Madaxweyne Rayaale oo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumaddiisa
Madaxweyne Rayaale ayaa isku-bedel ku sameeyay qaar ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa oo qaarkood uu khilaaf ragaadiyay Wasaaradahooda, waxaanu u bedelay Wasaarado kale.
Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada oo arrintaa la xidhiidha, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxauu maanta isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dalka.
Madaxweynuhu, isaga oo tix-gelinaya waajibaadka iyo xilka qaran eeWasaaradaha, isla markaana ahmiyad gaar ah siinaya dar dar gelintaxilkoodaasi, waxa uu maanta , bishuna tahay 23/03/2010 uu go'aansaday inuu isbedel lagu sameeyo xilalka ay hayaan Wasiirada qaarkood, waana sidahoos ku qoran:-
1. In Mudane, Cabdi Haybe Maxamed, oo hore u ahaan jiray WasiirkaWasaaradda Caafimaadka iyo shaqada hadda loo bedelay inuu noqdo WasiirkaWasaaradda Beeraha.
2. In Mudane, Aadan Axmed Cilmi oo hore u ahaan jiray Wasiirka WasaaraddaBeeraha uu hadda noqon doono Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.
3. In Mudane, Axmed Cali Casoowe, oo hore u ahaan jiray WasiirkaWasaaradda Cadaaladda uu hadda noqon doono Wasiirka Wasaaradda Caafimadkaiyo Shaqada.
4. In Mudane, Farxaan Jaamac Ismaacil, oo hore u ahaan jirayWasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu hadda noqon doonoWasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
5. In Mudane, Muuse Maxamed Cabdi, oo hore u ahaa Wasiiru-dawlahaWasaaradda Macdanta iyo Biyaha uu hadda noqon doono Wasiiru dawlahaWasaaradda Arrimaha Gudaha.
6. Sidoo kale, Waxa uu Madaxweynuhu uu iyana isbedel ku sameeyayAgaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, kuwaasi oo kala ah
1. In Mudane, Maxamed Cabdi Diiriye oo ahaa Agaasimaha Guud ee WasaaraddaDib u Dejinta uu hadda noqon doono Agaasimaha guud ee WasaaraddaHorumarinta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada
2. In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Maal, oo ahaa Agaasimaha Guud eeWasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada hadda noqon doono Agaasimaha Guudee Wasaaradda Waxbarashada
3. In Mudane, Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ahaa Agaasimaha Guud eeWasaaradda Beeraha, hadda u noqon doono Agaasimaha guud ee WasaaraddaCaafimaadka.
4. In Mudane, Cali Cabdi Odowaa, oo ahaa Agaasimaha Guud ee WasaaraddaWaxbarashada uu hadda noqon doono Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha
5. In Mudane, Anwar Axmed Cige, oo ahaa Agaasimaha Guud ee WasaaraddaCaafimaadka uu hadda noqon doono Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib uDejinta.
Dhinaca kale, Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo tix-gelinaya wada shaqayn la'aantii ka dhaxaysay Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddida Cisbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo waajibaadka guddidaasi ay ahayd in ay wakiil uga tahay cisbitaalka Guud Wasiirka WasaaraddaCaafimaadka iyo Shaqada, oo isna hawsha wakiil uga ah Xukuumadda, taas oo dhici wayday in ay Guddidu sidii waajibaadkeedu xilkooda u gutaan, waxa kale oo iyana guddidu ay joojisay wada shaqayntii ka dhaxaysay WasaaraddaCaafimaadka, taas oo waxyeelo gaadhsiin karta hawlihii shaqo ee Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, sidaa awgeed MadaxweynahaSomaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu go'aansaday in guddidaasi la kala diro, maadaama ay xilkoodii sidii loogu tallo galay ayu gudan waayeen."
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment