| Dhanxiir iyo kale socodka xukuumada |
Waaryaadheen qoladan Rayaale iyo maamulkiisa tallow miyaanu wax xidhiidh iyo wada shaqayn ahi ka dhaxayn, mise nin waliba inta uu edeg yar isku ooday ayuu wuxuu doono sameeyaa, isaga oo aan ka baqanayn cid la xisaabtamaysa iyo qof dabagal ku haya, ilayn waa kuwan barna wasiiradiisii isburinayaan, kolna qoladii amniga ee daakhliga iyo gobolku kala hadlayaane. Weger; Adeer; maamul sii ciiraya xisaab iyo wada shaqayni dhexdiisa jiri mayso oo nin waliba meel buu ootaye, igadaa warkoodoo waxaad ka warantaa booliskan Laascaanood ee is wada wanjalaya iyo taliska guud ee afka iska xidhay, mise arrintu waa faraha laga qaad oo cidi kama hadli karto. |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
30 January, 2010
Dhanxiir iyo kale socodka xukuumada
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment