16 February, 2010

WAR-SAXAAFADEED:-XISBIGA KULMIYE EE DALKA AUSTRALIA

WAR-SAXAAFADEED:-XISBIGA KULMIYE EE DALKA AUSTRALIA

WAR-SAXAAFADEED:-

Shir waynihii labaad ee garabka xisbiga kulmiye ee dalka australia oo saddexdi bilodba mar la iskugu yimaado ayaa maanta oo bishu tahay 14th,feb,2010. la iskugu yimi xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Sydney, waxaana ka so qaybgalay 63 xubnood oo isugu jira musuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga ee  kala  degen magaalada sydney iyo hareereheeda iyadoo ay wakiilo iyaga metela soo dir sadeen xubnaha ku dhaqan gobolada fogfog ee aan iyagu soo gaadhi karin shirwaynaha saddex bilood laha ah ee xisbiga.

shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ugu horayn warbixino lagaga dhegaystay golaha fulinta iyo gudiga joogtada ah oo ka war bixiyay habsami u socodka hawlaha xisbiga iyo caqabadihii soo foodsaaray mudadii saddexda bilood ahayd ee ay kala maqnaayeen iyo sidii loo xalyay, waxaanay soo hordhigeen geedisocodka hawlaha la damacsan yahay in la fuliyo mustaqbalka dhaw iyo horumarinta xisbiga kulmiye oo ay garabkani markasta hiil iyo hooba la garab taagan yihiin iyo talaabooyinka mudan in hore loo qaado.

gudoomiyaha kulmiye ee Australia Mr; Mustafe Axmed Sh. Cismaan oo isna shirkan ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaalada uu marayo dalkii hooyo iyo guulaha uu gaadhay xisbiga kulmiye dalkii gudihiisa iyo siyaasada arimaha dibaddaba waxaanu ku dheeraaday safarkii ay dhawaantay madaxda xisbiga kulmiye ee uu hogaaminayay gudoomiyaha kulmiye ahna musharaxa madaxwayne ee xisbiga mudane Axmed maxamed maxamuud (silaanyo) iyo xoghayaha arimaha dibada ee kulmiye Dr, maxamed c/laahi cumar, ee ay ku tageen cariga maraykanka oo ay kula soo kulmeen madax sare oo dawlada maraykanka iyo goleyaasheedaba ka tirsan isla markaana ay kala so hadleen arimo guul u ah guud ahaan somaliland gaar ahaana xisbiga kulmiye, safarkaasi oo dhabarjab ku noqday cadawga somaliland, UDUB IYO XUKUUMADA RIYAALEBA, halka uu guul iyo horumar u so hoyay inta jecel dimuqraadiyada iyo nabad kuwada noolaanshaha,

Mr. mustafe gudoomiyaha kulmiye ee australia isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay halka ay marayso hawshii doo rashooyinka iyo in gudigii doorashooyinku wali gacanta ku hayaa servar kii waday hawsha kala shaandhaynta diiwaangalinta isla markaana ay qorteen shaqaale cusub oo ka hawl gali doona doorasha taasina ay ku tusayso in la dhaqaajiyay shaqadii fududayn lahayd in doorasho la galo himilada koowaad ee xisbiga kulmiye leeyahayna ay tahay in la galo doorasho xoriyo xalaal ah sidaa aawadeedna looga baahan yahay qurbo jooga reer kulmiye inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay muujiyaan cududooda iyo taageeradooda sidii ay dhawaantaba u muujiyeen dadka reer hargeisa ee sharafta lihi markii oo soo dhawaynayeen mudane  axmed silaanyo,

gudoomiye mustafe oo shirkaasi u soo xidhay masuuliyiinta iyo taageerayaashan ayaa kula dardaarmay inay ilaaliyaan midnimada iyo isku duubnaanta kana foojignaadaan waxyeelada cadawga xisbiga iyo kan s/landba, lagana war hayo xaalada dalkii hooyo iyo meesha ay wax marayaan si ay u fududaato waxtarka qurbajoogtu,

waxaanu hadalkiisa ku soo gumaanaday in la sameeyo gudi gaar ah oo u qaabilsan media ha iyo xidhiidhada caalamiga ah.

c/casiis ibraahim mohamed

Secretry of Kulmiye office- Sydney

No comments: