17 March, 2010

Magacaa bè waa habaar

Magacaa bè waa habaar

Sida warbaahinta Somaliland qortay, maalin dhawayd, ayaa Cali maxamed Yusuf (Cali Guray), oo ka hadlaayey madal lagu soo dhawaynaayey nin UDUB u soo galay, ka jeediyey hadalo la yaab leh. Sida aan u fahmay, waxaan u soo koobayaa hadalka Cali sidan:

1.In uu isagu (Cali Guray) yahay nin aan waxba qarin oo runta sheega

2.In xisbiga UDUB yahay mid ka madhan maamul iyo meeqaanba

3.In Xisbiyada mucaaradka ahi shaqeeyaan oo maamulkoodu dhisanyahay

4.In "Jug soo dhacay" aan Hargeisa laga jeclayn oo geed uu istaago ka la'yahay

5.In aan isaga (Cali-ahaan) lagu martiqaadin xafladdii lagu furaayey Somtel, warse looga keenay

6.In Siilanyo ciyaal ku foodhya "Jugta" soo abaabulo

7.In Siilanyo aanu Hargeisa tamashlayn doonin haddaan Jugta xasaradda laga dayn.

Cali Guray aqoon shakhsi ah uma lehi, waxaanse warka ku hayaa in uu ahaa nin dagaaladii Somaliland lagu xoreeyey magac iyo maamuusba ku lahaa. Waxa kale oo Cali taariikhdiisa wanaagsan ka mid ah in uu qayb libaax ku leeyahay dib u dhiska Somaliland, mid siyaasadeed iyo mid kaleba. Kol haddii aanan aqoon u lahayn, ku dheeraan maayo faalo ku saabsan qofahaantiisa, waxaanse jawaab ka bixinayaa hadaladan uu Cali ka jeediyey madasha kor ku xusan.

Horta mid weeyaane, Cali in uu runta sheego, waxa markhaati u ah qodobada hore ee tusmada qoraalkan. Xisbiga UDUB talo iyo taawilo midna ma leh, adna Caloow haddaad ka filaysay, wax badan maad garan, ujeedada kuu gaysayna ma ahayn tayo aad ku tuhmaysay. In UDUB tahay magac madhan runbaad ku sheegtay. Adna ku sii raagimaysid haddaad runta noocaas ah badiso. Ku cibro qaado kuwa hadda loo yaqaan UDUB-ta isbeddel doonka ah iyo bahdilaadii lagula kacay Cabdi Aw Dahir. UDUB waa macdaar reer (xaafad) u adeega, kama shisheeyo kamana sokeeyo. Macdaarku sida uu ku macaasho, ninka leh baa yaqaan, adigana lagaala tashanmaayo.

Waxa kale oo aad run ku sheegtay in Xisbiyada Mucaaradka ahi shaqeeyaan. Sida aad la socoto, illayn ka mid baad ahayde, Xisbiyada Mucaaradka ah lacagi soo ma gasho. Waxay ku dhisanyihiin dadaalka naftood hureyaal iyo taageerada ummadda reer Somaliland oo wali rajo ka qaba in ay maalin heli doonaan maamul xalaal ah oo danta waddanka iyo ta shacabka ka hormariya ta shakhsiga ah.

Ninka loo yaqaan "Jug soo dhacay" Hargeisa iyo meel kaletoona lagama jecla sidaan warka ku hayo. Sababta lagu nacayse Siilaanyo iyo ciyaal uu soo abaabulay ma ha. Xaasha. Oday, Mujaahid Axmed Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye ma gayaan deelqaafkan, xaal gole joogana waannu ka bixinay. Adiguna ab iyo isirtoona uma lihid meelkadhacan oo kale, ee mooyi sida wax kaa noqdeen.

Ninka aad u hiilinaysu waxa lagu nacay afxumadiisa iyo xaqiirnimadiisa, waana ta lagu shaqaalaysiiyey ee adigu ha nooga dhigin nin wacan oo gardarro lagu eryanaayo. Af xumada iyo ku tacadiga shacabka wuxuu la wadaagaa maamulka aad ka tirsantahay oo dhan oo waa astaanta xukuumadda talo xumada haysa. Hiilna kaagama baahna, oo Hargeisa maanta isagaa kaaga magac roon, oo ugu yaraan, isagu reer buu ku joogaa oo lagu shaqaalaysiiyey, adiguse waad u soo gashay UDUB iyadoon lagu doonin.

Sida Madaxtooyada lagaaga horjoogsado ayaa ka markhaati ah misaanka aad ku leedahay dukaanka UDUB. Waxa kale oo kuugu daliil ah halka aad is dhigtay in Hindina lagu soo casuumo munaasabadaha waaweyn adigana aan lagu xasuusan. Marbaa sharafku xaydmaa Caloow. Sharafku waa quraarad oo ma kabmo haddii uu jabo.

Siilaanyo ayaa ciyaal soo abaabulana gef aan geed loogu soo gabban baan u arkaa. Xaalna Waannu ka bixinaynaa arrintaa!. Adba waad ogtahay oo nin kaa badiyaa ma jiro Mujaahid Axmed Siilaanyo. Shalay bay ahayd, maalintaad ka baxaday Kulmiye, ee aad dacaadnimo iyo dadnimo waanagba u qirtay Axmed Siilaanyo. Caliyoow siyaasadda xun ee ku salaysan yooyootanka iyo shakhsi abbaarka ee uu aabaha u yahay Rayaale iyo maamulkiisu yey kaa qaadin dadnimada iyo gobanimada aad u dhalatay! Hawsha UDUB-na waa la kala leeyahaye, tan aad ka dhawaajisay waxa leh rag badanoo meesha kaaga horreeyey oo ay ka mid yihiin Ina Xaaji Daahir, talaabo, Ismaciilkii la eryay, wassiir ku xigaanka Arrimaha Debedda iyo qaar kaloo badan. Miyaan jago kale ka banaanayn meesha?

Hanjabaadda aad u jeedisay Siilaanyo waxba ka soo qaadi maayo oo hadal madhan. Xoogga waxa leh ninka dadku doonaayo. Qofka dadku doonaayo ee uu jecelyahay ayaa hanjabi kara. Axmed Siilanyo shacbiga Somaliland baa jecel. Xoogga waxa leh dadka iyo cidda ay rabaan. Halgankii aad ka midka ahayd ka doon markhaatiga. Intaa wixii aan ahayni waa hadal madhan.

Ahmed H Nur, Oslo

qaboweyn@gmail.com


No comments: