04 January, 2010

Kulan lagu marti qaaday Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka dhacday Birmingham

Kulan lagu marti qaaday Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka dhacday Birmingham

Kulankan oo ahaa mid lagu marti qaaday laguna maamuusayay isla markaana lagu sagootiyaayey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo in mudo ahba booqasho ku joogay dalka ingiriiska(Sawiro)
http://www.flickr.com/photos/24945908@N02/4241610517/
London:–kulankan oo ahaa mid lagu marti qaaday laguna maamuusayay isla markaana lagu sii sagootinayey Mudane Siciid Cilmi Rooble oo in mudo ahba booqasho ku joogay dalka ingiriiska, waxa soo qabanqaabiyay Kulankaasi Ganacsadaha ReerSaaxil Mustafe Adan Shanle iyo Aqoonyahan Fariid Diiriye Nuur,oo ay ka soo qayb galeen hormoodka odayaasha dhalinyarada iyo guud ahaan Jaaliyada Saaxil UK .

Ugu horayn waxa kulanka lagu furay hadalo soo dhaweyna isbarasho iyo mahadnaqba iskugu jiray soo jeediyay Xidhiidhiyaha Kulankaasi Mudane Omar Abdilahi Yasiin .
Intaa ka dib waxa lagu soo dhaweeyay oo hadalka qaatay Mudane Siciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa ku bilaabay salaan iyo mahadnaq aadna ugu mahadceliyay sida quruxda badan ee qiimaynta iyo qadarintu ku jirto ee loo soo dhaweeyay, loona maamuusay iyo sida wayn ee kulanka loogu sharfayba, Kadib waxa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble shirka u soo jeediyay warbixin balaadhan oo dhinacyo badan taabanaysay haday noqon lahay xaalada guud ee dalka iyo ula-jeedada safarkiisanba, isagoo talooyin iyo dardaarana u soo jeediyay Jaaliyada Saaxil ee UK .

Waxa uu Xildhibaanku aad uga waramay xaalada guud ee gobolka Saaxil dhinaca kasta iyo duruufaha ku meersan , waxaanu ku booriyey dadweynihii(qurbajooga Saaxil) madashaasi ku sugnaa , inay ku dedalaan inay himilo fiican yeeshaan oo horseed u noqdaan horumar balaadhan oo G/Saaxil yeesho si looga takhaluso duruufaha ku habsaday.

Waxa iyaguna hadal soo dhaweyna mahadna dardaaran iyo ducaba iskugu jiray soo jeediyay xubno kamida Jaaliyada Saaxil ee UK ee madashaasi ku sugnayd ,oo ka soo jeediyey aradooda fiican , aadna u amaanay si gaarka ah ee Mudane Siciid cilmi rooble ahmiyada u siiyey Gobolkii laga soo doortay , waaana aanu ku bogaadinaynaa ayey yidhaahdeen talaabadan aad qaaday oo ah mid uguba , waxaana sidoo kale aanu leenahay ayey yidhaahdeen in looga baahanyahay masuuliyiinka G/Saaxil ee kale in ay markasta dadkooda u soo bandhigaan , qataana waxii araah ah ee waxtar u sameyn kara G/Saaxil Iyo Somaliland .
intaa ka dib waxay ka soo qaybgalaayaashii kulankaasi xildhibaanka waydiiyeen su,aalo doora oo uu si buuxda uga jawaabay guud ahaanba kulankaasi wuxu ahaa mid ku soo gaba-gaboobay si aad u qurux badan oo milgo iyo maamusleh.
Waxaa Kulankaasi si gaara uga dhexmuuqday Afhayeen Qurba-jooga Saaxil Mudane , Shucayb Maxamed Gurux.
Guud ahaana waxaa laysla qiray in G/Saaxil Dibudhac weyni ka muuqdo loona baahan yahay in si dhaqso ah looga hawlgalo cidd kasta oo ay khusayso.

Xildhibaanka oo aanu si gaara u wareysanay ayaa qiray inuu aad ugu mahadnaqay dhamaan dadka Somaliland ee ku dhaqan Cariga Ingiriiska (UK), kuna tilmaamay dad wacyi gelintooda iyo wadaniyadoodu aad u sarayso una soo jeeda kor u qaadida iyo horumarinta dalkooda, waxaanu uu sheegay inuu aad ugu bogay Su,aalaha wax ku-oolka ah ee laga weydiiyey goob kasta intii kulanada la yeelanaayey Jaaliyadaha Somaliland ee UK.

Waxaa xildhibaanku noo sheegay inuu ugu baaqay dadweynaha Somaliland , inay ka fogadaan ku-tiri-ku-teenka iyo naxliga waxyaalaha abuuri kara sida kala-fogaanshaha , loona baahanyahay in si joogta loo wada xidhiidho waqti kasta.
Isagoo sheegay inuu ku booriyey in ay yimadaan xili kasta oo manuusib u noqda wadankii ,si ay xogaal ugu noqdaan xaqiiqa dhabta ee taala, kulana dardaarmay in la ilaaliyo markasta Dan Guud ee Qaranka , haddii taa la waayana in aanay jiri doonin mid Gobol iyo mid Xisbi toona .

-Allaa Mahadleh-

Adan Yusuf Elmi
London
UK



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: