Haddii aad fuushan tahay Diyaarad uu kabtanku British yahay, oo uu samaacadda Gudaha kulka hadlo rakaabka isaga oo Cillad Diyaradda ka jirta, ka maaweelinaya Rakaabku in uu dareemo ama Shakiyo, waxa u caado ah in aad ka magasho, Mudaneyaal iyo Marwooyinba, Rakaabka qiimaha leh ee aanu ku wada sugannahay Dayaaraddan ,Duulimaadka lambarkiisu yahay......... Wax aynu ku duuleynaa surcad ah 800km/hr, waxaynu dhulka Dul haadeynaa 55,000 feet. Dhinaciinna midh haddaad eegtaan , waxaad arki doontaan , Fadad daruuro ah oo midabkoodu marka bluugga sammada ee meelaha qaarkood ka muuda la garabdhigo, suurad cajiib ah yeelanaya, dhinaca bidixdana, fallaadhaha cadceedda ee soo dhex jiidhey Daruuraha dararay midabka casar gaabadka cadceedduna midabka dahabka siiyey markaad hoos eegto ee aad Dooxyada biyeyesan iyo Cimilada la akhridana, xusuus aan maskaxdaada ka bixin ku reebeysa nala eega m, waad mahadsan tihiin!! Wax kale oo kuu furani ma jiro ee waa intii Alle kaa gaadhsiiyo Yaasiinka iyo tawxiidka oo aad ku yoto'do.
Maamulka Riyaale oo marka horeba, mashaakilka dalka ka taagani badnaayeen , haddii aad aragto oo sii kordhinaya dhibaatooyinkii marka horba aan la haleelin xallintooda qaar kalena ku daraya, waxaad ogaataa in uu ku jiro, ciyaar hor leh oo Ummadda madaxa xanuunjisa!! Ayaamahan ay Rag badani Suunka hoostiisa ka yidhaahdeen wax aan nin rag ahi hadal ka dayeen, waxa horyaalla wasiirka warfaafinta iyo Madaxtooyadaba codsi lagaga dalab, Idaacad kowdii March, 2010 ka hawlgashey Hawada Dalka Somaliland, in halkana ay ku yeelato qayb!! Idaacaddan oo Ciidammada Amisom ay leeyihiin, qaramada midoobeyna bixinyso kharashkeeda, Waa idaacad Manhajka radio sawaa ku shaqeyn doonta. Abaabulka gulufeed ee al shabaab lala damcay, idaacad loo samaystey weeye. Qaramada Midoobey oo sas ka qabta Dawlad la'aanta Somalila, ama Maamulkaas oo ay Gacanta ku dhigaan Islaamiyiinta xag jirka ah ee Alshabaab.
Sheekh Shariif , Madaxweynaha Somaliyana , london wuxuu kaga codsadey Bulshada Caalamka in kor loogu qaado gradeka AMISOM, oo loo gaadhsiiyo "Phase-2" Macneheeduna yahay in la hoos geeyo Ciidammadan. Golaha Ammaanka ee qaramada midoobey, taas oo ay ku hawlgeli doonaan Qodobka toddobaad ee Charterka Q.M, yacnii,
Xoog-ku-Mideynta Somalia!! Inkasta oo reer Galbeedku uu hubo in aanay shaqeyneyn arrinta shariifku, balse , waxay u eeg tahay in mjarka hore ay Al shabaabku deyayaan, haddii y u martan ay Gobollda Deggan kaga hawlgasho waalidan!! Abkiis Doolli Diloow, dad nool maas u daahaa!!
Arrintan oo Xasaasiyaddeeda leh ayaa Madaxweynihii Dal;ka hammigiisu yahay, sharikad shiine ah oo Maalgashi sheegtey!! Ugaasyadii iyo Isimmadii Sool iyo Sanaag bari , iyana
Saamirigii isir ku dirirnimada ayaa beryanba dhegaha ku heystey xuduudda inoo dhexeysa innaga iyo Puntland, kuwan oo sheegey inay guluf Colaadeed u maleegayaan Somaliland oo dhulk ay beelo ahaan u degaan iny qori Caaradii ugu goostan PUNTLAND!! oo ay xiddigaha cirka oo ay mid-mid u soo qabtaan uga dhawdahay dhul ay magac isir kaga qaadaan Somaliland. waxay imaneysaa arrintani waqti Bulshada lagu Mashquulinayo wax aanu ku hadleen ilmaha 7 jirka ahi, waqti Hanti boob qaawani ku habsadey hantidii qaran oo Goleyaashii sharci-Dejkinta Qarankuna , shaqaale rabbeysan noqden in yar oo Guddida dhaqaalalaha ah oo shuruucdii ay wax ku qaban lahaayeen, cagtu ka saaran tahay!!
Dhaqdhaqaaqyada beryahan dambe ka socdey Sanaag-Bari iyo Boorameba, wax qarsoon maaha. Kaabadahan jidka loo dhigayo ku horjoogsiga hore u socodka Geeddi Socodka siyaasadeed ee Dalku waa mid la socda laguna sugsiinayo Dad xuduudda Somaliland ka baxsan. Miisaaniyadda Maqan ee wasiirkeediiba Dalka ka maqan yahay bishii Saddexaad ee Sannadka cusub iyo Hantida qaranka ee Wasiirka xoolaha ku maqan, labadan iyo dhcdooyinkii sooyaalka guul-darrada Maamulka Udub, wuxuu si aan muran lahayn u tilmaamayaa, in siyaasiyiinta, Aqoon yahnka iyo Wxgaradka Dalkanu ay indhahooda oo shan ka hor dhacayaan waxanuye ee ay kaga mid yihiin Mushkiladda , gcan saar yar oo loo qadhiidhey, xeerasho Maslaxad yar oo Maamulku gcnta ugu hayo, Dhibaato ka cararnimo ama moogaanba!! Goleyashii loo doortey in ay shuruucda dalka dejiyaanna, iyagii ayaa wasiir yr u taag la' in uu hortooda ku yimaadda oo ay wax ka wediiyan, hanti qaran oo uu mas'uul ka ahaa oo aan ila imika gaadhin khasnaddii Dawladda!!
Inta wax Fahmmeysa , waxa waajib klu ah in ay si aan Madmadow lahayn u fahmeyn in Gulufka Dawladda sheekh shariif waddo , ee ay ku qaadeyso Al-Shabaab haddi ay ku adkaato, ay idinkana idinku soo maqan tahay!! Haddiise lagu jebiyo Dagaalka, Gobolku uu faraha ka baxayo oo Boqortooyo aan Somaliba ahyni ay ka dhalato meeshaas, dad kale ay talada la wreegan, waana si aanay taasi u dhicin waxay idaacaddunu ifka ugu soo baxdey. Beesha Caalamku , dhaw iyo toban goglood bay u dhigtey , Dawladda muqdisho, laguna soo dhisay Saddex Dawladood oo maqar-saar ahna dibadda Dalkaas, tii ugu dambeyeyna tn sheekhshariif ee rafaneysaana ugu dambeysey. Waxay u eegtahay in ay xamar hoos tegeyso Trusteeship councilka, idaacaduna noqoneyso tii ay Ciidammada shisheeyuhu Ciraaq iyo Afdhaanistaan ka sameysteen oo kale!!
Cid Alle abuurtey oo ay Somaliland wax isaga tirineyso ma jirto, haddioii ay yihiin odey dhaqameedyadan , Bulshadooda inay dabka qabadsiiyaan doonya ee sool & Sanaag-bari.
Nin waliba gurigiisa gaaddo ku leh, Somaliland Ruux malaggii galey ayaa damac u galaa midbka uu doono iyo afka uu doono ha ku hadlee!! Waa ummad Darban Dalkeedana u soo jeedda , Soomajeesteyaasha Dalku, si fiican waan hubaa inay ula socdaan inta khayaalka iyo Xaqiiqada kala sixi la' ee dhulka Somaliland ku indho la' dadka dhulka lehna ka indho la' iyo inta khayraadka iyo Hoggankiisa ku indhola', sida shrciga ah ee lagu kasbadona ka indho la' ugu dambeynna, inta Daloodho, Aw barkhadle, Gadhka yogol iyo habaasweyn ka soo raacdey Siyaasadda , Maalinna aanu madax u xanuunin, haddii aan dabar loo yeelin, qiso kuwan ayey ka joogtaa!! Ha noolaato Somaliland, ha waarto Bulshadadeeda ugu mudan Ummadaha Carro-Edeg . Waan hubaa inay bulshadeydu akhriyeyssso dibnahayga!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed
No comments:
Post a Comment