22 February, 2010

Gabadhii Yarayd Ee Haweenayda Talyaaniga Ahi Ay Ninka Sira-Lanka Ah Juudaanka Qaba Ee Hargeysa Ku Xidhan Ay ....

Gabadhii Yarayd Ee Haweenayda Talyaaniga Ahi Ay Ninka Sira-Lanka Ah Juudaanka Qaba Ee Hargeysa Ku Xidhan Ay Kasoo Iibisay Oo Ka Warantay Khiyaamadii Lagaga So Kaxeeyay Magaalada Qardho


"Waxay Igu Tidhi Reer Hargeysa Degan Ayaad Ugu Shaqayn Doontaa $600, Gaadhi Marki Ii Ah Ayay Xagiisa Danbe Igu Soo Qarisay Bustana Way Igu Soo Duuduubtay Markii Hargeysa La I Keenayna Saan-Cadaale Baras Qaba…"

Caasha Maxamuud Xasan

Hargeysa, February 21, 2010 (Hargeysa) - Caasha Maxamud Xasan oo ahayd gabadhii yarayd ee Haweenayda Talyaaniyada ahayd ay dhawaan ka soo iibisay ninka dhalashadiisu ay tahay Sira lanka ee cudurka Juudaanka qaba ee ku xidhan magaalda Hargeysa, ka dib markii wadahii baabuurka inanta yar lagaga soo qaaday magaalada Qardho ee maamul goboleedka Puntland uu fashilayay ka hor intii aanu u gacan gelin inantaas yar ayaa markii u horaysay waxa ay gabadhaas yar ee naagta Talyaaniga ahi ay soo tahriibisay waxa ay sheegtay, in lagu soo kexeeyay qaab afduub ah laguna soo khiyaameeyay in magaalada Hargeysa ay reer degan ugu shaqayn doonto lacag dhan 600 $, balse ay sheegtay markii Hargeysa la keenay in nin cad oo jidhkiisu googo'an yahay uu sheegtay inay gabadhiisii tahay, ka dibna ay naxdin ku noqotay. 

Inantan yar oo da'deedu tahay 13 jir una dhalatay deegaanada Qardho ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegtay in markii laga soo qaaday Qardho aanu xiskeedu dhamayn, balse ay ku ambabartay markii ay soo gaadhay magaalada Burco oo khadka Telifoonka uu kula soo hadlay wadihii gaadha ninka reer Sira lanka eee cudurka juudaanka qaba oo sheegay in gabadhaas yare e naagta Talyaaniga ahi usoo dirtay ay tahay gabadhiisii taas darteedna ay darawalkii u sheegtay inaanu jirin nin loo wadaa, balse ay tilmaantay in gabadhaasi Talyaaniga ahi u sheegtay in reerdegan Magaalada Hargeysa u shaqayn doonto.

Gabadhan yar ee Caasha Maxamuud Xasan oo wargeyska Haatuf xalay waraysi khaasa kula yeeshay guriga lagu hayo  oo ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa oo la geeyay 7 February 2010 ayaa iyada oo ugu horay gabadhaasi yari ka waramaysa qaabkii Naagta Talyaaniga ahi ay usoo tahriibisay waxa ay hadalkeeda ku bilowday " Gabadh Talyaani ah oo hooyadeedna Soomaaliyad tahay oo aanu isku baranay meel Koofeer ah oo cilaanka lagu saaro oo aan ka shaqayn jiray oo ku taala magaalada Qardho oo reerkayagu deganaa ayaa waxay igu tidhi, ka waran hadaan Hargeysa kuu diro oo aad u shaqayso reer halkaas degan oo bishii ku siiya 600 $ (Lix boqol oo dollar) aniguna waxaan ku idhi, mar baan isku dayay inaan Hargeysa u shaqo tago laakiinse way ii suurto gali weyday hadase waan tagi hadaad nooliga iga bixinayso, ka dib waxay igu tidhi gurigiina dharka ka soo qaado oo iskaga kaalay baabuur berito Hargeysa u baxaya ayaan ku sii saari doona. Markii aan alaabtaydii oo dhan so qaatay ayaa waxay I gaysay aqal magaalda ka baxsan oo ay deganayd, inyar ka dib waxay ii keentay gaadhi MarkII ah waxay ku tidhi darawalkii inta aad kaantaroolka magaalda dhaafayso hablo ay inanta yar walaalo yihiin baa meherado ku haysta suuqa'e si aanay u arkin gaadhiga xagiisa danbe ha gasho (Dog Site) ka dibna buste iyo shiraaq ayay igu duuduubtay oo ay igi qarisay, waxayna ku tidhi marka aad Kaantaroolka dhaafto Shidhka saar, markii aanu kaantaroolka dhaafnayna xagii hore ee shidhka ayuu isoo saray dirawalkii.

Hadaba markii aanu magaalada Burco soo gaadhnay ayaa ninkii dirawalka ahaa igu yidhi nin baa imika tilifoon igala soo hadlay Hargeysa oo igu yidhi waa gabadhaydii gabadhaa aad sidaa, oo ninkii ay kugu soo balamisay gabadhii gaadhigaaga soo saartay ayaan ahay ee isoo gaadhsii, aniguna waxaan ku idhi gabadhaasi reer bay ii waday inaan u shaqeeyo ee aniga nin ay ii waday haba yaraatee ma jirto ninkaasi aad sheegaysana ma garanayo ayaan ku idhi, oo markaasi Burco aan soo gaadhay ayuun baan shakiyey oo intii ka horaysay ismaan ogayn. Hadaba markii aanu Hargeysa soo galayna ayaa waxa la ii geeyay nin cad oo baras qaba oo jidhkiisu goog'een waxayna igu noqtay argagax iyo naxdin oo ma aan moodayn in nin la ii wado ee waxaan is lahaa qof dumara oo aad u sjhaqayso ayaa laguu geyn doonaa, markii uu igu yidhi naa hoo la hadal walaasha isagoo sheegaya gabadhii talyaaniga ahayd, waxaan ku idhi walaala ma garanayo adiga ku raaci maayo dabeeto ninkii dirawalka ahaa wuxuu ii keenay guri ay degan yihiin qoys ay ehel yihiin oo aan imikana ku noolahay, markii danbena waxa la ii sheegay in saan-cadaalahaasi barista qaba ciidamada amaanku xidheen. Arintana waxay igu noqtay arrin naxdin leh halkii aan qof dumara ka eegayay markii nin igu soo baxay"

S: Gabadha Talyaaniga ahi waxa la sheegay in ninkan reer Sira lanka ay lacag ka qaadatay islamrkaana kaa soo iibisay arrimahaasi maxaa ka jira wax lacag ahse adiga ma ku siisay?

J: ninkaasi iyo gabadhu iyagaa wax kala qaatay oo is yaqaanay oo wax kala dhoofsada'e aniga wax lacag ah imay siinin imanay odhan cid baan kaa iibinaya,reer Hargeysa degan ayaad u shaqayn doontaa ka dibna dibadaha ayaad u dhoofi doonta ayay igu tidhi.

S: Reerkiinu ma ku ogaa markii aad ka soo ambabaxaysay Qardho ee naagtaasi ku soo diraysay?

J:Maya reerkayagu imay ogayn oo waan soo baxsaday shaqada ay Hargeysa iigu  sheegtay ayaan usoo dhuuntay markii la iga soo qaadayay Qardhana isma aan ogayn oo dirawalka laftiisii baa la yaabay qofkaygan nool ee bustaha lagu duuduubayay, oo waxa uu I waydiiyay markii aanu Hargeysa soo galay gabadha ma walaalo ayaad tihiin, aniguna waxaan ku idhi maya ee waxaanu isku baranay Koofeerkaa aan ka shaqaynayay

S: Gabadha Talyaaniga ahayd ma waxaad ku wada hadlayseen af Talyaani?

J: Maya ee hooyadeed baa Soomaaliyad ah oo af soomaali ayaanu ku wada hadlaynay

S: Muddo intee leeg baad usoo socoteen Qardho ilaa Hargeysa, meel kalese ma lagu soo mariyay?

J: Habeen iyo maalin ayaanu usoo soconay Hargeysa iyo Qardho toos baanu ii keenay gaadhigaasi markII ahi Hargeysa.

S: Reerkiinii ma la hadashay muddadii labada todobaad ahayd ee aad Hargeysa joogtay?

J; Haa qoyskan aan la noolahay ee aan la joogo ayaa reerkayagii ila xidhiidhiyay, waxaanan usheegay inaan nabad qabo oo Ilaahay iga badbaadiyay ninkii Saan-cadaalaha ahaa ayaan u sheegay oo Alle iguma darin baan idhi.

HAATUF

No comments: