Ma jiraa xidhiidh ka dhaxeeya socdaallada Wasiiro ka kala socda Somaliland iyo Somalia ee Maraykanka?
Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanka, ayaa marti-qaadyo waxyar uun kala dambeeya u fidisay Wasiiro ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo kulamo la yeelan doona Madaxda dalkaas iyo qaar ka mid ah Hay’adaha horumarinta u qaabilsan Maraykanka.
Inkasta oo aanay dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya midkoodna si rasmi ah u baahinin arrntan, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, marka laga yimaado Wefti Somaliland ka socda oo tegay Maraykanka, waxa iyana Dawladda Maraykanku marti-qaad u fidisay Wasiiro ka kala socda Dawladda Shariifka iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya.
Weftiga Somaliland:
Wefti ka kooban qaybaha Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa maalinimadii Arbacadii toddobaadkii tegay socdaal ugu kicitimay dalka Maraykanka, ka dib markii sida la sheegay ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Dawladda Maraykanka.
Weftigan oo ka kala socday labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada iyo sidoo kale Golaha Wasiirada ee Somaliland, ayaan ka warbixin socdaalkooda iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa, hase ahaatee, xogaha ka soo baxayaa waxay sheegayaan in uu ka dambeeyay marti-qaad ay ka heleen Wasaaradda Arrimaha dibedda dalkaas.
Weftiga Somaliland ka socday ee tegay dalka Maraykanka oo ku sii hakan doona dalka Itoobiya, ayaa waxay kala ahaayeen; 1-Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali, Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Cali-Sanyare), Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sh. Maxamed Cabdi.
Weftiyada Soomaaliya:
Dhinaca kale, Weftiyo ka kala socda Dawladda Shariif Sh. Axmed iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa iyana la filayaa inay tagaan dalka Maraykanka, ka dib markii ay Wasaaradda Arrimaha dibedda dalkaasi marti-qaad rasmi ah u fidisay.
Xog uu Wargeyska Ogaal helay ayaa sheegtay in sidoo kale Dawladda Maraykanku ay marti-qaad u fidisay Shan Wasiir oo iyana ka socda Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay dhawaan u socdaalaan dalkaas. Wasiiradan ka socda Dawladda Shariifka ee Maraykanka u socdaali doona, ayaa magacyadoodu kala yihiin; Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Lacagta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Xidhiidhka Caalamiga ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle iyo Wasiirka Amniga Cabdillaahi Maxamed Cali (San-balooshe).
Geesta kale, Weftiga ka socda Maamul-gobolleedka Puntland oo ka kooban Shan Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Maamul-gobolleedkaas, ayaa siday tibaaxayaan xogaha uu helay Wargeyska Ogaal, u socdaali doona dalka Maraykanka bisha April ee foodda inagu soo haysa. Hase ahaatee, Madaxweynaha Maamulkaas Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa qaaddacay marti-qaadka Shanta Wasiir ee Maamulkiisa ka socda ee Dawladda Maraykanku marti-qaadka u fidisay, kuwaas ay xoguhu sheegeen in ay Beel kaliya ka soo wada jeedaan.
Waxa kale oo xoguhu intaa raaciyeen in Weftiyadan ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo laba toddobaad ah midkiiba joogi doono Maraykanka, iyaga oo inta ay ku sugan yihiin dalka Maraykanka waxay la kulmi doonaan Masuuliyiin ka socda dawladda dalkaas iyo Hay’adda Horumarinta ee USAID, kuwaas oo la sheegay inay ka wada-hadli doonaan arrimo badan oo la xidhiidha Budhcad-Badeedda, la-dagaallanka Argagixisada, horumarinta iyo amniga.
Gebo-gebo:
Xukuumadda Somaliland ayaa bishii August ee sanadkii 2009 dedafaysay ka qayb-galka Shir ay Guddida arrimaha Afrika u qaabilsan Golaha Wakiilada Maraykanku isugu keenayeen Weftiyo ka kala socda Somaliland, Maamul-gobolleedka Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, kaas oo ujeedadiisu ahaa in Wefti kastaa dhinacooda warbixin ka horjeediyo Guddidaas.
Si kastaba ha ahaatee, Weftiyadan ka socda Soomaaliya oo booqashadooda ka daba tegi doona Weftiga Somaliland, isla markaana la filayo in uu ku beegmayo markay soo laabtaan kuwa Somaliland, ayaanay rasmiyan uga hadal dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya. Hase yeeshee, xogaha qaar ayaa calaamad-su’aal saaraya sababta isku beegtay socdaallada Wufuuddan.
Xigasho: Wargeyska Ogaal
No comments:
Post a Comment