13 March, 2010

HADDII SIILANYO GURIGIISA GALI WAAYO YAA GALAY ? muuse biixi … WEFTII KULMIYE OO TAAGEERAYAASHOODA KULA HADLAY FAGAARE ..SAWIRO ..

HADDII SIILANYO GURIGIISA GALI WAAYO YAA GALAY ? muuse biixi … WEFTII KULMIYE OO TAAGEERAYAASHOODA KULA HADLAY FAGAARE ..SAWIRO ..

1Burco(iftinnews)03/13/2010Masuuliyiinka socday xisbiga Kulmiye ayaa xarunta dhexe ee xisbiga kulmye kula hadlay boqolaalka tirsan taageerayaasha xisbiga kulmiye ku leeyahay magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer .

Masuuliyiinka ayaa habeen hore soo gaadhay magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer kuwaasi oo ka qayb galay xaflda qalin jabinta jamacadda burco

1

Weftigan oo uu hogaaminayay mudane muuse biixii cabdi ayaa sheegay inay xukuumadu sagaashankiiba ku laacday ayna u kordhiyeen ciyaarta haddana ay ku guuldaraysatay dhalita goolal wacan oo lagu qanco ayna u daaleen

2

Sidoo kalenna waxa uu sheegay inay iyagau (kulmiye ahaan) ay hayaan ciyaartow rug cadaa ah oo laba koob qaaday kaasi oo uu ku tilmaamay axmed siilaanyo waxaanna uu sheegay inay xisbigoodu hayaan koobka nabadda iyo dib u xoraytii dalka .

3

Waxanna uu muuse biixi ka jawaabay haddan dhawaantan ka soo baxay xisbiga Udub oo ahaa ahaa (siilaanyona hargaysa dhex mushaaxi mayo xoghaya udubna mee uu fadhiisto ka waayi mayo) isagoo hadalkaasi ka jawaabayanna wuxuu yidhi ' haddii xoghayuhu udub meelka wayay yaa meel uu fadhiisto ka helaya ? haddii siilaanyo gurigiisa galiwaayona ayaa gurigiisa galaya?

4

Dhinaca kalenna afhayeenka xisbiga kulmiye mud maxamed kaahin axmed ayaa sheegay inay xukuumadu joogisay mashruucyo laga hirgalin lahaa gobolka togdheer oo ay ku biixi lahayd lacag laxaadle waxaanna uu sheegay mashruucii naaxinta xoolaha inay xukuumadu diiday

Dhinaca kalenna magaaladda burco ayaa muddooyinkii ugu dambeyay waxaa si toosa u hadheeyay siyaasadda saddexda xisbi qaran kuwaasi oo dhamaantood dhawaaqooda laga maqalayo xaafad ka xaafad

Iyadoo ay magaaladda ku sugan yihiin weftigii ugu badnaa ee xisbiyo ka socda ayaa haddana burco tahay magaaladda aan loo fulin hal balan oo kaliya.

Waxaanna magaaladda ku sugan , Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal cali , Guddoomiyaha ku-xigeenka Ucid Aadan mire Waqaf . Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxman cirro , xoghaya guud ee Udub jamac yasin farax , Guddooniye ku xigeenka xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi ,afhayeenka xisbiga Kulmiye maxamed kahin . Wasiiro iyo xildhibaano gaadhay 8

Saleban sahal jamac

salosahal@hotmail.com

Iftinnews/Somaliland

No comments: