12 March, 2010

Kumanyaal ka qaxaya Muqdisho

Kumanyaal ka qaxaya Muqdisho
askari
Askari ka mid ah ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Hey'adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaaneysa ee dadka rayidka ee Soomaaliya, oo mar kale qaxaya dagaallada ka soconaya Muqdisho.

Hey'addu waxay sheegtay in ay ku qiyaaseyso in ilaa bilowgii sanadkan ay ka qaxeen guryahoodii in ka badan 100 kun oo rayid ah.

Kenya ayaa waxa laga diiwaan geliyay 10 kun oo qaxooti cusub oo Soomaali ah, sagaalkii toddobaad ee ugu horeeyay sanadkan, waxaana ay UNHCR sheegtay inay ka walaacsan tahay in xeryaha Dhadhaab oo hadda ay joogaan 270 kun oo qaxooti ah, ay xadkooda dhaafaan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dagaalka maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka degmooyinka Wardhiigley, Hodan, Hawlwadaag iyo Suuqa Bakaaraha.

k
Taangi ciidamada Midowga Afrika oo dagaallamaya

Dagaalka ayaa waxa uu sababay in dad badan ay ka qaxaan xaafadihii ay degenaayeen.

Dagaallada ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ayaa dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay waxa ku dhintay ugu yaraan 50 qof, iyadoo qaar kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Shalay ayaa dagaalkii ka dhacay degmooyinka Cabdi Casiis, Shibbis iyo Kaaraan waxaa qeyb ahaan ku lug lahaa ciidamada Midowga Afrika oo taageera dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay ayaa waxaa la hadal hayay weerar xoog leh oo militeri oo dowladdu ay damacsan tahay inay ku qaado kooxaha ka soo horjeeda.

No comments: