12 March, 2010

Mujaahidka Saqiirey, waynu fahmeynaa, isaga & Cali Asadba waxa Af-xumada ka keenay!! UDUBey kaama dhawa weli!!


Mujaahid Magac leh oo madax ahaa , mar qudhana geeddi qalloocan un guurey madal laga hayaamey oo goreygu ka hadaafey, waa mid aanu garan karno waxa ka hadliyey in uu Yahay " Political suicide" . Ali Asad , Cismaan Hindi iyo Mohamed Aarba , Mujaahid wey kugula fadhiyaan Masallaha ee kadaa saska!! Inan rag ilaa habiil iyo qaabiil, kor inuu u socdo oo uu damaciisa u hoggaansamo, markase , wax kasta oo bilowdey meel uu ku dhammaado ayuu leeyahaye , halkii tareenka lagaga degi lahaa la gaadho, waxa ku adkaada in uun hoos u dego, walag!!
Mujaahid Cali Gurey, aniga oo qaddarinaya, Muraaro Dillaaca uu kala kulmey Geeddiga qallooca ee uu isaga oo aan wax hubsan , sibiq dhaajiyey, meel uu Guryo samo u heystena, uu, goreygiina isagoo ka hadaafey daal-gaadhey- Haddii uu sida libaaxa u Ciyo, waa mid aynu runtii xanuunka iyo Daalka ay leedahay aynu wax kasta oo uu ku gafeyba ku illowno. UDUB waxay ficilkeeda ku tabcatey inay la xumaadaan maaha!! Weel waliba waxa ku jira ayuu dhiiqaaye, Mujaahidkan qaadan la' in ay bulshadu ku foodhidey Xoghayihii Guud ee UDUB oo ay naaneys ula baxeen , wax uu gashadey ummadda ayuun bay weelkii uu ugu shubey dib ugaga soo celiyeen ee Cali gurey , muxuu isugu hawli waayey in uu Hadalladii jug-soo-dhacay bal qoro, dabadeedna dib u akhriyo, siduu isugu hawley qaddiyaddii codadka Balli-Calanle !!
Mujaahidka aan Xusuusiyo'e Toddoba sannadood ayaa kuwii Dalka laga xoreeyey , Kulmiye Carooggan yar ee ina xaaji Daahir ka afuufo Laba-nuux iyo Muraayadda Saamiriga ee Layska arko, noo fuushanaa oo na lahaa nabad-gelyada ayey khalkhal gelinayaan oo hantida qaranka iyo warbaahintiisa u adeegsanayey, Duhur cad ayaa la weeraray Xisbiga Kulmiye oo Ciidanka Booliska sharci-Darro amar shakhsi ah oo xisbi lagu adeegsadey, Marwada sharafta leh ee u dhalatey Dalkan ayaa Xil qabasho ay tartan uggu gashey Hay'ad Dawli ah aqoonteeda kula soo baxdey oo Maamulka UDUB ilaaa nayroobi Wasiiro ugu direy si laysu hortaago oo looga joojiyo shaqadaas inay qabato, Cali Gureyna indhaha ku hayey oo arkayey. Allahayow aannaan dib-u-soconin!! Cali gureyb waxa uu qoriga u qaatey ee uu sannadaha uga dagaallamayna wey ahayd in Magac iyo Awood Dawladeed ka aargoosiga Maxasta loo adeegsado!!
UDUB sixni Madhan ayey ummadda been iyo Nabad baad haysataan, aanay ahayn iyadu tii keentey ku horjoogtey, Filimkaasi oo gubtey, Xeedhada salkeediina madhni loogu tegey, Gadoodka Dadweyne haddii ay foodhiyi ka soo gaadhey Jug-soo dhacay, cali gurey qayladiisan naxliga lehi, " waa, Danab kugu dhac, roob-roob ka dhaweyso" Hadal dhanaan ama dhalamaash ah, foodhi weeye jawaabtiisu, sharciga iyo Dastuurka jebintoodase , sibitoor ayey tegeysaaye, dhulka taabo caliyow!! Qarannimadu waa shey qaaliya oo aan jeeb wax lagu ridaa goynin, wey ku gaagaxdaa, amaan aan la muteysan, Aqoon aan la kasban iyo Amar aan waafaqsaneyn Articleska Dastoorka. Xil nin qaadey eed qaadye, Madaxnimadu maaha , Hantida ummadda ku keliyeyso, ama Dillal ka noqo ee waa xil gudasho, himilooyinka ay Bulshadu leedahy rabitaankeeda loogu adeego.
Wax aanad lahayn, waaryo waa lagu shaqeystaaye, kol haddi rag lihi sheegto, waa sharac- allee dhiiba!! Dr. Idiris , Hantida ummaddii lahayyd ay dul taagan tahay ee ay ka sooman tahay, inaanu liqi kareyn wuu arkaaye, muxuu la meereysanayaa muu iska soo cesho? Madaxweynaha UDUB, dhaartii uu kitaabka gacanta ku saarey , waxa uu ka doorbidey ma waxay noqotey inuu khiyaamadan qaran ka aamuuso? Xilkii rasmiga ahaa haddii uu ka dhammaadey , muxuu u ixtiraami waayey ereyadiisii uu ku lahaa Mas'uuliintii Guddigii Doorashada qaranka ee ugu horeeyey ee uu jimcaha inqilaabey Xaruntooda, ee uu shaaricyada Hargeysa kaga qaadayey Mufaatiixda Gaadiidka ay wateen Booliska uu ku sallidey, inta aanay Bulshadu ku dabbiqin laftiisa ,qaanuunka uu dhigey? Xakama nafsuh"
UDUB ha liqdo in aan been dambe oo laga dhegeysanayaa jirin , arrintuna aanay ahayn kala jecleysi shakhsiyadeed ee Mas'uul;na dadkiisa ayuu Goob colaadeed oo qax iyo wareer badan leh kui dagaallanmay oo soo dalan-dashadey, adduunkana ugu qayliyey oo ugu dooney taakuleyn iyo Magan gelyo la siiyo habqanka Dadweynaha halkii ay ku toosaanba, Allena la qabtey iyaguna wada shaqeyn dan qawmiyaddeed huwan ay ku meel mariyeen, Roob dabeyl xagaa dhiidhi iyo Guuro-habeennimo midna aanay ka xannibin xil gudashada hor taalley. Mas'uulka uu Cali-Gurey ku Muusannaabayo in la dhegeystona, wax uu ka mids ahaa kuwii raqsda laga fujiyey, Wax uu u qbto daayoo, wixii uga soohadhey Ummadda Burburkii ayuu ku dul xaraasghey, Dillaalna woxooda uga tuurin!! Hortiisa ayaa laga dhacay boqollaal milyan oo Doolar oo ay danyartu Masaariif u haysatey iyaga oo lagu khiyaameeyey , mashruuc lagu eedeeyo inay Maslad ka lahayd Madaxtooyadu oo jiif/Dhereg la baxay, Boolis, Nabadsugid iyo C.I.Duba ka wada warhayeen!! Blaydh madhan ummadda ugu soo ridey "Nabadgelyo ayaad haysataan" quraac ,qado iyo cashoba muddadii ay xilka dhex fadhiyeen!!
Hargeysa , dhawsani ay hadalka kala warwareegto qofka ay garan weydo cali-Gurey wuu ku ogaa, markase ay runta gaadho, Hargeysin iyada oo ilka caddeyneysa ayey hell ka watraabisaa , dhurdaha ay ka raaxeysan weydo !! Jug-soo dhacay iyuo inta casharka khuraafaadka cabteyba ha yaqiinsadaan in ay Foodhidu Dillaacii barafka cadhada Bulshada tahay!! Nin ku sirtey wax kuu sheeg!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed.

No comments: