Dahir Rayaale Iyo Xaabsade waxa ay maleegaan Barnaamij dagaal Reeraysan oo Somaliland gudaheeda ka bilowda
Dahir Rayaale Iyo Xaabsade waxa ay maleegaan Barnaamij dagaal Reeraysan oo Somaliland gudaheeda ka bilowda. Aniga oo ka mid ah aqoon yahanka gobolka Sool, muddana iminka meherad ku lahaa Laascaanood ayaa waxaan u sheegayshacabka reer Somaliland in madaxweyne Riyaale iyo Xaabsade maleegayaan qorshe jaahwareer iyo mijoxaabin ah.
Qorshehaasi boqongoynta ah, la rabo in ay Somaliland laga rido dagaalo beelaysan oo ka dhaca darafyada xuduudaha Somaliland, ee beelaha Harti iyo Samaroon degaan.
Reer Somaliland waxa aan lee yahay, waa ka warqabtaan waxa Somaliland ka dhacay, in goor habeen ah la isku dayay in la khaarajiyo Xildhibaan Somaliland ka tiran oo la dhaho Md. Maxamed Faarax Qabile. Kaas oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ninkii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay isku-daygii dilkaa madaxweyne Rayaalena sii daayay.
Sidoo kale, ayaad waxa aydun ogtihiin in horraantii bishii November 2009 qarax miino lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle Sare Cismaan Yuusuf Nuur isaga oo maraya magaalada Laas Caanood badhtankeeda .
Waana aynu ka wada dheragsanahay halka ay ku danbeesay baadhitaanka arintaasi iyo cida lala xidhiidhay dilkaas. Waxa kale oo bishii December 2009 wadada u dhaxeesa Berbera iyo Dhexdooda la sheegay in la helay shixnad isugu jirtay walxaha Qarxa oo dawladu sheegtay in ay ka danbeesay Alshabaab. Balse ilaa al aankaa aan la helin war danbe oo lagu xidhiidhanyo arintaas.
Sidoo kale ayaa dagaal aan ilaa wakhtigaan ujeedadiisa la fahmin waxa uu ka dhex qarxay beelaha iyagu wada dega Ceer Berdaale, ee xididka, abtiga iyo abtirsiinta wadaaga. Kuwaas oo 50 kii sanoe ee ugu danbeeyay nabad ku wada noolaa. Mar qudhana khilaaf ba'an oo reeraysan la dhex dhigay. Iyada oo dagaaladani iyo aargoosi iskula kaceen labadaa reer aan hore Somaliland uga dhicin, xitaa wakhtigii dagaalada SNM iyo Dawlada Somalia isku hayeen.
Hadaba waxa aan u sheegayaa ummada Somaliland in aan hayo war xaqiiqa oo la xidhiidha mashruuc Daahir Riyaale iyo Xaabsade kuwada jiraan. Mashruucaasi oo la doonayo in Somaliland lagu cidhib tiro. Aniga oo deegaan ahaan aanu isku reer nahay Xaabsade, hadana waxa aan aniga iyo Xaabsade iskaga hornimid dibin daabyo iyo jab uu la maagnaa Somaliland wakhtigii uu Puntland Wasiirka ka ahaa.Wakhtigaa oo aan ogaa mashruucyo kan la mid ah oo Xaabsade waday intii uu wasiirka Puntland ahaa, balse reer ahaan aanu ku diidnay mar uu laascaanood nagu shiriyay.
Maantana waxa uu fulinayaa mashruucyadaa lasoo qorsheeyay intii uu Puntland ka tirsanaa. Ujeedada ugu weyn ee qorshah laga lee yahayna tahay sidii Somaliland looga ridi lahaa dagaalo sokeeyo oo iyagu carqaldeeya doorashooyinka dhawaan lagu wado in ay dalka ka dhacaan, ee haday hirgalaan keenaya Ictiraafka. Dagaaladan oo la rabo in laga rido dhinacyada xuduudka labada geesood ee baalaha Samaroon iyo Harti degaan. Waxaana aynu la soconaa in qorshihii hore ee laga ridayay dagaalka ka bilowday dhinaca galbeedka deegaanka Ceerbadaale", Markii danbena qorshihii lagu dilay taliyihii Ciidanka Somaliland wuxuu gogaldhac u ahaa dagaal kale oo la islahaa halaga bilaabo deegaanka Laascaanood, oo la isaga horkeeno beelaha halkaa wada dega.
Waa aynu ka wada dheragsanahay in maanta Somaliland caalamku usoo joogsaday, insha allahun hadii doorashooyinkaa lagu guulaystana dhici doonto in markaa Somaliland Ictiraafkeedu yimaado. Sidaas darteed waxa aan jeclahay in bulshaweynta Somaliland aan uga digo kuwa fidna wadayaasha ah, ee iyagu raba in Somaliland ugu qaybiyaan xaafado reeraysan, si ay markaa ugu sahasho damacooda siyaasadeed oo ay markaa leeyihiin.
Gebogabadii iyo gunaanadkii, waxa aan Xaabsade lee yahay, bal car hadii aanad mu'aamard wadin, wax aad ii sheegtaa sababta adiga iyo Garaad'ada Kenya jooga aydun teleconfernce ugu yeelataan, tan iyo maalintii ay ku dhawaaqeen dagaalka siyaasadeed ee ay Somaliland gooni isutaageeda kaga soo horjeedaan.
Hore ayaa loo yidhi daacadi ma hungowdo, ummada Somaliland ha iska jireen kuwa dibindaabyada iyo dhabar jabka u maleegaya.
Maxamed Axmed Darwiish
Laascaanod, Somaliland
No comments:
Post a Comment