Ummaduhu iyaga ayaa iska leh horumar iyo Dibudhac , hadba waxa ay kasbadaan. Lama hayo taariikhda , Bulsho intii u darneyd inta la soo hordhigey, la yidhi kala habeyso adigu, ee Bulshooyinku iyaga ayaa odorosa Baahiyahooda, sida ay ugu kala mudan yihiinna , iyaga oo indhaha ku haya awooddooda dhaqaale, u qorsheysta si aan ascaarta nololeed ugu kicin, baahiyahyoodana waqti dheerba ha qadatee, wax ka qabaneysa. Aqoontu waa nuur. Waa wax la hubo oo aan meexaaneys gelin,qofkasta oo aanay raalli-gelin oo hawadiisaa la cayaaraana marka uu gidaarka ka soo go'o u hangaansami og, dan baa tidhiye!! Qub iyo qalaxdii markii ay qalalaase hillaaceen, Aqonntii Dalku dibadaha ayey uga baxdey Dalka, Intii yareyd ee ku soo hadhey iyo Badowgii magaalooyinku ka buuxsameen oo xoolihii Mashquulinayeyna, wiiftii raaceen ,waayuhuna magaalooyinka keenay, dhar magaalona qaatey, warbaahinta casriga ahna yar dhegadhegeeyey, ciddii isu afgran lahayd , ayaa la doonayaa!! Muranku sidiisaba, waxa ka dhasha, waxyaabo badan oo qarsoonaa oo dibadda u soo baxa , ama waxyaabo qabyo ahaa, oo lagu ogaado, waxayse musiibo dhcdey marka aanay jirin wax Noociyad "quality" ama creteria laysla garanayo ama lagaga dhaqmo Caalamka oo lbadan u dhexeyn kara. Damiirku waxa uu toosaa marka uu qofku wax uu ka khajilo la kulmo? Isbaaradan Damiirka haddii Aadanaha laga waayo, illeyn bahal aan Miciyo iyo Ciddiyo uu wax ku dilo lahayn ayuu noqdaa!! Dawladdeena dhar magaalo haddaba waxay ina leedahay, qaran Madax bannaan ayey nahay , Dastuur iyo shuruuc sidaanu dooneyno si aan ahayn u shaqeysaana , waa khalkhal gelin nabad-gelyo!! Wasiirradu qorshe qarameed ay ku hawl-galan yey yeelanin, haddana waxa Dawladda soo gala midba inta ka raacdaa waaa nasiibkii- Bal Miisaaniyaddan kadeedan ee ilaa sida rabo loo soo tolayo , iska maqan eega. Bal lacagtan Maxjarka ee Dr. Idiris jeebka ku shubtey eega!!, sabab uu lacagtaa dakhliga qaran ah isaga oo aan ahayn Maaliyaddi qaranka , gacanta ugu dhigey oo aan ahayn sharci, yaa ka Mas'uul ah? Marka aynu Curfiga Dawladnimo ka hadleynno, Maal-gashigu waa arrin oggolaasho looga qaato Dawladaha marka hore, Mar labaadkana, waa mid uu damaanad qaado qaranka la maal gashanayo, waxase shardi ah in uu Maamulka Dalkaasi ogyahay dhab ahaan lacagta xaqa ah ee dhab ugu baxdey mashaariicda la maam-gashadey, iyada oo aan la farogelin Dakhliga Dawladaha u soo xerooda ayaa , wasaaradaha Maaliyadda ee Dalalku si waafaqsan jeebkooda dhaqaale ay si fudud oo aan dalkana culeys dhaqaale ku keenin , Ganacsatada maal-gashateyna woxooda loogu celiyo ay heshiis ula galaan oo habkaa loogu celiyaa , wixii kharash ka galey dalka. Wasiirka Xannaanada Xooluhu muu ahayn Maal-gashade, Mana ahayn wasiir Maaliyaded, ee maxaa u geeyey lacagtaa qaranka?!! Aan ku soo noqonno Mawduuca maanta 'e, Maamulkani ilaa maalintii Xilka loo dhiibey wuu duryamaa uune, inuu akhristo Dastuurka qarankani dhigtey yaa innaga huba?!! qarannimada goonida u taagani ma tan Sanaag bari uu Maamulka Puntlan ka dhisan yahay baa, tan isimmada iyo Garaadada sool ee ay Bulshadu Daaqadaha ka dallacatey, qadhhidhka ka qaataan isirnimo ayaanu dhulka laandta idiinku soo dhacaynaa baa? Maxkamad aan Dastuuri ahayn oo ka hawlgasha qaran Dimuqraaddi ah lama hayo, haddii aanay jaamacadda Beenta ee Madaxtooyadu hurgufto aanay ka soo bixin!! Yaakhii , cadow hubeysan iyo Tuugba waad iska ilaalin kartaa , hog-yarna biyo ugu shubi kartaa, beenaalese, uma taag-heshid!! Bal eega imisa sano ayaa dalkan kooxdanu ku haysataa been iyo Xeelad illeyn xilkoodii rasmiga ahaa wuu dhmmadey eh?!! Haddii aanay xumaantu gaadhsiisneyn Bulshada, Cudurro aan laga waaqsan karin, ayaa la wadaa in lagu beero Bulshada oo ay ka mid yihiin , Laaluushka, Eexda, qaraabo kiilka , Musuqa, xatooyada xoolaha dadweynaha, hantida qaranka, Maamul xumiduna ku kaameyneysaa raadkooda oo sui toos ah loo helo!! Maalinta ay UDUB sii joogto Madaxtooyaduba , waa maalin ku madow dalkan. Udub la'aanteed , dalkani waa Amaan!! Askarta Siyaasadda ku soo lug go'dey , waxaanu leenahay, idinka badda galey oo ku toshey wax aydaan miisaankeeda lahayne, fadlan ka dabbaasha, ama si karaamo leh dhulka u dhiga, dadkeedii ha loo dhiibee. Mr. Riyaale, Maaha Dawladnimo tan Wasiirkii Maaliyaddu kaa hoos dusey waqti ay saddex bilood muddo dhaaftey Miisaaniyad sannadeedkii qaranku , isna Dalka ka maqan yahay? !! Maaha qarannimo Dalka dakhligiisa adiga oo waddanka dhex jooga uu wsiir golahaaga ka tirsni inta uu jeebka ku shubto , dayaarad gegegida Caasimadda kaga duulo!! Maaha Dawladnimo tan laba ama sadedii Gobolba lacagta goonida ah ledahay, maaha qaran gooni u taagan tan aan Ciidan darajeysan iyo Astaamo qaran aan Ciidankeedu lahayn!! yaa lala sugayaa Dalkan , Caasimaddiisu aanay Dab-demiska lahayn, Biyuhuna ay roobka Cirkaa ka dhaw yihiin? Yaa lala sugayaa Dalkan si aanu dhaqaale dhex u yeelan labadii Gobolba lacagta u goonida ah loo sameeyey.!! Yaa lala sugayaa Dalkan da'yartiisa , shuguxshuguxda loo tuurayo si ay u tahriibto!! Hay'adahan Sharci-Dejintu , subxaan Allee ma qalbiga ayaa madoobadey oo Madaxtooyada ayaa kula galgalatey Duliga mise, iyaga ayaa saxiifadoodaha la damcey in , waxaanay ku farxi doonin lagu qoro oo xaq ah!! Waxba qaban mayno, Ummadda run uma sheegeynno, haddana doorasho ayaanu u tagannahay!! Ma UDUB baa waalan mise Bulshada?!! ka dambe iyo Doorashada ayaa sheegi.,..!! midna aynu isla garanno , Doorasho aan xaddoidneyn waqtigeedu, uma noqon karto cidnaba waqti iibsi lagu dhammeystirayo burburinta Nidaamsan ee Dalkan imika ku socota!! Al-jaabiri iyo kabahiisu waa iney israacaan, waayo Muwaadinka Somaaliland ee Gacanta dhoofka xoolaha ku soo hayey qarniyaal ayaa lagu wanjaley. RTootal waa in ay oggolaato tarn tander oo dib loogu tartyamo qandaraaska shidaalka si loo waafajiyo Dastuurka haddii kale waa inay dabeyshato!! Manfaca Dalka , waa in uu Muwaadinkiisu noqdo ka koobad ee xaq u leh , sida uu difaciisa u yahay ka koobaad ee aan cidna uga fasax qaadaneyn Difaaca Dalkiisa. Madax aan wax qabad, Dastuur ku dhaqan iyo xurmeynta shuruucda lahayn, kamaanu iibin Dalka ee ama waxay garan in aanay qaadi karin xikl oo wey is-casili ama burbur inta imika gaadhey ka badan ma qaadi karo Dalkuye, sida cawaanka lagu dul meereysan maayo'e , danta Dalka iyo Ummadda oo ka baaxad iyo miudnaanba badan koox dantood u dhex joogta Mdaxtooyada Dalka Bulshada Somaliland inay ka siman tahay xumaha Dalkooda oo waxani ka dhacayaan ay kaga aamusan yahiin , mustaqbal la'aanta Ubadkoodana ay u dhagax-dhigayaan, arki doonne!! waxa aynu ka hadleynaa , waa qaran-nimo ee sheekadan saboolka ah ee lagu xisbiyeynayo qarannimada ee ila muranta ah ummaddu ha ka gudubto!! Dr. Cali Cabdi Muzxumed |
No comments:
Post a Comment