23 December, 2009

Qaybtii labaad ee Waraysi dheer oo lala yeeshay Muwaadin laga soo daayay Guantanamo Bay

Qaybtii labaad ee Waraysi dheer oo lala yeeshay Muwaadin laga soo daayay Guantanamo Bay

Intiinii la socotay, hore waxaanu idiinku soo gudbinay waraysi dheer oo uu Wargeyska Ogaal la yeeshay Maxamed Saleebaan Barre.

Haddaba qaybtii labaad ee waraysigaas oo uu kaga hadlayo duruufta Xabsiga Guantanamo Bay, sidii lagu soo daayay,Jidh-dil iyo noocyada garaacis Maraykanku ku sameeyo Maxaabiista Jeelkaas oo Jasiirada ku yaala ku sameeyo, wixii uu ka bartay muddo 8 sannadood ah oo uu ku jiray iyo arrimo kale, waxa uu u dhacay sidan;

Ogaal: Jidh-dilka aad sheegtay inay idinku samayn jireen, maxaa ka mid ah oo aad ka xasuusan kartaa?

Maxamed: Jidh-dilkaa arrintiisu way fara badan tahay. Tusaale ahaan; Bagram iyo Kandahar waxay qofka u diidi jireen inuu seexdo (sleep depression). Waxa hurdada lagu diidayaa laba maalmood, saddex maalmood ama afar maalmood, ilaa aad gaadho xataa xad aad garan waydo wax aad ku hadlayso. Wax kale oo ka mid ah; waqtigii aanu tagnay dhulkaas (Pakistan/Afghanistan ilaa Guantanamo Bay oo Cuba ah) waqti aad u qabow bay ahayd oo xilliga qabooba ah, lagumana siinayo (nalama siin jirin) Buste, wax aad huwato, meel qabow buu ku dhigayaa adigoo keliya; raashin ma laha oo wuxuu kaa goynayaa cuntada, waxaana laga yaabaa inuu Buskud yar ku siiyo oo aad ku noolaato uun, si aanad u dhiman. Markaa arrintu aad bay u qadhaadhayd. Rag kale oo faraha badan oo tacdiib (dhib) aad u fool-xun lagu sameeyay oo jidh-dil ah toos ah lagu sameeyay, sida Koronto lagu toojar gareeyay baa jira; kuwo a garaacay baa jira iyo waxyaabo kale oo fara badan.

Ogaal: Marka laga tago adigoo Maxamed Saleebaan Barre ah iyo Ismaaciil Maxamed Carraale oo la idin soo daayay, cid kale oo Soomaali ah oo Guantanamo Bay ku jirtay ma jirtaa?

Maxamed: Runtii go'aan kuma qaadan karo oo ma odhan karo wax Soomaali ah oo kale meesha kuma jirto, sababtoo ah Maraykanku  waxa laga yaabaa inay meelahaa dad ka qabtaan…Waxay leeyihiin Jeelal badan oo sir ah oo ilaa hadda aan la ogayn baa jira. Laakiin, Xabsiga Guantanamo inan kale (wiil) oo Soomaali ah ayaa lagu sheegay inuu joogo.

Ogaal: Magaciisa ma garanaysaa?

Maxamed: Maya – magaciisa ma xasuusto. Laakiin, qolada ICRC (hay'adda Caalamiga ah ee Laanqayrta-cas) ayaan ka maqlayay inuu inan kale joogo.

Ogaal: Maxaa ka mid ah waxyaabaha kugu soo noqnoqon jiray ee sida joogtada ah laguugu waydiin jiray Guantanamo Bay?

Maxamed: Horta, su'aalahoodu ma dhamaadaan. Su'aalaha soo noqnoqonaya waxa ka mid ah; maxaad qaban jirtay? Yaad taqaanay? Dadkaas aad taqaanay xidhiidhka xidhiidhka aad la leedahay; muxuu ka shaqayn jiray?…Soomaaliya markii aad joogtay maxaad qaban jirtay? Waxay ku waydiinayaan 10 sannadood ilaa 15 sannadood ka hor dadkii aad taqaanay. Su'aaluhu aad iyo aad bay u fara badnaayeen.

Ogaal: Maraykanku makuu sheegay sababtii laguu xidhay, hadday kuu sheegeense maxay ku yidhaahdeen?

Maxamed: Xaqiiqdii, wax sabab ah oo macquul ahi ma jirin. Laakiin, waxay igu yidhaahdeen; 'waanu ka xunahay, meeshan (Guantanamo Bay) wax adiga laguugu haysto oo dembi ah oo aad gashay ma jirto, laakiin dad aanu Telefoonadooda daba gelaynay ayaanu ka helay liiska dadkii kula soo hadlay nambar-ka dadkaas. Markaa Telefoonadaas baanu ku daba jiray, qof kasta oo ay la hadleena waanu u yeedhnay oo waanu waydiinay sababta ay dadkaasi ula soo xidhiidheen.'

Ogaal: Dadkaa lagu dabo jiray ee ay kuu sheegeen inay liiska dadkay wadahadleen nambarkaaga ka heleen, ma dad ay tuhumo Argagixiso ku haysteen baa?

Maxamed: Waa dad ay tuhumo ku haysteen – xataa dad ay iyaga laftooda leeyihiin dembi bay galeen maaha. Laakiin, waa dad ay leeyihiin 'waanu ka shakisanahay inay xidhiidh la leeyihiin dadka Argagixisada ah.'

Ogaal: Muddadii aad Guantanamo Bay ku jirtay, waxa jiray Qareeno Maraykan ah oo arrintaada ka hawlgalay, markaa arrintaa maxaad nooga sheegi kartaa?

Maxamed: Xaqiiqdii, Looyaradan annagu xagaa (Guantanamo Bay) Looyaro uma naqaano. Dhalinyarada Guantanamo ku jirtaa nimankaa Looyaro uma yaqaanaan, waayo qaabka looga haysto halkaas, way ka duwan tahay sawirka dadka dibadda joogaa ka haystaan. Dabcan, dadka dibadda jooga markuu ka maqan yahay nin tolkii ah ama nin uu u naxayaa ka maqan yahay oo uu Jeelka ku jiro, qof kasta oo u yimaada oo yidhaahda waxbaan kuu qabanayaa wuu iska rumaysanayaa. Laakiin, haa – kuwo ka mid ah waa Qareeno oo xafiisyo Looyarnimo ah baa uga furan wadankooda (USA) oo waa xafiisyo la yaqaano, laakiin maslaxada ay u socdeen inta badan waxay ahayd dan Basaasnimo oo ah in dadkan (Maxaabiista Jeelka) la daba galo oo meelaha aanay geli karin nimanka Milateriga ama CID-da ah, in Looyarada loo diro. Looyaradu dhinacna waa laga yaabaa inay ugu jirtay ragga meesha ku xidhan oo ay inay arrintooda banaanka soo dhigaan, laakiin waxyaabo badan oo kalena way ku jirtay oo Mukhaabaraadka Maraykanka ayaa ka dambeeyay oo u soo dirsaday inay daba galaan dadka oo ay soo ogaadaan reerahooda oo macluumaadka aanay keeni karin nimanka Sirdoonka ah ee CID-da iyo FBI-da, ay kuwani (Qareenadu) keenaan.

Ogaal: Laakiin, adiga shaqsiyan waxa jirtay haweenay Qareen kuu ahayd oo aad kuugu dhaqdhaqaaqday?

Maxamed: Marka aad Looyar leedahay, waa qof aad adigu dooratay weeye. Looyar waxa la yidhaahdaa qofka aan anigu doortay ee aan idhaahdo Qareen ii noqon ee aan kiraysto. Laakiin, nin iskagaga kaa yimi oo ku yidhaahda 'Looyar baan kuu ahay oo waan ku difaacayaa oo waxna kaa qaadan maayo' oo Maraykan-na ah, runtii sida aad ku rumaysataa aad bay u adagtahay. Laakiin, haddii wax faa'iido ah ay qabteen (Qareenada u hawlgalay) iyo qof kastaa hadday yihiin dadkii Soomaaliyeed, hadday noqdaan qaraabadayda, dadkii tolka ahaa, hadday noqdaan asxaabtii iyo hadday noqdaan ninka Suxufiyiinta ah – cid kasta oo ku dedaashay inay arrimahayga sahasho oo Maraykanka gacantiisa aanu ka soo baxno, waxaanu leenahay 'Alle haydinka abaal-mariyo.' Laakiin, qolooyinkaas (Qareenada) xaqiiqatan wixii wanaagsanaa ee ay qabteena waxaanu leenahay way ku mahadsan yihiin, laakiin waxyaabo fara badan oo ay dabogal ku sameeyeen oo aan loo baahnayn baa jiray.

Ogaal: Maraykanku xadhigaaga muddada dheer raali-gelin iyo Magdhow maka bixiyeen? Sideese imika laguu soo daayay?

Maxamed: Maya – raaligelin iyo waxaas hadda maaha waqtigeedii. Maraykanka siyaasadiisu waxay ku socotaa si aayar-aayar ah, lagamana yaabo mar keliya inuu ku siiyo natiijada oo dhan…Soo bixitaankayaga hadda, mahadiisa Illaahay baa iska leh. Laakiin, markii Obama xukunka qabtay waxay sheegeen oo uu balanqaaday, arrimihii uu ololaha kaga qaybgalayna ka mid ahayd, inuu Guantanamo xidhi doono, dadka meesha ku xidhan ee aan waxba lagu haysana uu sii dayn doono. Markaa inuu balankiisa fuliyo, waa arrin lagama maarmaan ah oo looga baahan yahay ra'yum Caamka Maraykankuna berri kula xisaabtami doono. Sidaa darteed, isagu (Madaxweyne Obama) wuxuu aasaasay hay'ad la yidhaahdo 'hay'adda dib ugu noqoshada dacwadaha Maxaabiista lagu haysto Guantanamo Bay.' Markaa siday sheegayaan, hay'addaasi waxay dib ugu noqotay faylalkii nimankii lagu haystay meesha oo dhan oo ay dib u muraajaceeyeen. Sidaa darteed, hay'addaasi waxay warqad siinayeen qofka ay doonayaan inuu dhoofo warqada fasaxa la yidhaahdo. Warqadaa haddii lagu siiyo, macnaheedu maaha inaad baxayso, marka ay kuu akhiriyayaana waxay ku odhanayaan; 'warqaddaas baa lagu siiyay, laakiin goorta aad Jeelka ka baxayso ma garanayno', laakiin sida ugu dhakhsaha badan baanu ugu dedaalaynaa in aanu kaaga saarno.

Anigu 8, October, 2009 ayaan qaatay warqadaas oo ay si siiyeen, mid ka mid ah nimankaa yidhi Qareeno ayaanu nahay baana ii yimi oo ii sheegay inay warqadaas soo saareen oo ay doonayaan inay dacwad Maxkamadda ka socotay oo ay nimankaa Looyarada ahi gudbiyeen – xataa qofkii aan doonayn dacwadiisu inay Maxkamadda gasho iyagu way iska gudbinayeen. Markaa dacwadaas way joojisay dawladdu, waxayna dalabtay in la joojiyo, waayo waxay arkeen in wax ay isku difaacaan oo wayn aanay haysan. Markaa dawladdu waxay tidhi; 'ninkan (Maxamed Saleebaan Barre) waxaanu ku sii daynaynaa laba bilood gudahood. Sidaa darteed, way joojisay Maxkamaddii, balankaas bay noo qaaday, waxayna yidhaahdaan haddaanu November sii dayn wayno, December horaanteeda ayuu meesha ka baxayaa. Markaa balankoodii way fuliyeen.

Ogaal: Dawladda Somaliland arrintaada maka hawlgashay intii aad xihdnayd?

Maxamed: Dawladda Somaliland – qolada Qareenada ahi waxay ii sheegeen inay la hadleen Madaxtooyada Somaliland oo ay marar badan la soo xidhiidheen, Madaxtooyaduna waxay u sheegtay oo ay tidhi; 'haddii aan Maraykanku waxba ku haysan ninkaas, annagu waxba kama qabno inuu ku soo noqdo wadankiisa.' Markaa xaqiiqdii talaabo wanaagsan weeyeen.

Waxa jira niman badan oo wadamo kale u dhashay oo Guantanamo ku jira oo aan wadamadoodii ku noqon karin, hadday ku noqdaana ay ka baqanayaan mashaakil kale iyo in dawladoodu xidho. Warqada waa la siiyay nimankaas, laakiin xagee bay tegayaan? Meel uu tago ma laha.

Ogaal: Labadiina qof ee Hargeysa la keenay mooyee, waxa jiray toban qof oo kale oo isku mar la idinka soo daayay Xabsiga, markaa nimankaa haddaad aqoon u lahayd wadamada ay ku dhasheen waa kuwee?

Maxamed: Haa, 10 nin baa diyaarada nala saarnaa, waxayna ahaayeen 4 Afgaanistaan u dhashay iyo 6 Yemeniyiin ah.

Ogaal: xaaladaada Caafimaad waa sidee imika?

Maxamed: Alxamdullilaah – xaaladaydu way iska fiican tahay, laakiin daal badani wuu iska jiraa oo u baahan in muddo lagaga soo kabto. Laakiin, alxamdullilaah, dadka meesha ugu Caafimaad fiican baan ka mid ahaa.

Ogaal: Muddo dheer ka dib, inaad qoyskaaga la midowday, dalkaagiina timi dareenkaaga la xidhiidhaa waa sidee?

Maxamed: ….Waa arrin muhiim ah inaan reerkaygii iyo noloshaydii dib u soo heshado – insha Allaahu tacaalaa.

Ogaal: Imika inaad Waalidkaa oo aad muddo dheer ka maqnayd la joogto marka la eego, maxaa dareemaysaa?

Maxamed: Nin ka soo baxay meel uu sannado badan ku xidhnaa sida uu dareenkiisu noqon lahaa uun weeyaan.

Ogaal: Maxamed; adigu maadaama aad muddo dheer ku xidhnayd Jeelkaas, maxaad ka baratay? Maxaadse ku sharixi lahayd Guantanamo Bay?

Maxamed: Maaha markii ugu horeysay ee aad maqashaan nin ka soo baxay Guantanamo Bay oo qisadiisu mar horeba Caalamka way taalay….Caalamka oo dhami wuxuu ka aaminsanaa Maraykanka inuu yahay 'aabaha xorriyada ee Caalamka' oo ay ku sheegan jireen. Dawladdo badan waxay cuno-qabatayn ugu soo rogi jireen sabab la xidhiidha inay Xuquuqal-insaanka ku xadgudbeen, laakiin xaqiiqdii xuquuqal-insaankii ay sheeganayeen bay ku xadgudbeen, been baanu ahaa oo waxba kamay jirin. Been buu ahaa oo way kashifantay oo wixii ay iyagu qarinayeen baa banaanka u soo baxay.

Guantanamo Bay waxa weeye, siduu sheegay ninkii Raysal-wasaaraha ka ahaan jiray dalka Ingiriiska ee Tony Blair – mar uu ka hadlay wuxuu ku sheegay inay tahay qaddiyad fool-xun oo ah shay xagjira….Yacni arrin wixii asalka ahayd khilaafay oo kale, markaa ninkaasi (Blair) wuxuu difaacayay oo uu lahaa; 'haddaanu nahay reer Galbeed, Dimoqraadiyad iyo xuquuqal-insaan ayaa asal ah,' markaa wuxuu leeyahay 'Jeelka Guantanamo wuxuu ka baxay wixii asalka ahaa ee aanu annagu metelaynay ee ah Dimoqraadiyadda iyo Xuquuqal-insaanka.' Laakiin, runtu waxa weeyaan; Xuquuqal-insaan iyo Dimoqraadiyaddi toona ma jirto. Anigu waxaan aaminsanahay markii horeba been bay sheegayeen oo Xuquuqal-insaan iyo waxba ma jirin…Guantanamo Bay dhamaan dadka ku xidhani waa Muslimiin, nin Gaal ah oo ay keeneena ma jirto, iyaguna waxay yidhaahdeen 'meeshan dadka Argagixisada ah baanu keenay.' Laakiin, hadday Argagixiso keenayaan waxa jira hay'addo badan oo Gaalo ah oo ay Argagixiso ku sheegaan….Waxa dhacday inay Kitaabka Qur'aanka ah ku istaagaan (lugta saaraan), isagoo inanka uu la hadlayay ku dirqiyaya in waxa uu isagu doonayo uu u yidhaahdo, oo uu ay yidhaahdaan; 'haddaad waxaan kugu tuhmayo qiran waydo, Quraanka ayaan ku istaagayaa.'!!! Quraan inta la googooyo Musqusha lagu tuuraa ama lagu istaagaa waxay ka dhacday Guantanamo Bay.

Marka aanu Salaada tukanayno Raadyowga ay haystaan bay codkiisa kor u qaadi jireen oo ay nagu furi jireen, oo askartoodu dhulka noo dhow bay cagahooda ku garaaci jireen, sanqadh badan buu samaynayaa, wuu qoslayaa….Muddadii aan Guantanamo Bay ku jiray waxaan ku xidhnaa qol dhinac walba hal Mitir u ah oo Shabadh ka samaysan oo aan keli ku ahaa baan ku jiray. Markii aanu anagu tagnay Jeel cusub oo Guantanamo Bay ka mid ah oo Dulta Camp Four ay yidhaahdaan baa nalagu xidhay, dhamaantiina Shabag buu ka samaysan yahay, wuxuuna ka kooban yahay qolal yaryar oo Musqushu ku xidh taalo, Sariir Xadiid (Bir) ahina ay taalo, waxaanan halkaa ku jiray ugu yaraan afar sannadood.

Markii dambe waxay dhiseen Jeel kale oo ay ugu magac dareen Camp 5 oo Sabad ka samaysan. Meel aad arkayso iyo wax aad maqlayso midna ma leh, nin walibana wuu ku jiray qol u go'an, ka dibna waxay nagu xidheen mid kale oo Camp 6 la yidhaahdo oo isna kaa hore la mid ah, daaqadona aan lahayn. Albaab wayn baa igu xidhnaa, Maxbuuskuna askariga hormaraya mooyee wax kale ma arkayo. Wax dhaqdhaqaaq ah noomay ogolayn, mana aanu bixi jirin. Laakiin, muddooyinkii dambe waxay noo ogolaadeen dhaqdhaqaaq saacad ah oo way na soo saari jireen, imika markii aan ka soo baxayna saacad kale ayay ku kordhiyeen. Markii ay soo dhawaatay muddadii ay xidhayeen, saddexdii bilood ee u dambeeyay macaamilada askartu ay Maxaabiista la lahaayeen way wanaajiyeen. Hadda markaan ka soo baxayay, Salaada si jamac ah baanu u tusan jiray.

Xigasho: Wargeyska Ogaal


No comments: