Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi, sida uu Alle hibada ugu siiyey suugaanta , Ridwaankiisana in uu ku manneysto ayaan Alle weydiisanayaaye, waxa aynu ka hayney.."Damaqsida Xanuunka leh ,Dadnimaa ka dhalatee.." waxan Dalkeennii hooyo ka socda, maaha wax ummad waliba dhaqan bay lahayde, meellaba ka soo gala dhaqankeennii !! Madaxdii Dalka ee ay ummaddu ku sharaftey xilalka , waxay isku qanciyeen inay wxqabad haba jooge eh, ay cunaqabateyn kaga soo rogan nolosha oo aan shaqooyin dadku noolaado looba sameyn iyo in wararka sida Hantidooda loo lunsado tibaaxaya oo ay dhacdooyinka dalka inay wax ka ogaadaan xaq Dastuuriya oo Bulsho uu yahay lagala daghaallamo iyada oo maamulku dioidey in saxaafadda xorta ah ee Dalku ay goob-joog ka ahaato, Shjirka Deeq-Bixiyeyaasha iyo Maamulka uga socda Hotel Mansuur ee Hargeysa imika, iyo kan dhexdhexaadinta khilafka Murugsan ee UDUBtii Xaq darrada ku heshiiska ahayd, maanta ay xaqii ku collowdey ee Fiintu ka dhex ciyeyso!! Madaxda Dalku Waxa ay ku illowdey in ay waxa ay Maamulayaan tahay Dal iyo Hanti qaran oo ay Bulshada Somaliland wada leedahay, iyaguna ay yihiin , Mas'uuliintii loo xilsaarey in ay Maamulaan oo ay u adeegaan Bulshada ee aanay ahayn boqorro, Dikteytarro dalka iyo Ummaddaba xoog ku qabsadwey, lalana xisaabtamayo, laguna qbsan karo iyada oo loo marayo hab sharciga waafaqsan , waxa ay Dalka iyo Ummaddaba ka haleeyaan!!. Waxa aan mar keliya si isaga uga go'dey isbeddelin, barnamijka u gaarka ah , hogaamiyaha Dalka dhawr jeer oo kacdoon bulsho ku sandulleeyeen ka noqosho mooyaane, siyaasadaha garan waaga ah ee uu ilaa maalintii uu dhisey Dawladdii ugu horreysey qaadey!! Marka Dawladnimo laga hadlayana, Xumo iyo Wanaagba , sida uu Hoggankeedu noqdo ayuun bay noqotaa !! Maxkamaddii sare ee aan Apealka ama racfaanka lahayn oo Dastuurku dhigayo inay ka madax bannaan tahay cagajugleynta iyo Awoodaha Maamulka ayaa Madaxtooyada la hoos-Geeyey Maamul ahaan oo ka mid ah!! Macneheedu waxa weeye in uu Madaxweyne Riyaale Guddoomiyaha Daaha Dabadiisa ee Maxkamaddaas yahay, Maxkamaddan oo Maxkamadaha Dalka oo dhan xukuntana, waa caddaaladdii oo la inqilaabey!! Dawladda u hagarta la' Dadkeeda iyo Dalkeedaba , waxa u markhaati noqda qorshe-qarameedka muddeysan ee Qarankaas lagu horumarinayo, Adeegyo iyo Mashaariic shaqooyin Dadweynuhu ka helo iyo adeegyo Bulsho oo Baahiyaha dhaw iyo kuwa fogba lagu odoroso yeesha, halka maamulkani aanu mar qudha muddada Dalkan ka luntey ee uu xorta ahaa aan looba sameyn!!. Maxay qabataa Dawladda Riyaale , Maxay ku shaqeysaa, maxayse ka shaqeysaa? Bal adba?!! Federaaleynta Tacliinta ee Maamulku wado, kuna dhiirrisey in ay cutubydii Taariikhdii halganka ka saaraan si yar oo dulmara mooyaane, Dagaalka joogtada ah ee uu kula jiro wax kasta oo SNM laga uriyo, Dalkan siyaasadaha Maamulka ee Doolarka lagu meel marsanayo, ay hagayso, waanigii hore u saadaaliyey in aan gabagabada Filimkani fiicnaan doonin, Bal ila eega oo Musharrixiinta Madaxweyne iyo Ku-Xigeenka Xisbiga talada hayaa, imisa Mas'uul oo Guddi Doorasho ayaa uga tegey faragelintooda xilkii Guddigaas, imisa saxafi ayey u xidheen Cabbudhinta far ku fiiqa qaladaadka iyo siyaasadaha halaagan ee Maamulka , Mr Yuusuf Cabdi Gaboobe, Tifatirihii Haatuf iyo weriyaha Boorame ee Haatuf, mr Xasan Siciid oo jamhuuriyo ah iyo qaar kaloo badan, Mujaahid Dr. Gabboose, Eng. Mujaahid Mamed Xaashi Cilmi, Mujaahid Jamaal Caydiid, Dalladdii Xuquuqda ee Shuura net ee Marwo Samsam Cabdi ka madaxa ahayd, ee Ciidanka Hubeysan iyo Xaakimka waaranka ugu hanjabey lagaga maroojiyey Dalladoodii, si loogu beero meesha qaar maamulku watey!! Afduubkii Musharraxnimada Madaxweynaha ee Musharraxiintii Bulshada magaca ku lahaa ee Xisbiga udub gudihiisa oo Muujinaya , Damaca aan caqliga ahayn ee Madaxda Dalka saydarey, Allaan idiku dhaarshee , Mujaahid C/llahi Darawal waa kuma, Musharrixiinta UDUBna waa kuwama? Enjineer Maxamed Xaashi , Siilaanyo , iyo Madaxdii Halgankuna waa kuwama? Caddaalad iyo Dastuur , sida aan soo sheegey idinna aad ka warhaysaan, idin kaga filan, inqilaabiyiinta Golaha Guurtida ee sifada aan waafaqsaneyn Dastuurka ,xaladda cakiran ka oogey Golihii Guurtida ee aan waayeelnimada bideyney!! Shuruucna Alle ha u naxariistee, meyd maxaa ugu dambeeyey iyop kaa la sii sido, Madaxtooyada 200 meter u jirtaa , aamuska ay ka aamustey inay qolada qaldan saxdo, waxa uu ina tusayaa in Dalku koox u afduuban yahay, daneysi ku bahoobey. Akhristow , Bal malee, waxa uu xalku noqonayo marka aad wax aynu wada lahayn damacdo inaad keligaa meeleysato, ee aad tahay Madaxii Dalka, Guddoomiyaha Daaha-dabadiisa ee Maxkamaddii sare ee Dalka oo aan racfaan lahayn xukunkeedu!! Marka aynu dug isku nidhaahnona, kii aanu is-hayney Daaha-dabadiisa ka ridayo xukunka, wax keliya ee ii bannaanina yahay, Golahan inqilaban oo saaxiibbadii kursigu iga horreeyaan, iyaga oo aan akhriyin Dacwadda loo keenayna odhanayaan, " Ma akhriyi krnee Duuduub inagaga ansixiya sida ay Maxkamadda sare sheegtey"!! Haddaba haddii uu ninka ay Bulshada is0-hayaan noqdey qaaddigii muranku ku go'ayey, ase aanu is-haynno, bal suuree, sida uu filimkani ku dhammaanayo!! Ilaahay , waa ma dhinte, waa cidna lama tashade, looma warrame, Mukurradiisa ayay ka mid tahay waxa socdaaye, ama aamin oo haadku ha ku gigo, ama diid oo naruuro yeelo!! Dr. Cali Cabdi Muxumed |
No comments:
Post a Comment