Culimada Waaweyn ee Sallafiyiinta iyo Qaadiriyada oo Caddeeyey Mowqifkooda ku Wajahan Qaabka loo Xusayo Mowliidka Nebiga (NNKHA) Waxay tafaasiil ka bixiyeen sababaha ay uga baaqdeen kulan-diimeed dood ah Wasaaradda Diinta Awqaaftu qabanqaabisay "Xuska gaarka ah ee maalinta 12 Rabiil-cul Awal la dhigaa maaha mid cibaado, hadduu cibaado yahayna Nebi Muxamed (CSW) iyo asxaabtiisa oo khayrka aad u jeclaa ayaa innooga horreyn lahaa..waxa nasiib-darro ah.." Sheekh Barbaraawi "Somaliland waa dal Islaam ah, waxa ku qoran dastuurkeeda in ciidaha ka jira ee diiniga ah ee dastuuriga ah inuu ku jiro xuska ciida mawliidku.. Markaa dastuurigaa ragga dhaafsan meeshay u socdaan maanu garan" Culimada Qaadiriyada Hargeysa (Jam)- Qaar ka mid ah culimada waaweyn ee Sallafiyiinta loo yaqaan, ayaa tafaasiil ka bixiyey sababaha ay u baaqdeen ka qaybgalka kulan-diimeed Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland u qorshaysay inay Axaddii dood isku soo horfadhiistaan qaybaha culimaa'udiinka dalka ee sida weyn isugu khilaafsan qabashada xusaska mowliidka Nebi Muxamed (NNKHA). Shir-jaraa'id oo ay Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berbaraawi), Sheekh Yaasiin Ibraahim Cabdiraxmaan, Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Sheekh Cabdirisaaq Cadnaan Liibaan iyo Sheekh Maxamed Haybe oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland gelinkii dambe ee shalay wadajir ugu qabteen hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, waxay ku soo bandhigeen aragtidooda diiniga ah ee ay ka taagan yihiin xuska dhalashada Nebiga oo ay ku tilmaameen wax aan shareecaddu bannayn iyo qorshaha kulankii dhicisoobay ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ugu talogashay inay kutubta isugu soo gurtaan culimada isku maandhaafsan qaabka loo xusayo mowliidka Nebiga (NNKHA), kaasi oo qorshuhu ahaa inuu qabsoomo malintii Axadda, arrintaas oo caasimadda Hargeysa ka aloostay xiisad-diimeed xasaasi ah. Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berbaraawi) oo ku hadlayey afka culimaa'udiinta Sallafiyiinta oo ugu horreyn sharraxaad ka bixinayey muranka ka taagan qaabka loo xusayo dhalashada Rasuulka (NNKHA), waxa uu yidhi; "Waxa jirta marin-habaabin badan oo dadka qaarkood lagu odhanayo waxa jira dad diidan Nebiga (CSW), haddii arrintani suuqa hore u geli jirtay, waxaan rajaynayaa in aanay suuqa gelin, taas oo dadka lagu odhanayaa salliga Nebiga ayaa la diidan yahay, waxaan u malaynayaa salliga Nebiga in aannu ka badsanno qolooyinka sidaa leh, maalin kasta duruus baanu arkinaa iyo axaadiistii Rasuulka (CSW), markasta oo la soo hadal qaadana waannu ku sallinaa." Waxa kaloo Sheekh Berbaraawi ka hadlay in masalada hadda khilaafku ka taagan yahay xus gaar ah oo loo sameeyo maalintii Nebigu (CSW) dhashay oo ku beegan 12 Rabiil-cul Awal ma mid baa diinta, isaga oo sheegay in arrintu haddii ay tahay mid cibaado u baahdan tahay daliil, "Xuska gaarka ah ee maalinta 12 Rabiil-cul Awal la dhigaa maaha mid cibaado, hadduu cibaado yahayna Nebi Muxamed (CSW) iyo asxaabtiisa oo khayrka aad u jeclaa ayaa innooga horreyn lahaa. Culimada islaamka ee taariikhda wax ka qortay horreysa iyo dambeysaba waxay isku waafaqsan yihiin in xuska noocan ah aannu dhicin waqtigii Nebiga (CSW) iyo waqtigii asxaabada xataa xilligii a'imada, sida Shaafici, Maaliki iyo Abu Xaniifa ee uu wax ka dambeeya uu yahay." Sheekh Berbaraawi waxa uu soo daliishaday aayado qur'aan ah iyo qaar ka mid ah axaadiistii Rasuulka (CSW), kuwaas oo tilmaamaya inay xaaraan tahay in diinta wax lagu soo doro amma wax laga saaro, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Illaahay waxa uu sheegay in uu diinta inoo dhammeystiran, haddii aannu sidaa yeeli lahayna diintu mid ilaashan may noqoteen oo qofkasta wixii la qurux badnaada, hadallo uu cibaado uu ku sheegayo, ficiillo amma xaflado ha noqotee ayuu ku darsan lahaa, mar haddii diinta la dhammeystiranayna lama oggola in wax lagu siyaadiyo amma wax laga dhimo. Diinta oo dhammaystiran ayuu dhintay Nebi Muxamed (CSW), markaa wixii maalintaa diin ahaa ayuun baa diin ah, wixii ka dambeeyey ee lagu sheegaana diin maaha, sida culimada qaarkood yidhaahdeenna wixii aan maalintaa diin ahayni maanta diin noqon maayo. Markaa waxaannu leennahay xuskani kama mid ah diinta, manuu jirin lamana xusin waqtigii Nebiga (CSW), sida culimada islaamkuna isku waafaqsan yihiinna waa wax ka dambeeyey Nebi Muxamed oo diinta lagu soo daray. Nebigeena in la xuso annagu ka diidanin, laakiin waxaannu leenahay waxa habboon waa in loo xuso sida shareecadda islaamku sheegtay, waxana ka mid ah in la rumeeyo, in la raaco, in cilmigiisii la barto, in dadka la baro, in dadka wanaagga la faro, in xumaanta laga reebo, in Nebiga (CSW) la difaaco oo dadka wax ka sheegaya laga difaaco. Annagu maalin kasta Nebiga waannu xusnaa, waxaananu u wadnaa si shareecadda waafaqsan oo waxa aannu u xusaynaa sidii Illaahay iyo Rasuulku inoo sheegay. Waxa nasiib-darro ah, meel-ka-dhacna ku ah Rusaalka (CSW) in sannadkiiba maalin la yidhaahdo waxa aannu xusaynaa Nebi Muxamed oo marka maalintaa la dhaafana aanad arkayn cid dambe oo hadal haysa, laakiin annagu xuskii sharciga ahaa ayaanu haynaa, wixii uu na farayna waannu u hoggaansannaa. Waxa suurtogal ah in dadka qaar ujeeddooyin gaar ah ka leeyihiin arrintan ay sannadkiiba maalin buuqa kaga ridayaan, iyagoo arkaya Rasuulkii oo suuqa lagu aflagaadaynayo ayaa haddana aanay hal muxaadaro oo ay ka duubeen aananu garanayn, waxanu idin leennahay haddaad Rasuulka jeceshihiin oo aad weynaynaysaan sifo sharci ah u weynee oo si dhab ah u raaca, difaaca oo kuwa caayaya ee aflagaadaynaya ka difaaca." Waxaannu intaa ku daray; "Waxaan jaraa'idka ku arkayey iyada oo arrinta lagu gaar yeelay Salafiyiinta oo wargeysyo farabadani sidaas ayey u qoreen, balse arrintan dadka diidani ee ka soo horjeedaa, kana aaminsan inay BIDCO tahay maaha Salafiyiinta oo keliya. Wasiirku inuu ka hadlay warbaahinta qaarkeed oo uu u yeedhay cidda arrintaasi diidan si arrintaas looga doodo, ma xuma masaa'isha diinta ee la isku khilaafo in laga doodo si xaqiiqada loo gaadho oo la isku qabciyo, haddii kalena ugu yaraan dadku wax dhegaystaan oo ay u kala iftiinto. Yeedhmada wasiirku markay na soo gaadhay isaga oo marka horeba u yeedhay ciddii diidan oo dhan, annagu waannu tagnay meesha oo waxaannu go'aansanay in aannu tagno meesha oo waxa la socday Sheekh Axmed-Yaasiin, Sheekh Cumar, Sheekh Axmed-iid, wadaado kalena way yimaaddeen oo waxaannu ku dhoweyn tobaneeye, annagoo og in aanay dooddu sidaa ku fiicnayn, isla markaana wasiirka ixtiraamayna ayaanu tagnay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, kadibna waxaannu waynay shakhqisii noo yeedhay oo Wasiirka ahaa, kadibna qofka wasiirka ku soo xigaa inuu yahay agaasimaha, waxaananu u galnay annaga oo tiro badan. Waxaannu wasaaradda ugu galnay dad aad u badan oo hub sita, kaas oo isugu jiray murjin, bakoorad, waran iyo seefo, kuwaas oo qaarkood fadhiyeen wasaaradda albaabkeeda, waannu iska dhaafnay oo waxaannu u galnay Agaasimaha, waxaananu weydiinay, 'Doodu waxay u baahan tahay nidaame, sidee baan ugu talogasheen ee loo galayaa?' annagu waa nakan oo diyaar baanu nahaye. Dooddu waxay u baahan tahay in labada dhinac ee dooddaya qolo kasta qaar looga yeedho, warbaahinta iyo bulshada khusayso laga soo qaybgaliyaa illeyn iyada lafteeda ayey arrintu khusaysaaye oo wey ku dhago barjoobeen loo yeedho, annaguna dood ayaanu diyaar u nahay lagu qabto meel furan oo ay ka mid yihiin Khayriyadda amma Beerta Xorriyadda oo dadkoo dhammi geystanayaan, arrintaasina in aanay suurtogal ahayn ayey noogu muuqataa oo wasiirku waa na fasaxay, markaanu u sheegnay doodda aannu doonaynaa inay noocaas tahay wuxu yidhi; 'Aynu kala raalli ahaano.' Iyada oo Agaasimaha arrintaa aannu ka wadahadalayno, ayaa waxa dhacday in qaar badan oo raggii hubka la hortaagnaa Wasaaradda ka mid ahaa noogu soo galeen xafiiskii Agaasimaha, iyaga oo leh; 'Eydii Nebiga diidanayd meeday.' Waxa dhacday in qaarkood nalaga hayey, markaanu aragnay muuqaalka noocaas ah, isla markaana aannu hore u ogeyn qaar midniyo iyo toorayo lagu dilay oo naga mid ahaa oo aanay joogin ciidammo ammaanka sugaa, waxaannu go'aansanay in aannu meesha iskaga baxno. Wasiirka ayaan markiiba la hadalnay, isna wuu noo cudur-daartay, markaanu u sheegnay xaaladda wasaaradda ka taagna wuu ka xumaaday wasiirku waannu naga raalligeliyey, markii wasiirku ku noqday wasaaraddiina waxa naloo sheegay inay sidii iyo si ka daran tahay oo aananu ku soo noqonin, waxaannu wasiirku yidhi in maalin kale dib loo dhigo. Saddex khalad ayaa dhacay oo wasiirku markuu u yeedhayey umuu yeedhin Salafiyiinta oo keliya ee ciddii diidan oo dhan ayuu u yeedhay, mar labaadka dadkii shalay [dorraad Axaddii] tegay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafka may ahayn Salafiyiinta oo qudha, balse dad kale oo diidan ayaa ku jiray, ta kale arrintan ka hadalkeeda dadka ka aaminsan inay BIDCO tahay maaha Sallafiyiinta. Markaa muujinta ay wargeysyada qaar ku qoreen boggagooda hore ee ay ku muujiyeen inay Salafiyiintu diidan yihiin waa arrin sax ah, laakiin u gaar yeelidaas ayaad moodaa inay tahay arrin siyaasad ah oo dadka qaar ujeedo kale ka lahaayeen." "Qolada Suufiyada sheegata, anigu Ehlu-sunne uma aqaanee, Ehlu-sunne waxaan u aqaanaa dadka Rasuulka (CSW) si dhab ah ugu dayda, Al-jamaacana waxa la yidhaahdaa dadka Rasuulka sunnadiisu isku keentay ee ku kulma, sunnaduna ma qarsoonto oo dadku indho, dhego iyo caqliba way leeyihiin, sunnaduna ma qarsoonto oo dadkaba way ka muuqataa, sida culimada qaarkood tilmaameen sunnadu waa nuur, Bidcadu-na waa mugdi, markaa qofka wejigiisa ayuu mugdigu ka muuqanayaa oo ficilkiisa iyo camalkiisa ayey ka muuqaysaa. Markaa qolada arrintaa u ololaysa waa qolada Suufiyada la yidhaahdo, halkeenana qolada Timoweynta iyo ciddii ku abtirsata ayaa kolay ololaha u faraha badan wada." "Waxa dawladdana looga baahan yahay in arrimaha noocan oo kale ah inay si sax ah u maamusho, ammaankeedana ay sugto, haddii ay noqoto wixii isku dhac keenayana inay noqoto mid ay fiiro gaar ah u yeelato, waxaanan leeyahay diintu qasab maaha ee waa qaneeco iyo ictiqaad, xataa qofka gaalka ah ayaan lagu qabsi karin diinta islaamka, markaa annagu wixii xaq ah ee aannu aaminsannahay annaga oo daliilkiisa raacinayna ayaanu dadka u sheegnaa oo dadka gacan ulama tago, buuqna kuma samayno. Shacabkana waxaan leeyahay qofka muslimka ah waxa looga baahan yahay in niyaddiisa ka soo go'do inuu xaqa doonayo," ayuu yidhi Sh. Berberaawi. Dhinaca kale sida uu wargeyska Ogaal shalay qoray dariiqada Ehlusuna-waljamaaca oo markii kulankaasi baaqday warbaahinta la hadlay, waxay sheegeen inay xaq tahay in la wayneeyo, isla markaana la qabto xuska dhalashada nabi Muxamed (CSW). Wasiirkii hore ee diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Axmed Muxumed (Aayatule), Sh. Maxamuud Xoog-badane, Sh. Axmed Jacfar iyo xubno kale oo dariiqada Ehlunsuna-waljameeca ka tirsan oo shirjaraa'id ku qabtay Hargeysa, waxay sheegeen in dhinacii kale ee ay dooda la geli lahaayeen baajiyeen kulankii ay ku balansanaayeen. "Waa kii wasiirka diinta iyo awqaaftu habeenkii dhawayd iclaamiyey culimada Istifaalka xuska dhalashada rasuulka (SCW) dhigta ee qabta inuu yahay wax Ilaahay loogu dhawaanayo iyo qolooyinkan kale ee yidhi ma banaana labada waa tii uu iclaamiyay in maalinta Axadda (shalay) inay 10-ka subaxnimo yimaadaan wasaarada Diinta iyo awqaafta oo qolo waliba adiladeeda iyo daliil ay arrintaa ku mancinayso ama ay u hayso inay keento. Haddaba, waxa dhacday sidii baanu ku nimid ee qoladii kale ee lahayd xuska dhalashada Rasuulku ma banaana lama hayo, dabadeedna waxay wasaaraddu naga codsadeen in ilaa berito (maanta) ku maqnaadaan oo haddii ay keeni karaana ay keenaan," ayuu yidhi Sheekh Aayatulah oo ugu horayn halkaa ka hadlay. "Sidaas ayaanu ku sugaynaa ee horta dadka waxaan u qadimayaa inta aanan maqsuudkayga intiisa dambe u galin inaan dadka u sheego in arrintii wax ka soo baxaan, markaa sababta ay arrintaasi maanta halkaa u marayso ayaa dadwaynuhu sidaas ula soconayaa. Markaan u gudbo xuska dhalashada Rasuulka (CSW) iyo inay diintu jidaysay, diintuba waa Rasuulkay ku soo degtay ee Quraanka Illaahay inoogu soo dejay, diinta daliilka aynu ka baadhayno banaanaan iyo banaanaan la'aan, xaaraan iyo xalaal, sharci iyo qayrul sharci diintaba waa Rasuulkii laynoogu soo dajiyey, xuskiisu ma banaanyahay iyo ma banaana iswaydiinta mushtamac Islaam ah 100% ay is waydiiyaanba ayaa meel ka dhac ah. Rasuulka (CSW) xuska dhalashadiisu xawlul caalamul Islaam oo dhan dadka Islaamka ah ee Suniga ah, waxa weeyaan guri wal iyo goob wal iyo wadan walba way joogaan, xuska dhalashada Rasuulkana way ku qabtaan," ayuu raaciyay Sheekh Axmed Muxumed (Aayatule). "Somaliland waa dal Islaam ah Dastuurna way leedahay, waxa ku qoran dastuurkeeda in ciidaha ka jira Somaliland ee diiniga ah ee dastuuriga ah inuu ku jiro mawliidka dhalashada xuska nabiga inuu ku jiro ayaa dastuuri ah. Markaa dastuurigaa ragga dhaafsan meeshay u socdaan maanu garan, diinta islaamku waxay tixgalinaysaa ninku martabadu doona ha ahaade, martabaduu doonaba ha ka jooga diinta iyo macaamilada dadka waxtar hadduu soo saaro in waxtarkaa laga qaato, laguna dhaqmo ayay diintu sheegaysaa," sidaana waxa yidhi Sheekh Maxamuud Xoog-badane oo ka mid ah culimada Ehlusuna-waljamaaca oo ka mid ah xubno culimo ah oo gobollada dalka iskaga kala yimi kulan diimeedka baanta loo balansan yahay darteed. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
24 February, 2010
Culimada Waaweyn ee Sallafiyiinta iyo Qaadiriyada oo Caddeeyey Mowqifkooda ku Wajahan Qaabka loo Xusayo Mowliidka Nebiga (NNKHA)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment