aragnaa inuu qoraalkani yahay mid carqalad ku ah soo dhaweynta madaxweyne ku xigeenka tan kale ee ka sii darani waxay tahay hadii kala danbaynta iyo ixtiraamka maamul lumo waxa dhaca is dhexyaac la kala garan waayo waajibaadkii dawliga ahaa & xilalkii maamul sida hada uu ku dhaqmayo maareeyaha dekedu kaasoo haya shaqadii badhasaabka iyo mayorka iyo tii maxkabada iyo tii booliiska mararka qaarna iskaba dhigaya masuulkii dalka ugu sareeyey waa arin uu ka qajilo qof kasta oo wax kala garanaya ama maruun maamul dawladeed soo maray waxaase muuqata inuu aad ugu qanacsan yahay nidaam luminta iyo xukun boobka waxayna ka dhigan tahay arintiisii mid cidina la talinweyday qof welibana halkiisa ku anfariirsan yahay

 

Waxaana xaqiiqo ah in kooxda sidan u fekerta ee uu hormoodka ka yahay maareeyaha dekedu ay yihiin kuwa kala dilay maamulka sare ee xukuumada iyo shacabka waana kuwo isaga dhiga inay wax u tarayaan waxaana aan ku talinayaa  in madaxda sare ee xukuumadu  ku taamilo qaadato qoraalkan aan halkan ku soo lifaaqay lagana xoroobo kooxdan aan cidnaba u roonayn

 

Maxamed cali ibraahim (jaangoan)

Berbera

No comments: