20 April, 2010

Guddida Fulinta UDUB ee Degmada Wajaale oo Cambaareeyey Hadal ka soo Yeedhay Guddoomiyahooga

Guddida Fulinta UDUB ee Degmada Wajaale oo Cambaareeyey Hadal ka soo Yeedhay Guddoomiyahooga

Tog-wajale (Jam)- Guddida fulinta xisbiga UDUB ee Degmada Tog-Wajaale, ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedayn uu Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee Tog-Wajaale Cabdi Siciid Cumar u soo jeediyey qaar ka mid ah odayaasha ugu miisaaan culus Degmada Tog-Wajaale.

Xubnaha guddida fulinta UDUB ee degmada Wajaale, waxay sidaa sheegeen qoraal ay shalay soo gaadhsiiyeen Jamhuuriya, kaasi oo u qornaa sidan;"Anaga oo ah dhammaan xubnihii kale ee xisbiga UDUB waxaanu la yaabanahay sida uu Guddoomiyaha xisbiga UDUB Cabdi Siciid Cumar uu ugu gafay ummadii xisbiga taageersanayd ee ilaa maalintii la aasaasay xisbiga UDUB ilaa maanta oo uu tallada hayo xisbigan ka mid ahaa in uu ku tilmaamo dad ku fushanaya dano gaara magaca xisbiga UDUB.

Anagoo ka xun hadalkaa ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee degmada Wajaale waxaanu ka raali galinaynaa dhamaan bulshada Wajaale iyo taageerayaasha kale ee dalka jooga iyo kuwa daafaha aduunka kala jooga waxaanan leenahay hadalkaa si maaha mid ka soo baxay xafiiska ee waa mid ugaara oo uu ugu adeegayey maayarka degmada Wajaale.

Hadaba waxaa wax lala yaabo ah oo aanu qaadan waynay iyadoo Guddomiyaha xisbiga UDUB ee degmadu uu la daadagay geedi socodkii iyo hawlihii xisbigaba iyadoo aynu wada ogsoonahay inaynu gudo galnay waqtigii olalaha loona baahnaa in aanu kasbano bulshada, wuxuu bilaabay inuu sii kala eryo taageerayaasha xisbiga, taasina maanta waa dhaawac uu u gaystay xaafiiskayaga, taas oo aanu garan la'anahay cida ka dambaysa ee ay isaga iyo maayarka magaaladuba u adeegayaan.

Hadaba hadii aanu nahay xubnihii kale ee xisbiga UDUB wakiilka uga ahaa tog-Wajaale, waxanu cadaynaynaa in aanay bulshadu raali ka ahayn maayarka magaalada jooga, waxanan leenahay xaqbay u leeyihiin inay ummadu caddayso cida aan masayrkeeda ahayn.

Waxa qoraalkan soo saaray;

Xoghayaha Xisbiga Xasan Ibraahim Warsame "Xasan Dhiif", Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Maxamed Cabdillaahi Aw Yuusuf "Awkoombe", Madaxa abaabulka Foosi Aadan Ciise."



Jamhuuriya Online

No comments: