08 February, 2010

Guddoomiyaha UCID oo Daboolka ka Qaaday inay Hayaan Shaqadii Aqoonsi-raadinta ee Xukuumadda UDUB ku Fashilantay

"Haddaad madax tahay oo aanad adduunku xidhiidh la lahayn sida xukuumadda UDUB uun baad iska fadhiyi madaxtooyada"

London (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali-waraabe, ayaa, daboolka ka qaaday inay xisbi ahaan hayaan shaqadii

xukuumadda UDUB ku fashilantay ee ku saabsan sidii beesha caalamka looga dhaadhicin lahaa qaddiyadda aqoonsi-raadinta Somaliland iyo taakulaynta dhaqaalaha dalku u baahan yahay ee ay ku fashilantay xukuumadda UDUB ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Rayaale

Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo isagoo ku sugan dalka Sweden waraysi siiyey shalay bogga internetka ee Hadhwaanaag, waxa uu sheegay in masuuliyiinta xisbiga UCID sannadkiiba mar booqasho shaqo ku tagaan dunida si ay caalamka u xusuusiyaan xaqa Somaliland u leedahay in loo aqoonsado qaran madaxbannaan, maadaama wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Rayaale ku guuldarraysatay fulinta hawshaas, kuna fashilantay.

"Horta annagu UCID waxaannu nahay xisbi dibedda laga aasaasay, waxaananu ka mid nahay xarumaha dimoqraadiyadda bulshada 'Central Left amma Social Democratic', sidaa darteed ayaanu sannadkiiba mar dibedda u nimaadnaa, maadaama aan dalkayaga la aqoonsanayn, Wasaaraddayada arimaha dibeddanu ahayn Wasaarad tayo leh in sidii Somaliland xaqeeda u lehi lahayd ictiraafkeeda iyo kolba halkay marayso aannu la socodsiino caalamka, dawladaha caalamkana xidhiidh fiican la yeelano, dhaqaalena ka doono dadka na taageera iyo waddamadii na caawin lahaa, haddaanu dalka gacanta ku dhigno," ayuu yidhi; Md. Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha UCID oo la weydiiyey cidday la kulmeen markii ay booqashada ku tageen dalka Belgium oo xarun u ah Ururka Midowga Yurub, waxa uu ku jawaabay; "Waxaannu la kulanay Ra'iisal-baarlamaanka dawladda Belgium, xubno ka tirsan Midowga Yurub iyo waddamo kala jaad-jaad ah, intaba qaddiyadda Somaliland ayey meel adag ka taagan yihiin oo ay taageeraan. Haseyeeshee, waxay la'aayeen wax hoggaamiya oo u sheega qaddiyaddeenna, isla markaana u dooda wixii aynu rabno iyo halkay kaga dhufan lahaayeen inay qaddiyaddeenu mid sharci ah tahay iyo in aannu iyagana ku ammaano dedaalka ay ku jiraan iyo inay isu geeyaan xoogga iyo fikradahood oo ka sameeyaan dalad midaysan, kadibna u bandhigaan oo u gudbiyaan dalalkooda.

Anigu waxaannu la kulmay wefti Swedish ah oo tegaya Somaliland, waanuna u sii warramay, waxaananu u sii diyaariney dadkii qaabili lahaa. Markaa waxaannu haynaa shaqadii dawladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibeddu wadi lahayd mar haddaanay jirin xafiisyadii dibeddu, isla markaana iska dayacan yihiin oo aanay dhaqaale haysan ayaanu door weyn ka ciyaarnaa arrimaha Somaliland, horena aannu qayb weyn uga qaadan jirnay annaga oo aan xisbi ahayn."

Md. Faysal Cali-waraabe oo la weydiiyey in safarrada madaxda xisbiga UCID ku tageen dalalka Yurub ujeeddadiisu tahay mid ay dhaqaale keliya ku raadinayaan, waxa uu yidhi; "Maya, annaga UCID ahaan hore ayaa naloo yaqaanay inay dibedda xoog ku leenahay oo aannu aaminsannahay in doorkana annaga shacabku codka na siin doonaan. Markaa dawladaha aannu la kulmanayo oo horena u doonayey inay Somaliland wax u qabtaan, qaar cid wax la qabsata waayey ayaanu annagu u sheegaynaa in haddii aannu cod ku soo baxno, in aannu annagu qaabilno wixii meel ay mariyeen waayeen xukuumaddan joogta iyo wasaaraddeeda arrimaha dibeddu.

Haddii aad madax tahay oo aanad adduunka xidhiidh la lahayn sida xukuumadda UDUB uun baad iska fadhiyi madaxtooyada, markaa waa inaad saaxiibbo badan adduunka ku yeelataa, waayo keligaa ma socon kartid, saaxiibtinimadii aannu naqaanay ayaanuna kor u soo qaadaynay, balse safarkayagani wax olole ah kumuu shaqo lahayn."

Mar uu ka jawaabayey su'aal laga weydiiyey waqtiga uu filayo in doorashada madaxtooyadu dalka ka qabsoomayso, waxa uu Guddoomiyaha UCID ku jawaabay; "Inay waqtigaas qaadato anigu maan filayn, waanay hooseysaa, waxaananu ku wadnay annaga iyo waddamada caalamiga ah inay dhacdo bishan February ee aynu ku jirno. Markii hore waxaan jirin Komishan hagaagsan; sidii aannu hore u sheegi jiray waxa jiray agaasime iyo xisaabiye, hay'adihiisii ayaa la dhisayaa oo la xoojinayaa, qabyadii gudahana waa la dhisayaa, waxaanuna wadnay in aanay 90 casho ka badnaan oo bisha May gudaheeda amma aakhirkeeda dhacdo doorashadu," ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.



Jamhuuriya Online

No comments: