Saaxadda waxa taagan nin rag ahi waa ogyahay , nacasna weynaga fasax,waayo ha gergarin hana gergaarsan ayaa looxa inooga taalla, Mujarribiintuna wax la sahashado Maaha. Shekh Shariifka Muqdisho qalbigiisa waxa ku legdamaya iqwaa' iyo Ictidaal, inaga oo Alle uga baryeyna in uu Addimada ugu qotomiyo Ictidaalka, haddana waa in aan ka lahaano talo, haddii uu ta kale qaato oo dhabbadii islaweynida uu Maro!! Waxaan il-qoodha ka arkaa, wadaadku in uu shaadhka ay Ciidammada Dawliga ahi u xidhayaan uu damac sad bursi ah u horseedayo oo uu ka hadlayo in Ciidammada amisom loo sii qorsheeyo , sidii loo hoos-geyn lahaa Golaha Ammaanka ee qaramada midoobey, yahnii loogu adeejin lahaa Art.& of UN Charter. Wasiir Cabdillaahi yari iyo Aw Riyaale midna sooma hadal qaadin weli. Waxaba ka cajaa'ibsan Saddexda qodob ee uu Maamulka Somaliland uga dhigey shuruud iskaashi ay mareykanka kala yeeshaan, xallinta Colaadaha Somalia ka taagan, Kuwaas oo kala ah :1. in Aqoonsi Buuxa marka hore la siiyo, 2. In jananka Cali Samater loo soo gacan geliyo Somaliland. 3. In kaalmo Maaliyadeed la siiyo!! Saddexda qodob oo sida aynu aragno aan ahayn qaar Dalkan loogu daneynayo ee qaar lagu daneysanayo magaca qaranka ah. Waa mare, Somaliland iyo Mareykanku wey isu-baahanyihiin, kuse kala badan baahidu. Nin98% isagu u baahan taageerada dhan walba ah ee Dawladda koowaad ee Adduunka , shuruud ma yeelan karo uu ku xidho, Dawlad uu 98% u baahan yahay!! Marka labaadna, Janaka Calisamatar, ee ay Maxkamadda Dawliga ahi kaga soctey Dalka mareykanka , Kiiskiisa haddii ay ku guuleystaan dadka Dacwadda ku oogey, waxa uu noqonayaa kiis Dawli ah oo Mujrim Dagaal lagu helay, waxana suuragal noqoneysa in Mujrimiin Dagaal oo kale la raadsho , Ciqaabteeda oo dawli ahna wey mudanayaan!! Haddiise Somaliland loo soo gacan geliyo, Dad cadheysan ayaa iska xukuntey ayaa la odhan doonaa, waanu ku bakhtiyayaa halkaas oo hore looga gudbi maayo arrintan oo dan u noqoneysa rag badan oo lugaha kula jirey Xasuuqii imikana ku negi Dalkan. Ta Saddexaad ee Caawimada Maaliyadeed, waxaynu wada ognahay in iyada oo March lagu jiro 2010ka, Miisaaniyaddii Dalka aan weli la horgeyn Baarlamaanka, intaasna wax malluuqis lagula maqan yahay, Dakhligii Maxjarka berbera ka soo xeroodey, Ganacsatadii xoolahan laga qabay, khasnaddii Dawladdana ma gaadhin weli. Sidanu waa Xaabo u doonis naar afuufyada ee Shicibka iyo Dalka midkoodna dani uguma jirto xoolo magaca shicibka lagu bixiyo, xabbad aspirin ahina ka gaadheyn, Dabargoynta Musuqa ayaa ka horreysa waxa kalmada iyo Maalgashiga la yidhaahdo si aanay u marin qasabadaha madow ee aan was laaa dhex arkin ee ay hadda ku shubmaan!! Mujrimiintii faraha kula jirey dhigga qarsoodiga lagu Daadshey ee Ummadanu, we jeclaan lahaayeen in Kiiska ina Cali smatar loo soo gcan geliyo Somalilad, si uu halkaa ugu Bakhtiyo oo aan hore looga socon oo aan kuwii la midka ahaa ama la ficilka ahaa aan looga daba-tegin,waase la soo jeedaa , lana wada arkayaa, qaddiyaddanuna maaha mid Maamulka oo keliya khuseysa ee Ummadda reer Somaliland jariimado laga galey, ninka Buste huwiya iyo ka difaaca, sida gabadhan afkeeda kula midka noqotey Cali samatar ee Meel Somaliland ah oo aan sida haadka adagta looga dhufaneyni jirin. Calisamatar nin u hadley , waa nin Dagaal Badheedh ah ula soo qasdiyey Somaliland ee Dusheed ha yeesho hadhow!! Ummad yahay , Madaxweynihii Dalku wuu ka dhakooley Doorashadii Dastooriga ahayd ee uu maalintii xukunka loo dhiibey sii ogaa waqtiga ay noqoneyso in la qabto, Muu qaban kari waayi ee every bodybody ayaa ka hawlgeli odoroskeeda ayuu isku qanciyey, Everybody oo Guurtida ahaydna, somebody oo Baarlamaanka ah ayaa odoroskeeda geli ayey isku qanciyeen, Somebody oo Baarlamaankii ahina , anybody oo wadajirka goleyaasha ah ayuu isku qanciyey inay qabanayaan , Cidise may qaban hawshii lagu soo gabagebeyn lahaa Geeddi-socodka Siyaasadeed ee Somaliland , welina weynagan maantana server iyo Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka ee intaasba hadlaya haddana aan wax la garwaaqsado laga fahmeyn hadalkiisa, ku asqeysan!! Ummaddan Xuduudeheedu Furan yihiin, Dhawka lacageed ee kala kaanka ahi ka socoto Dalkeeda, Ciidammadeedu Darajeyneyn, xataa calaamado sheeegaya iney Ciidammo Somaliland yihiin aan Sidan, Yaqiin hortaalla ayey Male u booddaaye, Wadaadkan isla kuusaya Art.7 Un Charter ha lagu hawlgeliyo Ciidammada Amisom, ma afartan dhar-dhaar ee Everybody, Somebody, anybody iyo nobody ayaad ku sii deyneysaan ka talinteeda?!! Waxaan ku soo dhaweynayaa saaxadda Siyaasadda , Balqiista- Somaliland , Marwo Xaawo Siciid oo la sheegey inay toddobaadkan , xaqeeda Muwaadinnimo ee aaya-ka talinta Dalka loogu Hawllan yahay ay ka soo qaybgasho, Xisbiga ay ku biireysona caddeyn doonta. Aqoon yahanad weliba qawmiyad leh oo aad loo ixtiraamo, sida hagar la'aanta ah ee ay ugu soo adegtey Dalka iyo Dadkaba Faadumo, Waxaan hubaa inay wax wanaagsan ku soo kordhin doonto aqoon ahaan , hawlgallada laga ga horjoogo dhurwaayada midabbada badan , waxa inooga soo hadhey Halgankii iyo Xasuuqyadii ee Dad, Duunyo, Dal iyo khayraadba leh. Maanta oo kale , Aqoon ayaa lagaga baxaaye, adna hey talin, yaanan kuu talin yeynaan kala tegin ee aan dacalka uun is-haysanno , Waa ta Soomaliya ka socota ee casharkamn kuwa cabsani, halkan uga shaqeyn maayee, ha ku noqdaan meelihii ay kala soo kicitimeen, Dhar wadaad ha sito ama dhuuni ku doon ha ahaadee!! Dadweynaha waxa looga fadhiyaa in aany ka caban hadhow, cidda ay talada u dhiibtaan, illeyn gacantooda ayey ku keenayaane. Aqoon yahankana waxa waajib ka saaran yahay iney shicibka ku hagaan hoggaamiyaha dalka ka samata-saaraya Alle Idankii, Saymahan hadoodilan!! Dr. Cali Cabdi Muxumed |
No comments:
Post a Comment