"Dhalinyaradii iyo Haweenkii Somaliland Waa Wax Ma Garato Khiyaaliga Rumaysta" Wasiir Siciid Sulub
"Dhalinyaradii iyo Haweenkii Somaliland Waa Wax Ma Garato Khiyaaliga Rumaysta" Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub
"Anagu waxa aanu wax u qabanaynaa inta aan gaadhin madaxtooyada" Ahmed Silanyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigaas
Markasta oo uu sii dhacayo dawladi ama Xukun maamuleed, waxaa astaant koowaad u ah, oo markaa lagu gartaa waa masuuliyiinta iyo shacabka ay markaa maamulayaan oo kala xidhiidh furma.
Taasina waxa ay markaa keentaa in Siyaasiyiinta markaa wax maamulaysaa noqdaan kuwo ku nool dhalanteed, isla markaana afmiishaariin iyo koofiyad bacle isku xeeran. Kuwaas oo inta badan dhagaha ugu rida warka ay doonayaan in maqlaan. Waxaa arintaa tusaale kaaga filan hab dhaqanka siyaasadeed ee Riyaale iyo xukumadiisu maanta wax u maamulayso, adiga oo ka milicsan kara dadka ku hareeraysan ee ay wax ka dhegaysato. Kuwaas oo badiba ku kooban Madax Dhaqameed iyo Caaqil ay biiliso, Afmiishaar calooshiise u shaqeesta ah oo iisu dhiga mid u haya codka reerka uu ka tirsan yahay. Maantana waxa aynu arkaynaa in Xukumadii Riyaale ay iskaba ilowday in ay shacabkii doortay markaa wax u qabato ama wax waydiiso. Waxay Xukumadu ku guul dareesatay in ay dhalinyaradii suuqa yaacaysa u sameeso xirfado amo helaan iskuulo ay aqoon cilmiyeed ka korodh sadaan. Waxaa dayacday dhakhtaradii, waxaana kaaga filan talaabadii dhawaan xukumadi ku kala dirtay gudidii maamulaysay Dhakhtarka Hargeisa, isla markaana ku eridya 13 dhakhtar.
Dhanka kale hadii aan wax yar ka idhaah qaabka Xisbiyada Mucaaridku iyagu u shaqeeyaan, ayaa waxad odhan kartaa waa qaab iyagu ka duwan ka xumadu isticmaasho. Maadaama Mucaaridku rabaan in ay iyagu hantiyaan kalsoonidii shacabka, isla markaana helaan quwad oo xoogleh, oo ay markaa isaga caabiyaan cadaadiska faraha badan ee Xukumada iyo Odayaasha koofiyad baclayaasha ee ay dawlada Riyaale markaa soo adeegsato. Waxaana taasi markaa dhalisaa in halkaa Mucaaridku ka helo taageero faro badan oo markaa ay ka kasbadaan shacabka. Arintaa waxaa kaaga filan soo dhaweentii loo sameeyay labada gudoomiye mucaarid ee UCID iyo KULMIYE. Kuwaas oo aan loo sameen hogaamiye madaxeed oo isagu ku jira dawlada iyo UDUB.
Ahmed Silanyo ayaa mar uu usoo baxay qurbaha la waydiiyay waxa Xisbigoodu kaga duwan yahay Xisbiga talada haya ee UDUB. Ahmed Silanyo isaga oo su'aashaa ka jawaabaya, ayaa waxa uu yidhi "Anagu waxa aanu wax u qabanaynaa inta aan gaadhin madaxtooyada". Isaga oo hadalkiisa, sii faah faahinaya ayuu waxa uu yidhi wa ayo kuwa aan gaadhin madaxtooyada oo ah "Dhalinyarada, Dumarka, Dadka masaakiinta ee danyarta".
Waxaa muuqataa in xukumadii dalkii maamulaysay, ee dalka iyo dadka u madax ahayd, ay maanta si cad ula colowdo dhalinyaradii iyo dumarkii Somaliland, ee dalkani ku tiirsanaa. Kuwaas oo iminka tilmaameen wax ma garato iyagu aan lahayd garaad iyo aqoon ay ku tashadaan. Una baahan in ay markasta ku xidhnaadaan salaaldiin iyo madax dhaqameed. Markaa iyagu talada u gooya, maadaama iyagu garaad ay ku tashadaan lahay.
Hadalkaasi maaha mid aan anagu samaysanay. Ee waa hadal uu yidhi masuul isagu Wasiir ah xukumada Riyaale. Wasiirka Hawlaha Guud Ee S/land ayaa mar uu la hadlayay dad shaqaale ah, oo xukumadu isu keentay si uga dhigto taageerayaal ku soo biiray waxa uu yidhi
"Caruurta iyo dumarka waxa ay yidhaah daan mar kasta ayaa codadka laga helayaa ee aanu kuwaas ayaanu xadaynaa, waar bal ha la ilaaliyo dhaqankeenii, dumarka iyo caruurtana ha la jiro. Dhaqanku waa inta aynu dheer nahay qayrkeen, haddii aanu odaygu wax tilmaamin oo nin taariikh hayaa wax sheegin, la guulaysan mayo".
Ninka taariikhda haya, ee uu Wasiirku sheegayaa ma odaygii markii Afweyne iyo Faqashta u ahaa jaajuuska, kolkii dhalinyaradu kacdoonka ka samaynaysay Hargeisa iyo Burco, ayuu leeyahay maanta hala maqlo, oo talo waydiiya. Midse kuwii ku sheegi jiray SNM waa inamo aan cidna haysan, oo cidla iska gudaya.
Wuxuu wasiirka ilaaway in kacdoon kasta oo dalka ka dhacaa oo lagu badalayo dawlad khaatumo seegtay yahay mid dhalinyaradu iyo hooyooinku ka yihiin hormood. Kuwa iyagu dalka ka daacada ah, ee aan laaluushak iyo musuqmaasaqa qaadanina yihiin dhalinyarada iyo haweenka. Maantana hormood ka yihiin kacdoonaa lagu tuurayo heeryadii UDUB iyo Riyaale, ee 7 sanadood dalka ku habsatay.
Ismail Aadan
No comments:
Post a Comment