RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
15 February, 2010
Ha Dugsannina Degel Madhan, Dantu waa seeto'e, aan ka talinno Aayaha Ummaddan Asqada lagu ridey!! Aqoon Caafimaad qabta weeye Baahidu imika!!
Somaliland waa Dal aan Taariikhda Duwalka Caalamka dib uga noqoneyn ee Jiraysa inta ay Cirka iyo Samadu jiraan!! Waxa inala yara fogaadey dhakool ay nafta iyo sheydaanku inna ilduufsiiyeen Asaasyo dhab ah oo aynu ka tagney, waqtigii aynu dhiseyney Maamulka Dawladeed. Waa mid laga kaban karo oo weliba si dhakhso ah looga bixi karo, balse waa in markla hore la helaa isbeddel Maamul, sababta oo ah kan imika joogaa dawo ma leh!! Somalidu waxay tidhaahdaa, "Ganan qaadmo baratey, haddii la gooyana gummudkaa dhaqdhaqaaqa" Musuq-maasuq iyo Xatooyo Xoolo Dadweyne ayaa candhablaha jarey oo lama daweyn karo ee waa in dhiig cusub oo aqoon, karti waxqabad iyo qawmiyadnimo leh lagu beddelo.
Tusaale yar haddii aynu iska tusno, Dhoofkii xoolaha , Mas'uuliin xil ks ahi, iyada oo joojinta xooluhu ay ahayd siyaasad ee aanay xanuun ku tacalluqin carabka ay Dawladdiisu hormoodka ka ahayd joojinta dhoofka xoolaha in kooto loogu xidho,weliba aan loo soo marin, sifo Dastuurka waafaqsan, Hay'adihii sharci dejintuna joojin kari-waayeen,iyaga oo arkaya in aanay waafaqsaneyn Dastuurka, Muxuu yahay jiritaankoodu?!!
Dalkan Magacyo Hay'do Dawladnimo sheegaya oo aan xaqiiqo hawlgal dastooriya lahayn ayaa ummadda iyo jiilasha soo socda wixii wax loogu qaban lahaa lagu qaybsadaa qaydhinka. Wasiirkii Xannaanada Xooluhu wuxuu isaga oo isticmaalaya awoodda xilka xafiiska uu hayo gardarro iyo sharci darro ku xidhey labadii dhakhtar ee maxjarka ka Aljabiri berbera ka hawlgelayey, imikana damiin ku jooga, si uu u aamusiiyo kadib markii ay soo baxdey in $7.5 laga qaadey neefkii dhoofeyba , laga waayey Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Dalka , wasiirka maaliyadda markii la weydiiyeyna uu sheegey in lacagtaas ouu ka mas'uul yahay , Wasiirka Xannaanada Xoolauhu. Bal Ummad yahay waxaad eegtaan waxa hortiinna ka dhacaya, Guddi-Hoosaadka golaha Xildhibaannada ee Dhjaqaaluhu , shan waraaqood oo rasmi ah ayey ugu yeedheen Wasiirka, illeyn Ummadda ayaa si xor ah ugu igmatey shuruucda dalka eh, waanu diidey in uu hor-yimaaddo, Arbacadii inna dhaaftey ayaa Guddoomiyaha Xildhidhibaannadu waraaq kama dambeys ah oo ugu sharxay , waxa ka iman kara haduu horiman waayo Guddiga Dhaqaalaha , maalintii shaley ahayd eeSabtida uu u direy manuu iman wasiirku !! Sababta oo ah , marka horeba Mashruuca Jaabiri Madaxtooyada ayuu uga wakiil ahaa, iyada ayaana u haysa talada, Cidna waxba iskaga tirin maayo!!
Waxa iyana jira, Qaraxyadan iyo Dilalka lagula kacay Saraakiil Ciidan oo jiidda hore ee laas-Caanood oo kii uu wasiirka Arrimaha Guduhu sheegey in Baadhitaankiisii dhammaadey oo maxkamad la horgyn doono, saddex toddobaad maroodi irbad lagu qalayo noqdey oo aan weli bilaabmin, Taliyihii Hawlgelinta Ciidanka Booliskana ila imika cid caddaan falkan loogu hayo u jirin. Kan Taliyaha Ciidanka 12aad haddaba, waxa u xidhan Taliyihii Nabadsugidda Gobolka oo Meel aan Madaxtooyada ahayn laga xukumin, Siddeeda wasiir ee labada qarax ka dul dhacdey, waxa goob xuduuddeedan ay uga fuqi waayeen,waxa ay bulshadu isla dhexmareysaa, Arrinta kiiska Taliyaha oo ay wax farax gelin kara madaxtooyada oy kula noqdaan haynin!!
Si kastaba ha ahaatee, Goob laysla daba socdo remote-Control, waxa siddeed wasiir wada dhigey ma sahlana, Haddii Alle kama dhigee, ay la beegsadaan qarax, waxan aan sabab lagu qanco loo hayn iyo Cidda wadda-toona , sow qaran jab noqonmeyso? Maxaa loogu khamaarey Amniga qaranka!!? Isku soo xooriyoo, kol haddii Goleyaashii Sharci Dejintu noqdeen, qaar awooddii Dastuurku siinayey ku waayey Darajo iyo jaran-jarooyinka-hoggaan la'aanta Ciidammada oo ay Mas'uul ka ahaayeen sameyyntiisa, Ciidammadiina ay gacanta ugu rideen hoggaamiyaha dalka oo Marshal order loogu shaqeysto, shuruuc iyo Cddaalad midna ma jirayo ee "One man rule" la sharciyeeye weeye,waxaanu ka soo horjeedaa Dastuurka qaranka.
Madaxweyne Riyaale, Bulshada iyo inta aqoonta sheegataba wuu ka badiyey, waxa isagana ka badiyey Caddaaladda ilaahay iyo Ciidda Muqaalkeeda , Daryeel la'aanta dadkiisa iyo Difaaca dalkiisa uu ka muquurtey!! Labadan arrimood ee kiiska Dilka Taliyaha Ciidanka 12aad oo Nabadsugidda uu xukumo ay xidhan tahay, Wasiirkan Xannaanadu malaayuuntan Doollar ee Agoonta laga maroojiyey, ee uu isku halleyntiisa u diidey in uu ka warramo halkey martey!! iyama ayaa la kacaya!! Waxa aan aad yaabaa, hadal uu fannaanka Aw Koombe Alle ha u Nxriistee ka tegey, "Luuq-Maroow, marleed iman Bannaanka" noqonayana , qofka dariiqyada lama mareenka ah cadeysta isaga oo xeelad dhuumasho ka wata , mar uun buu shaarica caamka ah yimaadda-.
Ummadda somaliland ha is-weydiiso, Meedey qarannimadii naf iyo maalba loo hurey? Ma maxkamado nabadgelyo oo sarajooga ay koox mas'uuliin ahi, sharcidarro ugu xidho , Muwaadinka cajabin waaya ayey noqotey, Ma Dictaatooriyado Cusub inay samaysmaan oo aan loo hambeyn Bulshada , haddii ay shuruuc tahay, adeegyo, shaqaaleyn, daryeel Caafimaad, daryeel iyo meeleyn Mas'uuliintii Mustaqbalka? ma Qurbejoogghii Dalkan caynaaniyey inay Ubadkooda madaxa ku sidaan ciil iyo caddaadisna ay ku koriyaan lagu midab takooro Diinta iyo midabkaba , haddaan meel deggan oo nolol aadane oo kariim ah aan dalkan laga heleyn!!
Waxa awoodihii hoggaan ee saddexdii Hay'adood ee Dalka laga hagayeyisugu geeyey gacanta keliya , oo aan Dastuuri ahayn , Maxaynu nidhaahnaa? Mas'uuliin Bugtaa, Dawlad hagaagsan ma sameyso, Musuqu waa tuugo, tuugona xadka Alle in la gooyo weeye oo noqoneysa in aanay dawo kale lahayn.!! Islaamnimada inta badan dadkan xilka loo dhiibo ay innagu khiyaameynayaan ee iyaga oo ummaddu waxay lahayd ku talax tegey , taambuugna u sameyn ay innagu cidhiidh-yayaan masaajiddada , ma qalbi adkaan bay ka tahay, miyaanay garaneyn ka ay horjoogsanayaan si ay isugu qiraan indho adkaanta!!? Ku qabso ku qadi mayside, waa inay beddeshaa, ku qabso aad qallashide!!
Maxkamadahan Geelle ee Dalka sida sharci darrada ah uga socda, waa in uu sharciga oo shaqeeyaa beddelaa. Saraakiishii Akaademiyaha VBooliiskii Somalia oo Muwaadiniin dalkan u dhashey ah oo jooga in Booliska agnaan ka ahaado shuruucda dalka wax la eegan karo maaha!! Sanaag bari oo dhul somaliland ah in Maamul Puntland ka dhjisnaado waa khiyaamo qaran!!
Somaliland, wax aynaan qabsan cidi inoo qaban mayso!! Maamulkeenan iska dhakaara, abaarta uu ka qayliyey, Daraf ayuu ka yahay. Dooxyadan Biyaha roobka Badda ku dara , waxa u joojin lahaa dalka Warshadda Sibidhka oo laga shaqeysiiyo!! Inta komishan iyo saamiyo lagu deydayanayo!! Dalka injineerro wey joogaan ee haddii haantii dhaqaale ee Dalku Gunta ka daloosho, shuruuc Dhaqaale muujineed iyo Hanmtio-dhawr midna jirin, maxaa lagu kala baxayaa? sidee loola so0conkaraa hantida iyo dhaqaalaha ummadda!!?
Dawladnimo riyo iyo iska jecleysi kuma timaaddee, Waa in Aqoonyahanka lagu beddlo dadka ila muranta iyo xaalad abuurka ku meeleysan. Askariga Maaliyadda loo dhiibeyna ,qudha ha ka jaro iney tahay laba isku diidi meyso, waayo cadowga sida loo dilo ayuu khabiir kuyahay ee dhaqaale iyo meel runi taallo waa aan ku waale haye dheh!! Bulshadu labaatan sano ayey dulqaad u siisatey mustaqbalkii ubadkeeda , maantase waa u axmaqnimo iyo Dalka oo loo sheegto mar kale, haddii ay sidan ku socoto!
Dr. Cali Cabdi muxumed
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment