Maalintii Sabtidii (Shalay) waxa galbeedka Magaallada London ka dhacay kulan ay ilyartu isqabatay oo kulmiyey bulshaweynta Soomaalida ee degen dalka UK, oo isu jirey siyaasiyiin, abwaanno, suxufiyiin, salaadiin, ciyaaryahanno, ururada bulshada. Kulankan oo si heersare oo caalami ah loo soo agaasimay waxa uu ka dhacay Galbeedka London, ee xaafadda Hayes, waxaana isku soo dubariday oo soo qabanqaabiyey ururka HAYA Community ee uu Gudoomiyaha ka yahay Rashid Aden Dheere. Kaas oo markii ugu horreeyey daahfuray madal lagu qiimaynayo shakhsiyaadka iyo ururrada bulshada ee sida weyn uga qayb qaatay horumarinta bulshada Soomaalida UK iyo kuwa ku nool dalkii hooyo. Madashaas oo dadweyne badan kulmisay waxa ka soo qaybgalay xildhibaan ka tirsan Dowladdano Ingiriiska sida Hillindon Mayor, Hayes and Harlington MP, Saxaafadda kale gedisan, urur bulsheedyo iyo shakhsiyaad caan bulshada dhexdeeda ka ah oo ururka HAYA community u gartay qiimayntaas, guddoonsiiyeyna shahaado sharaf, kuwaas oo uu ka mid ahaa weriyaha caanka ah Cabdisalaan Hereri oo noqdey Joornalista sanadka, mulaxamaystaha abwaan Xudaydi, cayaaryahanka caanka ah ee Cabdisalaan Caddaay oo Manchester u ciyaara oo aabbihiis Ibrahim Caddaay u guddoomay, cayaaryahannada kubadda koleyga Xaawo-Taako, Ururka African Development Trast (ADT), Ururka TAF (Togdheer Abroad Fundation), Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil, Wargeyska caanka ah ee Kasmo, TV-ga caalamiga ah ee Universal iyo shirkadda caymiska ee Claim, Ardey ugu derjada fiican oo dhigata schoolka Barnhil Waxa dadkii madasha ka hadlay ka mid ahaa, kooxda "Silen Cry" oo ah niman dhalinyaro ah oo filim qiimo leh sameeyey (Oohintii Qarsoonayd), Suldaan Maxamuud X. Xuseen, Abwaan Xudaydi, Abwaannada caanka ah ee Caasha-Luul Maxamed Yuusuf, Maayarka Xaafadda Hayes, Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo xaafadda Hayes laga soo doortay, ninka la yidhaaho Hamish Wilson oo degmo disey iyo laba wasiir oo xukuumadda Somaliland ka socday iyo shakhsiyaad badan oo ka mid ahaa kuwa shahaadada la siiyey oo u mahadceliyey ururka HAYA oo xafladda soo agaasimay, kuna muujiyey shucuurtooda si heer sare ah, iyagoo mahadcelinta ku ladhay sida ay ugu faraxsan yihiin qiimaynta intaas le'eg ee bulshadoodu ku samaysay. Dadkii shahaadooyinka bixinayey oo iyaga marti iyo maamuus ahaan dartood loogu gartay inay shahaadooyinka ururka u guddoonsiiyaan ururada iyo shakhsiyaadka loo gartay waxa ka mid ahaa Axmed Daahir Cabdi (Axmed-Sheel), Cabdirashiid Baaxeer, Xasan Macalin Maxamuud, Xildhibaanka Baarlamaanka Ingiiriska iyo Maayarrada degmada Hayes. Ugu dambayntii, kulanku wuxuu ku dhammaaday heersare ah oo farxadi ku dheehan tahay, wuxuu mid si qurux badan loo soo agaasimay, bulshoweynta Soomaalida ah ee ilaa heer gobol ahina ka soo qayb galeen, kaas oo u daahfuraha bulshada Soomaalida UK ku dhaqan inay isqiimayso, iskuna booriso wixii wanaag iyo horumar ah, isna reebto wixii dibudhac iyo magacxumo u soo jiidaya. Ururka HAYA waxa uu aad ugu mahad naqay, qaabanqaabiyaysha Cabaas Yussuf, Moote Bootan, Sucaad Nuur, Farxan Xidig, Rooda Ahmed, Ifrah Ahmed, Hamdi Jama, Mohamed Jama, Asad Odawa. |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
12 March, 2010
Somali Achievements Awards 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment