04 April, 2010

Guddida Cusbatalka Hargeysa ee la kala diray oo gaashaanka ku dhuftay Amar M/weyne Rayaale u diray

Guddida Cusbatalka Hargeysa ee la kala diray oo gaashaanka ku dhuftay Amar M/weyne Rayaale u diray

Guddiga oo todoba xubnood ka kooban oo shalay kulan ku yeeshay xafiiskooda Hargeysa, waxay sheegeen inay u yeedheen Hanti-dhawraha guud ee dawladda, si uu faahfaahin uga siiyo waxa Madaxweynuhu faray ee uu doonayo inuu kala wareego.

Guddoomiyaha guddiga maamulka Caafimaadka Cusbatalka guud ee Hargeysa Maxamed Xuseen Caabi oo kulankaas hadal ka jeediyay, waxa uu sheegay in Hanti-dhawruhu ka baaqday kulankaa ay ugu yeedheen. "Waxaanu doonaynay in waxa la yidhi la soo wareega ay guddiga oo isku dhami dhegaystaan oo ay maqlaan. Laakiin, nasiib-daro 9:00 subaxnimo ayaanu balansanay, ciddina noomagay iman Hanti-dhawrka guud," ayuu yidhi Mr. Caabi. "Guddigu waxay wax ku wareejin karaan guddi la mid ah oo dadweynuhu soo doorto," ayuu raaciyay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanay jirin hanti maaliyadeed oo dawladdu gacanta ka gelisay guddi ahaan, talaabadan Madaxweynuhuna tahay mid la yaab ah oo ay guddiga iyo dadweynuhu is waydiinayaan. "Guddiga iyo dadweynuhu waxay is waydiinayaan hantida Hanti-dhawraha la yidhi la wareeg, wax hanti ah oo ay dawladdu noo dhiibtay ma jirto," ayuu yidhi.

Guddoomiye kuxgeenka guddigaas Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo isna hadal kooban ka jeediyay kulankaas, waxa uu ka waramay waxyaabihii guddigaasi qabtay muddo todoba sannadood ah oo ay xilka hayeen.
Axmed Muxumed Madar oo isna xubin ka ah guddiga oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in la siyaasadeeyo danaha bulshada oo ay hawsha guddigu hayayna ka mid tahay. "Waxa la isku haya maaha siyaasad, balse waa dan bulsho," ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo 23, March 2010 qoraal uu shaqada kaga fadhiisiyay u diray guddiga, waxa uu faray inay Hanti-dhawraha guud ku wareejiyaan hantida lacageed ee ay hayaan. "Waxaan go'aansaday inaan idinka fadhiisiyo xilka aad ka haysaan Cusbitaalka Hargeysa. Wixii hanti xisaabeed ah ee aad haysaan, waxaad ku wareejisaan Hanti-dhawrka guud ee qaranka, kaasoo ku wareejin doona guddiga cusub ee Cusbitaalka loo magacaabi doono," ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalkiisaa.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments: