Tacsi: Guddoomiyaha Guddida Doorashada Aabihii oo ku geeriyooday Burco
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed oo Aabihii Marxuum Yuusuf Xaaji Maxamed ku geeriyooday Magaalada Burco 26/01/2010, laguna aasay 27/01/2010 magaalada Burco.
Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa, inuu jannooyinkiisa marxuumka ka waraabiyo, Samir iyo iimaana eheladiisa ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
MD. Muse Bixi Cabdi
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE
Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga
No comments:
Post a Comment