27 April, 2010

Alla Ha U naxariistee Agaasimihii hore ee xarunta agoomaha oo maanta hargeysa ku geeriyoodey

Alla Ha U naxariistee Agaasimihii hore ee xarunta agoomaha oo maanta hargeysa ku geeriyoodey.

Alle ha U Naxariistee Marxuum   Maxamed Ismaaciil C/laahi Oo ahaan Jirey Agaasimihii Hore Ee Xarunta Agoomaha ayaa saaka ku Geeriyoodey Magaalada Hargeysa Marxuumkan oo in mudo ahba xanuusanayey, ayaa  ku geeriyoodey Cisbitaalka guud,

Aaska Marxuum Maxamed Ismaaciil Cabdilaahi Waxa ka Soo Qayb galay Mas'uuliyiin Isagu jirta Madaxda Asxaabta Oo Ay ugu Horeeyeen Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali Ciro Waxa kale oo aaska marxumka kasoo qaybgalay maxamed xaashi cilmi oo ah sarkaal ka tirsan xisbiga KULMIYE,

Marxuumaku waxa uu la wareegay xarunta agoomaha sanadkii 2001 isagoo wakhtigaasi ka yimi Dalka Sucuudi Arabia,Waxa uu Marxuumku ahaa Mid u heelan caruurta ku nool xarunta agoomaha, Xanuun kusoo boodey Awgii ayaa waxa marxuumka looqaadey Dalka Malaysia si loogu soo daaweeyo alla ha u naxariistee Marxuumku Markii waxba looga qaban waayey dalkaasi Malaysia wuxuu dib ugu soolaabtey dalkan Somaliland isaga oo ka sii darey sidii hore waxa marxuumka hadana loo qaadey dalka Sucuudiga,

Markii uu ka soo laabtey Dalka Sucuudiga Waxa uu Marxuumku Ku soo Laabtey Isaga Oo Sdii hore Dhaama Xarunata Agoomaha Intaas ka ayaa hadana waxa isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa marxuumku allena ka daaweeyey cudurkaas hre ayaa hadana waxa marxuumka si kadis ah ugu soo boodey xanuunka hargeabka kaasoo Sababay markii uu Laba Dhawr Casho Ku jirey Cisbtaalka uu ku dhex geeriyooday


INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJUCUUN

Cabdi Xuseen Ciis, Axmed Xuseen  Ciise iyo Dhamaan Hawalwadeenada iyo Shaqaalaha Waaheen Media Group waxay tacsi u dirayaan Marxuum Maxamed Ismaacil C/laahi  oo

ka mid ahaa Macalimiintii waawaynayd  ee Reer Somaliland ee Kontameedyadii ee Waxbarashada Dhamaystay  waxaanu ka mid ahaa qurba joogtii Somaliland ee hawlaha shaqo u tagay  dibadaha.

Waheen.com



No comments: