27 April, 2010

Dakhligii qaranka oo aynu ognahay in Badh Maqanyahay, Sidee miisaaniyad loo keeni karaa Golaha? Ma been baa la sharciyeynayaa?!!


 

Maamulkan kooxda qawleysatada ahi hoggaamineyso ee UDUB, wax laga dhegeysanayo maaha in aan shuruuci Dalka ka jirin!! Xajkii inna dhaafey lacagtii Maxjarka lagaga qaadey neefkiiba $7.5 in aanay weli gaadhin khasnaddii qaranku waa jariimad Madaxtooyadu ka dambeyso. Xeer ilaalinta qaranka, Goleyaasha Sharci Dejinta intuba waxa ay hoos ugu foororsadeen ee jariimaddan qaranka laga galey ay u marin waayeen shuruucda sida uu dhigayo Dastuurku waa mid Subxaanallah!!

 

Haantu gunta ayey ka tolantaa, Qaranna waxa laga dhisaa waxa ay Bulshadiisu ku soo xereyso ee dhaqaale cashhuureed ah ee marna samada lacagi kama soo daadan jirin. Haddii Hanti-dhawtr lagu ledo aanu Dalku lahayn, Golaha Wasaradu aanu kooda ku daqaqama hantida Ummadda ka qaban Karin, Hoggaamiyaihii Dalku sheikha ay ka firidhoba noqdey,maxay UDUB inoo sheegeysaa?!! Ee aan ka sugnaa.

 

Madax iyo Aoonyahanba reer Somaliland waxaan leeyahay, Ninka Xuni wuu xun yahay haddaad ka xishootaan, waxa aad gacanta u gelineyso in uu xumeeyo waxa ugu horreeya ubadkaaga oo uu sida wax loo lunsado, beenta run looga dhigo barayaa. Musuqu ummado dhan ayuu baab'shaa, saradaanka ka xun. Miisaaniyad afarta bilood la soo Malluuqayey, ma laha xisaab-xidhklii 2009, lcagtii Burco lgama beddelin weli, macnaha ay shirguddoonka Golaha Baarlamaanku ugaba qabteen Wasiirka Maaliyadda Riwaayaddan Maaliyadda nalama qurux badna!!

 

Marka laga hadlayo Lacagta maxjarka. Korneylka Maaliyaddu in uu inna yidhaahdo , lacagtaas Dr. Idiri, wasiirka xannaanada xoolaha ayaa loo xilsaaray maaha wax ka soconaya, waayo dr. Idiris maaaha Wsiir ama shaqale Maaliyad qaran , waana protofolyada uu Cawil haysto ta ay khuseysaa. Midda kale waxa uu hormood ka ahaa wada hadalladii iyo heshiiskii Al jaabiri Dawladdu la gashey, sida uu isaga fogeynayo ayaa innagaga filan inay tobankuba madow yihiin!! Hantidii ma guuraanka ahayd ee qaranka, lana xaraashey , maaliyaddu weli may caddeyn halkey martey ama waxa ummadda loogu qabtey beddelkeeda!!

 

Wasiirow na xisaabi oo naga daa warwareegga!! Hay'adaha qaranka waxaan leenahay, bal suuradda aad leedihiin ee runta ah iyo amaanadii aad kitaabka gacanta u saarteen ka eega Miisaniyaddan xasuuqaha dhaqaalaha Dalku uu soo malluuqey!! Ee aydaan kuba talo jirin wax ka qabadkeeda!! Nin ku sirey wax kuu sheeg!! Mafiiqihii Ruushka lagaga raad-xaadhey in aynu UDUB iyo Abaarteedana iskaga Xaadhi ayey dantu noqoneysaa!!

 

Dr. Cali Cabdi Muxumed

 

 



No comments: