12 December, 2009

QAYBTII 2 Eng. Maxamed Xaashi oo Daraasad Cilmiyeysan ku soo Bandhigay Fadeexadaha Musuqmaasuq ee Hadheeyey Madaxtooyada

Eng. Maxamed Xaashi oo Daraasad Cilmiyeysan ku soo Bandhigay Fadeexadaha Musuqmaasuq ee Hadheeyey Madaxtooyada

Waa imisa lacagta madaxtooyadda sannadkii ka soo gasha lacagta dulsaarka ku ah dhoofka xoolaha nool?

"Waxaan dhallinyaradda leeyahay mustaqbalkiina u meel daya oo xisbiga madaxdiisu musuqa ku kacdo ee dambiilaha ah ha taageerina, waad ku aakhiro seegaysaane"

Warbixin taxane ah oo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ka diyaariyey musuqa

Qaybtii 2aad

Hargeysa (Jam)- Akhristayaal waxaanu idinka raaligelinaynaa khalad madbici ah oo ku jiray hadalkii u qornaa; "Waxa sannadkii Ina Rayaale sifo sharci darro ah xoolaha la dhoofiyo uga soo xerooto lacag gaadhaysa $2, 000,000, markaa lacagta u soo xerootay muddadii uu xilka hayey waxay noqonaysaa $14,000,000"

Waxaanu hadalkaasi sax ku yahay "Waxa sannadkii Ina Rayaale ka soo gala shidaalka lacag dhan $2,000,000, markaa lacagta u soo xerootay muddadii uu xilka hayey waxay noqonaysaa $14,000,000."

Cadadka Jamhuuriya ee maantan waxaynu ku qaadaa dhigi doonaa fadeexadaha musuqmaasuq ee uu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ka diyaariyey lacagaha dulsaaran xoolaha nool ee dibedda loo dhoofiyo. waxaynu ku bilaabay sidan:

"Qodobkeenii labaad waxa uu ahaa xoolaha nool ee la dhoofiyo iyo lacagaha dulsaarka ah ee ka soo gala madaxtooyadda, sida aynu ognahay xooluhu waa lafdhabarta dhaqaalaha dalka, cashuurtoodana waxa lagu qaadaa kastamada, laakiin xoolaha dhoofa waxa saaran lacag kale oo aan cashuur ahayn, neefka adhigga ah waxa saaran $2, lo'da waxa saaran $11, neefka geela ahna waxa saaran $15.

Marka lacagtaa la isku daro annad kaska waxa dhoofka xoolaha si qarul sharci ah uga soo gala madaxtooyadda lacag gaadhaysa $3,094,000 (Saddex milyan iyo afar iyo sagaashan kun oo dollar) marka la eego muddadii Rayaale hayey waxa dhoofka xoolaha uga soo xerootay aduun dhan $21,685,000 (Kaw iyo labaatan milyan, lix boqol iyo shan iyo sideetan kun oo dollar).

Lacagta saaran xoolaha dhoofaya ee la qaataa wax qasnadda dawladda ku dhaca oo miisaaniyadda gala maaha, waa wax lagu magacaabo dhiggaal (Deposit), laakiin aan dadkii lahaana loo celin, qasnadda dawladdana ku dhicin, waxayna si toos ah ugu hoyan jirtay madaxtooyadda, ilaa haddana waxay ku xerootaa madaxtooyadda.

Markaa waxa la isweydiin karaa lacagtaa xoolaha laga qaado maadaama ay lafdhabartii dhaqaalaha yihiin maxaa dib loogu celiyaa ayaa?, waad ogtihiin oo dhulkii ay daaqi lahaayeen seerayaal baa laga wada ootay, deegaankii ay ku noolaan lahaayeen waa la baabiinayaa oo waa taa dhuxusha laga gubayo, markaa waxa weeyaan noloshii xoolaha iyo meeshii ay daaqi lahaayeenba waxay ku jiraan cidhiidhi. Waana lafdhabartii dhaqaalaheena.

Waxa intaa dheer, waxa la yidhi nin Al-jaabiri la yidhaahdo ayey dawladdii la xidhatoo iyaga iyo Al-jaabiri ayaa isku dano noqday oo waxa meesha ka baxday dantii ummadda. Abaarihii inagu dhacay dadkii ay neefafka yaryari u badbaadeen markii xoolaha la furay waxa lagu yidhi neefkiiba waxa la idinka qaadayaa $9 oo loo jarayo lacagtii maxjarka lagu dhisay. Waxayna ahayd in maxjarka dhismihiisa qandaraas lagu bixiyo oo loo baratamo oo uu noqdo mid sharci ah oo ay bixiso hay'adda qandaraasyadda qaranku. Waxana dhacday in sidii TOTAL oo kale cid kooto loogu xidhay oo la yidhi lama ogaan karo lacagta ku baxday ee anaga ayuun baa ogaanayna, lacagtaasina waxay u soconaysaa sidaa ay ilaa hadda u socoto ta laga qaato TOTAL.

Markaa waxa dhacay in suuqeenii isbeddelo oo xoolaheenii badhna ka dhoofaan Dekedda, inta kalena Boosaaso. Waxa weeyaan Al-jaabiri iyo inta iswadata iyo inta dilaaliinta u ahi, ayaa dantii ummadda iska door biday oo iyagu ku shaqaysta, taasina waxay keentay in xoolaheenii ay ka dhoofaan Jabuuti.

Haddaba waxa nasiib-darro ah dadka taageeraya ee codka siinaya madaxda sidaa u dhaqmaysa eel eh xisbigaasi ayaanu taageeraynaa oo waxa xun ee uu ku kacay ayaanu ku taageeraynaa oo codka ku siinaynaa.

Dadka qaar baa ku odhanaya saddexda xisbi waa isku wada mid, kelmadahaasina waa kuwa afmiishaarku suuqa soo geliyo, waxaad la xisaabtamaysaa xisbiga aad wax u dhiibatay ee ku xukuma, ka kale waxaad xaq ugu leedahay inaad ku tidhaahdo aanu ku dooranee xumaanta xisbigaasi ku dhaqmayo ma iska daynaysaa, siyaasadiisa wax ma ka bedelaysaa.

Markaa ninka maanta ugu nasiibka darrani waa ka taageeraya xisbiga musuqaa ku kacaya ee ummadda baabiinaya, teegaaradaana wuu ku aakhiro seegayaa. Waayo qofka dambiilaha ah ee aad taageerto waad la qabtaa, markaa waxaan dhallinyaradda leeyahay mustaqbalkiina u meel daya oo xisbiga madaxdiisu musuqa ku kacdo ee dambiilaha ah ha taageerina, waad ku aakhiro seegaysaane.

Waxa iman doonta maalin in nin laaluush iyo musuqmaasuq lagu tuhmo Baarlamaan ha ku jiro, Xeer-ilaaliyaha, Hanti-dhawrka, Garsoorka iyo qofkasta oo wax xun ku kaca lagu dari doono liiska madaw (black list) oo xil dambe iyo shaqo dawladeed loo dhiiban maayo. Waxaanan leeyahay dadka musuqmaasuqa ku kaca dadku ha diiwaangashadaan oo maalinta doorashadda ha kula xisaabtaaman."

La soco Qormadan Eng. Maxamed Xaashi ku falanqayn doono sida musuqmaasuqu u raggaadiyey ilaha dhaqaalaha Somaliland iyo hantida qaranka, caddadka berina waxaynu ku qaadaa dhigi doonaa lacagaha ka soo xerooda dekedda ee madaxtooyadda Somaliland u soo hoyda…



Jamhuuriya Online

No comments: