BARNAAMAJKA KULMIYE IYO ASTAANTA KULMIYE
CODKAAGA KU CIIL BAX Q 24
Ahmed Arwo
Inta aanan gudagelin dulucda maqaalka, aan waxa idhaahdo hab-dhaqan isa soo taraaya oo loo fahmay in been abuur iyo ceebeyni tahay xeelad siyaasadeed oo lagu adeegto. Waxa xaqiiq ah in beentu tahay aafo bulshada baabiisa, una horseeda dhaqan xumo ku dambeeya musuqmaasuq iyo cadaald darro. Ma cimri dheer, kolka la ogaadan waxay u keentay kii maciinsaday wajigabax iyo guul darro culus. Waxay dhalisaa in laga aamin baxo oo waa tii la yidhi beentaada hore, runtaada dambe ayey wax yeeshaa. Islaamkuna waxuu u arkaa dambi culus iyo masiib laga digtoonaado.
Waxa xaqiiq ah in siyaasaddu tahay xeelad iyo xerfad la barto oo leh mabaadii asaasi ah. Waxa kow ka ah hogaamin-wanaag, dabci wacan iyo akhlaaq suuban, waxa taashasab ka dhigta waxa ruuxa siyaasiga ahi rabaa inuu soo jeeto dadweyne ay tahay inuu tuso wax ay ku soo hirtaan iyo qanac ay aaminaan. Waxa loo baahdaa waa aftahnimo qancin karta dadka oo uu ku soo bandhigi karo damaciisa oo ka dhex muuqda danta guud ee dadweynah uu hogaankooda rabo. WAxa ka mid ah sifooyinka hogaaminta fiican: Dulqaadnimo, dabacsanaan, hawl-gudbin ( Delegation), Qorshe wacan, odoror, sahamin, xidhiidhiye, dhegaysi wacan, samir, tilmaam wanaag, aaaminaad, iyo ilaalinta wadajirka kooxdiisa, (Teamwork)
Siyaasiinta Afrika weliba kuwa aqoonta yar waxay si toos ah oon gabad lahayn been iyo balan soo noqnoqda ayey sheegaan, waayo xerfad siyaasadda ayaa marti ku ah. Ma suurtagasheen inay xukuumaddaasi dal horumaray ay xukunto maamul looga bartay been iyo balan la'aani. Ma laha barnaamaj iyo qorshe ay dadweynaha soo hordhigaan. Waxay ka werwareegaan wax kasta oo qoraal ah, xataa ma laha agende iyo go'aamo ka soo baxa shirarka kala gedisan ee ay qabtaan .
BARNAAMAJKA XISBIGA
Waxa adag si ay mucaaridku u helaan xog ay ku saleeyaan barnaamaj ay dadka ka iibiyaan ooy tusaan sida ay uga duwan yihiin kuwa hoggaanka haya. Dal aan lahayn xarun laga helo tirokoobyada (Statistics) maamul dawladeed u baahan yahay, sida tirada dambiyada sanadkii oo kala nooc ah, iyagoo gobalaysan, sidoo kale ardayda, waxbarashada khraska ku baxa gobol kasta iyo degmo kasta, caafimadka, dakhliga iyo khrashak hay'ad kasta. iwm.
Taasd oo jirta ayuu Kulmiye ku guulaystay inuu ummadda u soo bandhigo barnaajaj buuxa oo taabta hawl kasta oo dalku u baahan yahay, min caafimaad iyo difaaca, waxbarasho, beero, kalluumeysiga, kheyraadka kale, xoolaha, dhirta, warbahinta, kor-u-qadka garsoorka iyo dhammeystirka dastuurka iyo geedi socodka dimuquraadiyada.
Barnaamajka xisbigu waxuu ku salaysan yahy xooran iyo baadhis culus oo muddo dheer qaadatay, ayna ka qayb qaateen aqoonyahano ku xeel dheer qaybaha ay ka hawl galeen. Waxuu yahay murti laga soo uruuriyey rayiga taageerayaasha oo ka turjumeysa rabitaanka bulshoweynta. Waxaa saldhig u ah mabda' faca weyn ee wada-tashiga, waxaa aasaas u ah dastuurka qaranka, iyo dhaabayaasha dimuquraadiyada.
Waxuu yahay tilmaam wacan oo laga dheehan karo sida hoggaanka xisbigu diiradda u saaray kala-horumarinta waaxyaha hawl-qabadka xukuumadda. Waxa ku cad sida isha loogu hayo tacliinta, caafimaadka iyo arrimaha horumarinta dhaqaale iyo bulsho ee dadweynah. Intaas oo dhan waxa la soo qorsheeyey, iyadoon xog iyo xisabtan midna laga hayn xukuumadda, ay waajibkeeda ahayd inay bulshada ka dhergisu odoror miisaaniyadeed oo bileysan, gobalaysan, oo qaybaysan, iyo tirkoobyo lagu muujiyo waxqabadka waaxaha wasaaradaha iyo hay'adaha, si loo arko halka ay mudnaanta siisay, ayna u helaan mucaaridku barnaaaj ka duwan oo ay tusaan dadweynaha, kaas u suuragelinaaya inay ku kala doortaan shacbiga ka dheregsan wax-qabad la'aanta xukuumadda.
Waana mid waajib ka dhigaaya dul saran dal dimuquraadi ah, oo ku arooraaya mabda'a in awood kasta ay la socoto la-xisaabtan ( Authority and responsibility). Hab maamul-wanaaga waxaa udub-dhexaad u ah, daahfurnaan (Tranparency). Dalka taas laga waayaa waa dal u marti ah nidaam musuqmaasuq oo ragaadiya horumarka iyo dhismaha dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee dadweynaha. Waa furaha cadaalad darrada, kuna biyo shubta deganaansho la'aan iyo qalalaase joogta ah.
Anigoon gees garaacin, waxna ku talaalin aan idinku dhaafo barnamajka xisbiga ood ka heli karto kolkaad gujiso linkan:
Kulmiye maxuu kulmiyaa? Astaanta Kulmiye maxay u taagan yihiin?.
Xisbigu waa geed hadhac ah ooy hadhsadaan bulshoweynta Soomaliland ee gobal kasta iyo degmo kasta leh, waxuu kulmiyaa aqoonyahan nooc kasta leh, waxuu isu-keenaa da'yar iyo da'weyn, wiil iyo waalid, reer magaal iyo reer miyi, xoolo-dhaqato iyo beeraley, ganacsade iyo shaqaale.
Calaamadda xisbiga ee labada kacmood ee isa salaamayaa, waa qacan qaadkii beelaha Soomaliland ay ku aasaaseen qaranka Soomaliland 1991 ee Burco...labada gacmood waxay matalayaan Beelihii SNM iyo kuwii aan ahayn oo intay gacanta is-qabsadeen xididka u taagay Qaranka Soomaliland. Kulmiyaa astaan ka dhigtay, si uu u muujiyo midnimada bhulshoweynta Soomaliland.
Waa mabda' xisbiga Kulmiye in la helo xukuumad loo dhan yahay, isku-dheelitiran, xuquuqda muwaadinku ka dheertay eex iyo kala-sooc, dalm cadaaldu tahay midda hawl kasta lagu saleeyo, qaran dastuurka ku hawl-gala, sharci hago, xukuumaddu tahay shaqaalaha dadweynha kuna shaqaysa daah-furan iyo la-xisaabtan joogta ah.
Waa adigoo labada gacmood ee bulshoweynta Soomaliland isku-salaantay 1991 ka dhabeeya oo ku soo biira xisbiga mustaqbalka iyo xukuumadda horumarka iyo cadaaladda.
Guusha labada gacmood iyo labada midab ee matalaaya labada garab ee dadweynaha Soomaliland ee sida buuxda ugu midoobay 18 May 1991 iyo madashii Burco.
Aan dinku dhaafo Alle aamin, nabad iyo caano iyo nooli kolantee.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh.
Join SAMOTALIS on facebook
Ahmed Arwo
http:/samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment