24 February, 2010

Gudida Komishinka Awdal Loo Magacaabay oo Lasoo Dhaweeyey

Gudida Komishinka Awdal Loo Magacaabay oo Lasoo Dhaweeyey

Tan iyo intii ay magacaabeen komishanka qaranku xilalka kala duwan ee heer golol iyo  dagmo ayaa waxa isa soo taraya taageerada loo hayo xubnaha ilaa hada la magacaabay, waxana ay dad badani ka dareen celiyeen in komishanka waqtigan la magacaabay uu yahay mid ku soo beegmay waqti loo baahnaa isla markaana ah mid kalsooni lagu qabi karo oo ka soo bixi kara hawlaha balaadhan ee loo igmaday.

Marka la soo qaato qaabka loo soo xulay komishanka maanta xilka lagu aaminay ayaa waxa uu yahay mid ay ka dhaxmuuqdaan dhalinyaro, haween, qurbo joog iyo dhamaan beelaha wada daga gobolka Awdal, ilaa hada waxa la xusi karaa in komishankani yahay mid ka soo dhex baxay dalabka dadkii araajida shaqo gaystay ee iyagu noqday kuwo diyaar u ah inay xambaartaan xilka iyo masuuliyada balaadhan ee ay bulshadu rabto in la helo cid u heelan oo lagu aamino. Waxana tani hubaal ka dhigaysa hadaladii ka soo yeedhay madaxii 3da xubnood ahaa ee komishanka ee hawshan waday Cabdiraxmaan Ismaaciil Dixood oo yidhi " Waxaan siinay tixgalin gaar ah xubnahii iyagu ku soo codsaday araajidooda inay diyaar u yihiin qaadida xilkaasi balaadhan, intii aan hawsha wadnay wax na soo faragaliyay oo maamul, masuuliyiin kale iyo oday dhaqameedba ahi ma jirin. Waxana aan soo xulnay intii maanta ugu haboonayd ee shaqadan qaban karaysay.

Dhinacooda ayaa axsaabta qaranku waxa ay ka siman yihiin kalsoonida ay u muujiyeen komishankan la magacaabay oo ay xuseen in la helay waqti ku haboon oo ay axsaabtu u baahan yihiin in ay helaan cid dhexdhexaad ah oo u garsoorta maalinta uu kaarka codayntu shaqaynayo. Xidhiidhiyaha Xisbiga UCID ee gobolada Awdal iyo Salal Axmed Muumin Seed ayaa yidhi " waa xubnihii ku haboonaa, waxaan u aragnaa nagu kii ugu dhexdhexaadsanaa isla markaana aan ku kalsoonaan lahayn, waxa aan rajaynayaa inay doorashooyin xor iyo xalaal ahi dhacaan, komishanka gobolka loo magacaabayna waa xuno la isku halaynkaro. Cabdi Suldaan Kadiye oo isaguna ka mid ah golaha fulinta ee heer gobol ee Xisbiga UDUB ayaa xusay mawqifkooda waxana uu yidhi " waan ku kalsoonahay si wayn, waa komishan dhexdexaad ah, isla markaana cadaalad laga sugayo, hawlahooda alle ha u fududeeyo waanan la shaqynaynaa xisbi ahaan. Gud. Xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Ibraahim Aadan Qaalib ayaa siaguna sheegay in komishankani yahay mid lagu kalsoonaan karo loogana baahan yahay in hawsha balaadhan ee loo doortay ay u guntadaan.

Dadka ku nool magaalada Boorama ayaa dareemo is huwan oo farxad iyo hambalyo ah u tabinaya komishankan cusub ee la doortay. Marwo Aasiya Muuse Ismaaciil oo 45 jir ah isla markaana ganacsato ah ayaa tidhi " haween ayaa ka dhex muuqda komishankan waana wax loo baahnaa oo waayadi hore la iska indho tiri jiray, komishankan waxa uu u taagan yahay cadaalad la mid ah mida ay hooyadu ubadkeeda siiso  iyo hawlkar la mid ah midka ay hooyadu maanta qoysas badan u horseeeday.

Wiil dhalinyaro ah oo magaciisu yahay Mawliid Cabdi Cartan ayaa waxa uu yidhi " Waa hubaal in dhalinta loo dhiibay hogaanka komishanka gobolka Awdal ay ka soo bixi doonto xilkeeda, taasi waa hubaal waayo dhalinta maantu waa u daacad dalkeeda, waxa ay u shaqayn doonaan sidii aan u shaqayn lahaa aniguba, waa lagu kalsoonaan karaa waana xaqiiq inloo baahan yahay in la taageero.

Komishankan gobolka Awdal loo magacaabay ayaa waxa kale oo uu yahay mid ay dadku tilmaamayaan in ay muhiim tahay in la soo dhaweeyo laguna kalsoonaado, taageero aan kala hadh lahayn ayaa ilaa maanta soo gaadhaya ilaha saxaafada ee ka hawl gala gobolka Awdal iyada oo taageeradaasi ka imanayso haween, salaadiin cuqaal, dhalinyaro waayeel iyo dad aad u tiro badan oo iyagu aaminsan in maanta xilka komishanka ee gobolka Awdal yahay mid loo doortay dadkii ku haboonaa waqti loo baahan yahay maskax fayow oo ka madax banana eexasho iyo cadaalad la'aan.

Mid ka mid ah oday daqameedka degaanka Saylac oo magaciisa la yidhaa Barre Yuusuf Galab oo khadka taleefanka kula soo hadlay saxaafda ayaa u xaqiijiyay in ay war wanaagsan ka maqleen komishanka loo doortay guud ahaan gobolka oo dhan waxana uu yidhi " waa wax la soo dhoweeyo, maanta waxaan u baahanay cadaalad waana wiilashii laga heli lahaa taas, waxa aan u haynaa taageero iyo kalsooni waanan u han waynahay, alle ha gaarsiiyo meesha ay hiigsanayaan hana u fududeeyo hawlahooda.

Dhalinta oo ah xooga ugu badan ee bulshada ayaa taageeraha ugu badan u muujisay komishanka maanta loo doortay xilka gobolka Awal kuwaas oo u sababeeyay taageeradooda in uu hogaanka komishana ee dhalinta ahi yahay mid ka tarjumaya sida ay dhalintu ugu heelan tahay dalkeeda isla markaana muujin kara karti iyo dheeraad. Waxana si aan kala hadh lahayn hambalyooyinka taageerada ah u soo gaadhsiinaya saxaafada dhaman ururada dhinta, gaboodada kala duwan ee dhalinta iyo hogaamiyayaasha dhalinta ee gobolka ku sugan.

Qurba jooga ayaa iyaguna dhankooda tahniyado ay ku ladhan yihiin kalsooni iyo dhiiri galin soo gaadhsiinaya xubnaha ilaa hada la magacaabay, iyaga oo u sii dhex marinaya ilaha kala duwan ee warbaahinta maxaliga ah, waxa kale oo ay badi qurbojoogu sheegayaan in uu komishan gobolka loo magacaabay uu astaan u yahay dimuquraadiyada bislaatay iyo in ay diyaar u noqdeen umada reer Somaliland in laga midho dhaliyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la rabo inay dalka ka qabsoomaan.

Sikastaba ha ahaatee komishanka maanta loo doortay gobolka Awdal ayaa ah mid ay kalsooni badan u muujiyeen dhamaan dadka ku nool gobolka Awdal waxana laga warsugayaa sida ay hawlahooda u gutaan waqtiga la gaadho doorashooyinka ay dadku sugayaan.

Lughaya.Com

No comments: